Gadhyogol News

Gadhyogol News waa bogga rasmiga ah ee Gadhyogol News

GEBILAY GOBOL BAAN KA DHIGAYAA BEENAALE DHEH WALEE ADHI SHUGUX SHUGUX KA ILBAXO.
27/05/2026

GEBILAY GOBOL BAAN KA DHIGAYAA BEENAALE DHEH WALEE ADHI SHUGUX SHUGUX KA ILBAXO.

LAXDAASI BERI WAA KU DEYSAY QOF MARKISII H**E WAASHMAAN AHAA XIL WASIIRNIMO WUXUUU KA GARANAYO AYAAN JIRIN
05/04/2026

LAXDAASI BERI WAA KU DEYSAY QOF MARKISII H**E WAASHMAAN AHAA XIL WASIIRNIMO WUXUUU KA GARANAYO AYAAN JIRIN

24/07/2025

HARTA SHEEKHA AYAA GOBOL LAGA DHIGAY🇪🇹💪✌️✌️

Maxamed muraadoow awoow mcn adigu waxaad noo sheegtaa maalinta maxamed kaahin isagu abtiyaashii ku leeyahay oo cad , sid...
20/07/2025

Maxamed muraadoow awoow mcn adigu waxaad noo sheegtaa maalinta maxamed kaahin isagu abtiyaashii ku leeyahay oo cad ,

sidaad adigu sheegtay maxamed kaahin wuxuu ahaa anaka 40 sano ayay abtiyaashii sideen oo aanu maalin ka dhicin .

2) Maxamed kaahin in uu uu noqdo maxamed kaahin oo haayadu daawato quruxdiisa iyo qiimihiisa abtiyaashii baa sameeyay ilahay ka sakow. ilaa maalintii iskuulka abtigii geeyay ilaa iyo maanta waa la xambaarsanyahay maalin lama tuurin , lamana tuuraayo.

Aniga oo rooda ah maxamed kaahin 2 maalmood baan ku leeyahay. Lkn isagu 1 sacad xataa iguma laha.

1) xasuus : maalintii xirsi haayadu ka raacday 2017 dagaalkan galay wuu duuban yahay .
2 ) maalintii hj maxamuud xaashi ka raacday.2024 kii
Intaan soo kacay anigoo rooda ah oo 7 sano oo uu wasiir ahaa arag baan idhi ala naaska. Markaasan xanjeeeka ku xidhay si aanu iga dhicin.

3 ) maxamed kaahin intii uu wasiirka amaanka ahaana
Xadhiga iyo nabada uu xidho ceel afwayn ilaa laascanood ragbaa furaayay abtiyaashiina xilka iyo xoolaha ba waa lagu ilaalinaayay. Maalin kamaanu caban.

Maanta waxaan rajaynaynaa in maxamed quruxbadane gudi doono abaal kii 40 ka sano.

INa muraadow inaad Saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daa.

Xirsi wuxuu yidhi cadaalad ayaan ka shaqayn jiray markaan wasiirka madaxtooyada ahaa, bal ha inoo sheego cadaaladan mark...
18/07/2025

Xirsi wuxuu yidhi cadaalad ayaan ka shaqayn jiray markaan wasiirka madaxtooyada ahaa, bal ha inoo sheego cadaaladan marka uu wasiirka madaxtooyada ahaa uu saaxiibkii Cabdirisaaq Khaliif Dawdar dantii guud ee dawladda hoose uu guriga ugu siiyay?

Hadda ku darso buuga uu qoray Xirsi ee la yidhaahdo “Miyi ilaa madaxtooyada” wuxuu ku sheegay inuu xilliga waraaqdan Siilaanyo la tixraacaya, ayaa madaxweyne Siilaanyo Allah ha u naxariisto eh ay xusuustu ka tagtay, waa sida uu ku sheegay, ma madaxweyne xusuustu ka tagtay ayaa guri u ogolaaday?

📌Akhriso xilalka tirada badan ee beeshiisa Gadhxajis uu u magacaabay madaxweyne Ciro.Sideed u aragtaa Somaliland-ta Lawa...
21/06/2025

📌Akhriso xilalka tirada badan ee beeshiisa Gadhxajis uu u magacaabay madaxweyne Ciro.

Sideed u aragtaa Somaliland-ta Lawada Leeyahay.

Mucaarad Qori Sitay iyo Mucaarad Qallin sita...................................................................= Nooca t...
15/05/2025

Mucaarad Qori Sitay iyo Mucaarad Qallin sita...................................................................
= Nooca tabasho ee ay qabeen Garxajiska Waddani, markii aanay xukunka iman wuxuu ku salaysnaa Qori, cay, dagaal, hanjabaad iyo dal-dumis aan loo aabo yeelin. Maanta dhibta ugu weyn ee haysta muxaafidku waa iyada oo meel kasta ay taallo wixii gef ay galeen oo qoraal, muqaal iyo codba leh. Beeshaasi qori ayey wax ku dooneen.

= Nooca tabasho ee Habar Awal waa qallin inay wixii tabasho ah ku doonaan. Waa heer ilbaxnimo iyo xadaarad weyni ku jirto. Waayo mar kasta tabasho way jiraysaa, waxa se la isku dhaafay dariiqa loo marayaa ma yahay mid dadka iyo nolosha waxyeelaya. Qallinku wuu ka xoog badan yahay qoriga mar la eego dunidan casriga ah. Tabashooyinka haddii aan la sheegin oo la huursado, hadhow waxa ay gaadhaysaa qarax iyo meel aan waxba laga qaban karin.

Shaahii Iiraan xukumayey ee ay talada kala wareegeen xertii Wadaaddada ee Aayatulle Khumeyni hogaaminaayey, ayaa markii kacdoonkii soo gaadhay madaxtooyada diyaarad lagaga dhexqaaday. Markay diyaaraddii kacday ayuu arkay kumanaan dad ah oo gudaha u galaya madaxtooyadiisii. Markaasuu yidhi " dadkaasi maxay ahaayeen"? Waxa lagu yidhi waa dadkii kugu kacsanaa. Markaasuu yidhi" miyaad ii sheegtaan in sidan la ii nacay".

Mudane Xinifow,Waan ku hambalyeynayaa hadalka aad dhawaan ka jeedisay arrinta la xiriirta guddoomiyenimada xisbiga KULMI...
02/05/2025

Mudane Xinifow,

Waan ku hambalyeynayaa hadalka aad dhawaan ka jeedisay arrinta la xiriirta guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, balse waxaa muhiim ah in aynu runta iyo xaqiiqda siyaasadda Somaliland si geesinimo leh u eegno.

Xisbiga KULMIYE waxa uu muddo dheer hayey talada dalka, waxaana loo baahan yahay in waxqabadkiisa laga dareemo guud ahaan Somaliland, balse su’aasha meesha taal ayaa ah: halkee ayey xisbiga ugu codeeyeen beeshaadu, jeegaantii heshiiska lagu ahaana yaa ka baxay?

Doorashadii madaxweynaha ee ugu dambeysay, beesha Habarjeclo waxay codkooda siiyeen xisbiga WADDANI iyo ururka KAAH, taas oo muujinaysa in kalsoonidii la filayay in ay ku sii nagaato KULMIYE ay lunto. Waxaa taa dheer, beesha Xinif laftiisu waxay codkoodii u weeciyeen dhinac aan ahayn KULMIYE, mana ay taageerin Madaxweyne Muuse Biixi.

Haddaba, iyadoo taasi jirto, maxay tahay sababta aad maanta ugu doodayso guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE? Xisbiga KULMIYE uma baahna hadallo bannaan ee wuxuu u baahan yahay kalsooni shacabka, gaar ahaan beelaha aan mar dambe u arkin in ay wax ka helayaan xukuumaddiisa.

Waa muhiim in siyaasiyiintu ay ka turjumaan danta guud, kana hortagaan wax kasta oo dalka u horseedi kara kala shaki iyo is-qabqabsi beeleed. Guddoomiyenimada xisbiga laguma salayn karo hadal kaliya ee waxa lagu helaa cod, kalsooni dadweyne, iyo waxqabad muuqda.

Marka la eego xogta doorashooyinkii ugu dambeeyay, lama odhan karo KULMIYE waxa uu leeyahay taageero xooggan oo ka imanaysa beelaha aad matasho. Sidaas darteed, waxaa habboon in la is weydiiyo: Xisbiga aad maanta u hadlayso miyaanu cod ka waayin deeganada aad ka soo jeedo oo doorashadii u dambeysay ee somaliland ka dhacaday?

26/04/2025

ALLEYLE GU'BAA DA'AY

SPSA dhulka ay dagan iyo hogaamiyahooda ruuxiga
25/04/2025

SPSA dhulka ay dagan iyo hogaamiyahooda ruuxiga

Address

UAE
Dubai

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gadhyogol News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share