29/11/2025
Ra’iisul Wasaaraha dalka Australia Anthony Albanese ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee dalka oo xilli uu xilka hayo guursada, kadib markii uu maanta 29/11/2025 galab sabti ah ku qabsaday aroos kooban oo gaar ah magaaladda Canberra ee caasimadda dalka.!
Arooska waxaa ka qeyb galay qoyska dhow ee R/Wasaaraha, gabadha uu la aqal galay iyo saaxiibo aad u kooban. Waxaa goob joog ahaa wiilka Albanese ee Nathan, iyo waalidiinta aroosadda Jodie Haydon, Bill iyo Pauline.