03/09/2026
Aqriso 👀
WARQAD FURAN OO KU SOCOTA GUDDOOMIYAHA JSP IYO GUDDIGA
FULINTA EE JSP
Ujeeddo: Talo ku aaddan go’aanka k**a dambeynta ah ee hoggaanka xisbiga JSP ee xulashada musharraxa heli doona kaarka Xisbiga ee doorashada hoggaanka Hirshabeelle.
Mudane Guddoomiye,
Anagoo si weyn u qaddarinaya xilka iyo xasaannadda aad hayso, waxaan jeclaystay inaan kuu soo gudbiyo aragtideyda iyo talooyin madax-bannaan oo ku saabsan go’aanka Xisbiga ee cidda qaadanaysa kaarka JSP ee doorashada Madaxweyneha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee soo socota.
Waxaan si xushmad leh u soo jeedinayaa in marka go’aankan laga tashanayo la tixgeliyo codka iyo aragtida aqoonyahannada, waayo-joogga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ee aqoonta durugsan iyo khibradda u leh sooyaalka Hirshabeelle.
Talooyinka oo la tixgeliyo, waxay gacan weyn ka geysan karaan in la helo hoggaan sax ah, waxaana adkeynayaa in la ballaariyo doodaha lagu gaarayo go’aanka ugu dambeysa, maaddaama doorashada dhacaysa ay si weyn u saameyn doonto mustaqbalka Hirshabeelle iyo jihada uu maamulku aadi doono doorashada kadib.
Iyadoo la tixgelinayo kala-qaybsanaanta siyaasadeed ee Hirshabeelle, tabashooyinka weli taagan, awood yarida hay’adaha, caqabadaha amni iyo baahiyaha horumarineed ee jira, musharraxiinta kursiga u tartamaya waa in lagu qiimeeyaa awoodda ay u leeyihiin xal ka qabashada aasasiga ah ee aan xusany, waana muhiim in hoggaanka lagu saleeyo kartida uu u leeyahay fulinta iyo ka jawaabidda baahiyaha bulsho, halkii lagu qiimeyn lahaa sumcaddiisa siyaasadeed.
Waxaan soo jeedinayaa in mudnaanta la siiyo musharax siyaasaddiisa h**e loo tijaabiyay, isla markaana muujiyay awoodda uu u leeyahay dhisidda is-afgarad, kasbashada taageerada siyaasiyiinta iyo baarlamaanka, maaraynta danaha iska soo horjeeda iyo gaarista natiijooyin siyaasadeed oo adag. Waxaana ay taasi meesha ka saareysaa in lagu hungoobo filasho siyaasadeed oo aan weli la tijaabin.
Sidoo kale, waa in la qiimeeyaa khibradda uu hoggaanku u leeyahay fulinta iyo dejinta siyaasadaha, gaar ahaan qof soo hoggaamiyay wasaarado, hay’ado dowladeed, soo fuliyay mashaariic waaweyn, isla markaana awood u leh in uu gaaro go’aano masiiri ah oo wax weyn ka goyn kara miiska wada-hadalka.
Awoodda dib-u-heshiisiinta iyo fahamka uu musharraxu ka haysto guud ahaan deegaanada Hirshabeelle waa arrin iyaduna muhiim u ah geeddi socodka maamulka. Hirshabeelle waxay u baahan tahay hoggaamiye awood u leh inuu la falgalo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, wax ka qabto tabashooyinka taagan, xal waara u helo isfahamwaaga siyaasadeed, isla markaana kalsooni ka dhex abuuro bulshada.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in mudnaan gaar ah la siiyo awoodda musharraxa ee dib-u-habaynta hay’adaha iyo dhismaha dowladnimada. Musharraxa la dooranayo waa inuu leeyahay aragti uu ku xoojin karo hay’adaha dowliga ah, ku horumarin karo hufnaanta maamulka iyo daahfurnaanta, kor ugu qaado isla-xisaabtanka, isla markaana horseedi kara heshiisyo siyaasadeed oo abuura nidaam waara iyo dowlad dhisan oo si dhab ah u shaqeysa.
Awoodda aqooneed ee uu musharraxu leeyahay waa qodob kale oo muhiim ah. Aqoonta heerka PhD ama khibrad xirfadeed iyo hoggaamineed oo u dhiganta ayaa qiimo weyn ku kordhin karta fahamka arrimaha la xiriira dib-u-dhiska nabadda, dowladnimada, amniga, horumarka iyo baahiyaha fog ee dhismaha dowladnimada.
Daacadnimada, lagu kalsoonaan karo iyo dabeecadda hoggaamineed waa inay ahaadaan tiirarka aasaasiga ah ee lagu xulan karo. Musharraxu waa inuu ahaadaa qof ixtiraam leh, lagu kalsoonaan karo, isla markaana uuka muuqdo bisayl siyaasadeed. Waxaa kale oo lagama maarmaan ah, in uu leeyahay go’aan qaadasho wanaagsan, sooyaalkiisa ay ku jiraan waxqabad la isku halleyn karo iyo kalsooni uu ku kasbaday khibraddiisa h**e ee uu ku soo shaqeeyay, gaar ahaan haddii uu leeyahay waayo-aragnimo hoggaamineed, waxay noqon kartaa astaan muujinaysa inuu diyaar u yahay masuuliyadda oo kale.
Musharraxa la dooranayo waa inuu sidoo kale si wanaagsan u yaqaan hab-dhiska iyo shaqada Dowladda Federaalka, xiriirro wanaagsan oo h**e uu la lahaa hay’adaha dowliga ah, isla markaana uu faham fiican ka haysto hannaanka lagula shaqeeyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Tani waxay gacan ka geysan kartaa kartaa sii joogteynta iskaashiga dhow ee Dowladda Federaalka, iyadoo isla markaana la xoojinayo sharciyadda, hay’adaha iyo awoodda Hirshabeelle.
Fahamka maaraynta khayraadka dabiiciga ah, oo ay ka mid yihiin beeraha, dhulka, biyaha iyo isbedelka cimilada, waa in sidoo kale la tixgeliyo. Awoodda uu musharraxu u leeyahay inuu la shaqeeyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah iyo hay’adaha horumarinta waxay sii xoojin kartaa awoodda uu u leeyahay inuu helo khayraad, abuuro iskaashi wax-ku-ool ah, isla markaana xoojiya awoodaha dhaqaalaha iyo khayraad ee Hirshabeelle, kuwaa oo kordhinaya horumarka maamulka.
Mudane Guddoomiye,
Ma jiro hal shuruud oo keliya oo hoggaan siyaasadeed oo la tijaabiyay, karti fulineed, khibrad dib-u-heshiisiin, awood dib-u-habayn ee hay’adaha, go’aan-qaadasho istiraatiiji ah, daacadnimo, fahamka xiriirka ka dhexeeya federaalka iyo dowlad-goboleedka, waayo-aragnimo horumarineed iyo awood dhab ah oo uu ku dhisi karo dowladnimo.