21/09/2025
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo safar shaqo ku jooga magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa maanta kulamo muhiim ah la yeeshay masuuliyiinta gobolka iyo maamulka degmada Burco.
Masuuliyiinta uu Wasiirku la kulmay waxaa ka mid ahaa Badhasaabka Gobolka Togdheer, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka, Maayirka Degmada Burco, iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo degmo.
Wasiirka waxa kulamadaas ku wehelinayay Maamulaha Xafiiska wasiirka, Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Gobolka Togdheer iyo Ku-simaha Maamulaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Degmada Burco, kuwaas oo qayb weyn ku lahaa qabanqaabada kulamada iyo xoojinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda.
Intii kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray:
• Dardargelinta ololaha liisamada ganacsiga ee gobolka Togdheer, si kor loogu qaado kobcinta iyo ururinta dakhliga ee liisamada ganacsiga.
• Horumarinta nidaamka ganacsiga iyo maamulka suuqa, iyada oo lagu adkaynayo shuruucda iyo hufnaanta adeegyada ay ganacsatada iyo shacabka ka faa’iidaystaan.
• Xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa xafiisyada wasaaradda ee heer gobol iyo heer degmo, iyo hay’adaha dawladda ee heer degmo iyo heer gobol.
• Kobcinta dalxiiska iyo dhaqaalaha deegaanka, maadaama gobolka Togdheer uu ka mid yahay meelaha ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan dalka.
Wasiirka oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa xusay in Wasaaraddu ka go’an tahay in ay si joogto ah u dardar geliso hawlaha shaqo iyo ilaalinta nidaamka ganacsiga, isla markaana ay si dhow ula shaqayso masuuliyiinta gobollada iyo degmooyinka dalka.
Ugu dambayn, masuuliyiinta gobolka iyo degmada Burco ayaa fariin wadajir ah u diray bulshada iyo ganacsatada gobolka Togdheer, iyaga oo ku dhiirrigeliyay:
• In ay si buuxda uga qaybqaataan ololaha cusboonaysiinta liisamada ganacsiga, bixinta cashuuraha baaqday iyo diiwaangelinta ganacsiyada aan h**e u haysan liisan ganacsi.
• In ay gacan ka geystaan hirgelinta kobcinta dakhliga gobolka, maadaama gobolladu xagga dakhli soo xaraynta tartan ku jiraan.
Arrintan ayaa muujinaysa sida ay Wasaaraddu u doonayso in bulshada iyo ganacsatada gobolka Togdheer ay door muuqda uga qaataan horumarinta dhaqaalaha iyo kobcinta ganacsiga dalka, iyadoo liisamada ganacsigu ay laf-dhabar u yihiin nidaaminta iyo kobcinta dhaqaalaha qaranka.