
09/08/2025
Dood!
Dhismaha maamulka deegaanka Soomaalida waa mid ka dhashay nidaamka Dawlad Wadaaga Qawmiga ah ( Ethnic federalism) oo lagu askumay dastuurka dalka.
Dhisida maamul Soomaaliyeed oo haga bulshada deegaanka Soomaalida waxa uu ahaa guul siyaasadeed oo taariikhi ah oo ayna mudan yihiin in lagu amaano hogaamintii siyaasadeed ee wakhtigaas majaraha u haysay deegaanka.
Iyada oo ay si guud hogaaminta u qabeen dhisida nidaam maamul looguna magac bixiyay Dawlada Soomaalida kana mid ahaa 9kii deegaan & 2dii maamul magaalo ee aas aaska u ahaa nidaamka dawlad wadaaga, hadana waxaa jirtay kala duwanaansho siyaasadeed oo ku dhisnaa aragtiyo & afkaar taas oo runtiii hagar daamo ku noqotay midnimada bulshada & dhisida maamul hufan oo ka taabagala deegaanka.
Wakhtiga & duruufaha jirayna maysan saacidin in deegaanku yeesho maamul hana qaada kuna aada dhisida bulsho midaysan kana fayaw caadifad & qaybyaalad. Wakhtiyada qaar waxaa jiray hardan & loolan siyaasadeed oo gudaha ah iyo dhaq dhaqaaq hubaysan oo meesha kasaaray in hogaamintu dhisaan hanaan dawlo oo shaqaynkara una diyaariya bulshada nidaam maamul l leh kalsoonida shacabka.
Wakhtigii EPRDF inkasta oo la yagleelay qaab dhismeed hadana talada k**a go'aynin hogaaminta & hay'adaha dawliga ah ee khusaysaysa oo kaliya. Waxaa jiray lataliyeyaal siyaasadeed ( political advisors) oo deegaanka ka ahaa ' Madaxwaynayaal qarsoon' ( Defacto presdent). Markii laga tago in lataliyeyaashan ahaayeen kuwa haga go'aamada muhiimka ah ee la gaadhayay, waxaa kale oo ahaayeen kuwa ka dhax abuura kalsooni daro bulshada iyo hogaaminta. Dhibaatooyin badan ayaa dhacay oo sababay khasaaro naf & moodba leh. Waxaana sabab u ahaa qaybsanaanta bulshada & hogaamin aan lahayn aragti siyaasadeed oo dhaafsiisan kursiga taas oo dhaxalsiisay in deegaanka ka dhacaan gaboodfaladii ugu xumaa gaar ahaan wakhtigii uu deegaanka ka ariminayay Mudane Cabdi Muxumed Cumar.
Hadaba, April 2018 waxaa dalka ka dhacay isbadal uu majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed, isbadalkaas oo sidoo kale keenay in isbadal ku yimaado hogaanka deegaanka loona caleemo saaray Mudane Mustafa Muxumed Cumar.
Wakhti uu jiro bur bur cadaalad, maamul, bulsho & dhaqaale ayuu ahaa bulshada u heelan tahay isbadal taabagal ah.
Dhismaha Xisbiga Barwaaqo waa wakhtigii siyaasiyiinta deegaanka kasoo jeeda ay qayb ka noqdeen saamayna ku yeesheen golaha siyaasadeed ee dalka looga aramiyo, sidoo kalana deegaanku noqday mid ka dhawrsan faragalinta dawlada federaalka.
Shaqooyin horumar oo dhanka kaabayaasha aas aasiga ah gaar ahaan jidadka khaasatan magaalooyinka Jigjiga, Godey , Qabridahar & Dhagaxbur waxqabad muuqda ayaa laga sameeyay. Dhanka bad qabka bulshada isbadal waa laga sameeyay, inkasta oo ay jireen iskudhacyo beleed ama dilal la xidhiidha aano qabiil. Adeegayada aas aasiga ah sida biyaha, waxbarashada & caafimaadkana dadaal ba laga sameeyay, inkasta oo dood kajirto xaga natiijada, waana mawduuc mudan in laga wada hadlo sababaha aysan u muuqan natiijada.
Mawduuca mudan in laga dooda bulsho ahaan, dhaqan, waxgarad & aqoon yahan waxaa ahayd, isbadalka kadib, intee in la'eg baa la bogsiiyay nabaradii soo jireenka ahaa ee dhanka qaybsanaanta bulshada ee ku dhisnayd qabyaalada, cadaalad darada, dhisida maamul hufan, u sinaanta sadka dhaqaalaha, iyo jihada loo jihaystay isbadalka kadib.
Waa dood bulshada qaybaheeda oo dhinac ah & maamulku ay gali karaan waxna lagu toosin karo, ayna muuqan karto masuuliyada hogaaminta bacriminta bulsho leh aragti ku dhisan midnimo & qiyam bulshadeed.
W/ Q Abdullahi Aden abdi