
04/08/2025
Maanta oo ay taariikhdu tahay, 4-da Agoosto, 2025.
Ururka Somali Women in Environment and Climate Change (SWECC) ayaa qabtay Shirka Haweenka Soomaaliyeed ee Cimilada 2025 oo ku saabsanaa muhiimadda ay leedahay caddaaladda cimilada iyo kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee ilaalinta deegaanka.
Shirkaasi oo lagu qabtay Istanbul Hotel waxaa halku-dhig looga dhigay:
"Somali Women and Climate Justice: A Call to Action."
Ururka Yool Bulsho waxaa si rasmi ah uga qayb galay Agaasimaha Guud ee Ururka Yool Bulsho, Muumin Yuusuf Cali(Saami), oo matalayey ururka, kana mid ahaa masuuliyiinta sare ee ka qayb gashay shirkaan ee haweenka Soomaaliyeed ee la dagaallanka isbeddelka cimilada.
Ururka Yool Bulsho wuxuu sii xoojinayaa taageerada dadaallada deegaanka iyo doorka haweenka ee xal u helidda caqabadaha cimilada.