Yool Bulsho Organization

Yool Bulsho Organization Ushaqayn shacab
Ugar gaarid dan yar

OGAYSIIS RASMI AHBarnaamij Tababar Bilaash ah oo Loo Furayo Ardayda Dhammeystay F4Ururka Yool Bulsho, oo hormuud ka ah h...
28/07/2025

OGAYSIIS RASMI AH

Barnaamij Tababar Bilaash ah oo Loo Furayo Ardayda Dhammeystay F4
Ururka Yool Bulsho, oo hormuud ka ah hawlaha samafalka, waxbarashada, iyo ilaalinta deegaanka, wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqayaa barnaamij tababaro xirfadeed oo bilaash ah, looguna talagalay dhammaan ardayda dhowaan dhammeystay fasalka afaraad ee dugsiga sare (Form Four – F4).

Koorsooyinka La Bixinayo:
🎓 Computer Literacy Course
– Tababar ku saabsan fahamka aasaasiga ah ee kombiyuutarka, barnaamijyada xafiisyada sida Word, Excel, PowerPoint, iyo adeegsiga tiknoolajiyada casriga ah.

🩺 First Aid Course
– Tababar wax ku ool ah oo ku saabsan gargaarka degdegga ah, samatabbixinta, iyo la tacaalida xaaladaha caafimaad ee lama filaanka ah.

💼 Career & Personal Development Course
– Tababar lagu kobcinayo xirfadaha shaqo raadinta sida qorista CV-ga, xirfadaha wareysiga (interview skills), iyo qorsheynta mustaqbalka waxbarasho/shaqo.

Macluumaad Muhiim ah:
📅 Taariikhda Bilaabashada: August 2025
📍 Goobta: Al-Imra International University (AIU)
💰 Qiimaha: Bilaash – lacag lagama qaadayo
🎯 Ujeedada Barnaamijka:
Kor u qaadidda aqoonta, xirfadaha, iyo wacyiga ardayda dhammeystay F4, si ay ugu diyaar garoobaan fursado shaqo, waxbarasho sare, iyo horumar shaqsiyeed.

Sida Loo Isdiiwaangeliyo:
✅ Dhammaan ardayda dhammeystay F4 waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa inay iska diiwaan geliyaan barnaamijkan.

📲 Si aad xog dheeraad ah u hesho, fadlan nagala soo xiriir:
Lambarka: +252 614486865
WhatsApp Group-ka rasmiga ah:
👉 https://chat.whatsapp.com/IZrBLruqOiA41yMSas4zWP?mode=ac_t

Ururka Yool Bulsho
Kobcinta Aqoonta | Daryeelka Bulshada | Ilaalinta Deegaanka

Hambalyo!Ururka Yool Bulsho waxa uu si rasmi ah u xusayaa sannad-guuradiisa 3-aad. Saddex sano oo u taagan halgan, horum...
18/06/2025

Hambalyo!

Ururka Yool Bulsho waxa uu si rasmi ah u xusayaa sannad-guuradiisa 3-aad. Saddex sano oo u taagan halgan, horumar, iyo adeeg bulsho. Waxa aan u mahadcelinaynaa dhammaan xubnaha, saaxiibbada, iyo taageereyaasheenna ka qeyb qaatay safarkan qiimaha leh.





Ciid wanaagsan
05/06/2025

Ciid wanaagsan

Fariin Dardaaran oo ka timid Agaasimaha DeegaankaBulshooy Soomaaliyeed !.Deegaanka waa hanti wadaag ah oo aynu dhammaant...
22/04/2025

Fariin Dardaaran oo ka timid Agaasimaha Deegaanka

Bulshooy Soomaaliyeed !.

Deegaanka waa hanti wadaag ah oo aynu dhammaanteen masuul ka nahay. Waxaa naga go’an in aan dhowrno baddeena, dhulkeena, kaymaha iyo hawadeena, si jiilasha dambe ay u helaan nolol wanaagsan.
Waxaan idin ku dhiirrigelinayaa in aad:
• Ka fogaataan qashin-qubka meelaha dadweynaha iyo biyaha.
• Beertaan geedo si loo yareeyo kuleylka iyo nabaad guurka.
• Ka qayb qaadataan ololaha nadaafadda iyo wacyigelinta deegaanka.
• U isticmaashaan kheyraadka dabiiciga ah si masuuliyad leh.
Haddii aan ilaalinno deegaanka, waxaan ilaalinaynaa nolosheena. Aan noqono dad mas’uul ah oo daryeela dhulka aynu ku noolnahay.
W/Q: Agaasimaha Deegaanka
Ururka Yool Bulsho
Nuur Ali Shiikhey

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA URURKA YOOL BULSHO AYAA MAGACAWDAY XUBNO KA MID AH GUDDIGA FULINTA EE URURKA YOOL BULSHOKu: Dhamm...
18/04/2025

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA URURKA YOOL BULSHO AYAA MAGACAWDAY XUBNO KA MID AH GUDDIGA FULINTA EE URURKA YOOL BULSHO

Ku: Dhammaan xubnaha magacyadooda hoos ku xusan yihiin

Og: Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho

Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Fulinta ee Ururka Yool Bulsho

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Yool Bulsho;

Markay aragtay: baahida loo qabo in la magacaabo xubnahan hoose si loo dardar-geliyo hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Ururka Yool Bulsho

Markay aragtay: aqoontooda, kartidooda, iyo waaya-aragnimadooda shaqo

Markay la-tashatay: Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho

WAXA AY XEERISAY;

QODOBKA 1-AAD
MAGACAABID

Maanta oo ay taariikhdu tahay, Abriil 18, 2025, waxaa xubnahan ay magacyadooda hoos ku xusan yihiin loo magacaabay xilalkooda.

1) Nuur Cali Shiikhey,
Agaasimaha Deegaanka

2)Ubax Xasan Maxamed,
Madaxa Dhaqanka &Wacyigelinta

QODOBKA 2-AAD
DHAQAN-GALKA XEERKAN

Xeerkan waxa uu dhaqan-galayaa marka ay saxiixdo Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Yool Bulsho, wayna saxiixday.

Bushra Farah Roble,
Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Yool Bulsho

Xubno ka tirsan Ururka Yool Bulsho ayaa ka qaybgalay xuska Maalinta Dhir-Beerista Qaranka ee Soomaaliya oo la xuso 17-ka...
17/04/2025

Xubno ka tirsan Ururka Yool Bulsho ayaa ka qaybgalay xuska Maalinta Dhir-Beerista Qaranka ee Soomaaliya oo la xuso 17-ka Abriil sannad kasta, taas oo ah maalin muhiim ah oo lagu dhiirrigeliyo dhir-beerista iyo ilaalinta deegaanka. Maalintan waxaa si weyn looga qeybqaataa hay'adaha dowliga ah, ururada bulshada, iyo guud ahaan shacabka, iyada oo loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta isbedelka cimillada iyo in la xoojiyo ka qeybqaadashada bulshada ee ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdulhak Abdulkadir Ahmed,
Xafiiska Xoghayaha Guud, Ururka Yool Bulsho.
Tel: +252 61 4486865
E-mail:[email protected]

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA URURKA YOOL BULSHO AYAA MAGACAWDAY XUBNO KA MID AH GUDDIGA FULINTA EE URURKA YOOL BULSHOKu: Dhamm...
16/04/2025

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA URURKA YOOL BULSHO AYAA MAGACAWDAY XUBNO KA MID AH GUDDIGA FULINTA EE URURKA YOOL BULSHO

Ku: Dhammaan xubnaha magacyadooda hoos ku xusan yihiin

Og: Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho

Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Fulinta ee Ururka Yool Bulsho

Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Yool Bulsho;

Markay aragtay: baahida loo qabo in la magacaabo xubnahan hoose si loo dardar-geliyo hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Ururka Yool Bulsho

Markay aragtay: aqoontooda, kartidooda, iyo waaya-aragnimadooda shaqo

Markay la-tashatay: Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho

WAXA AY XEERISAY;

QODOBKA 1-AAD
MAGACAABID

Maanta oo ay taariikhdu tahay, Abriil 16, 2025, waxaa xubnahan ay magacyadooda hoos ku xusan yihiin loo magacaabay xilalkooda.

1) Maxamed Axmed Cumar,
Madaxa Qorshaynta

2) Cabdiraxmaan Cali Dhoorre,
Madaxa Arrimaha Bulshada

3) Cabdixakiin Cumar Maxamed,
Madaxa Cilmi-baarista

4) Xasan Shariif Cali,
Madaxa Hawlaha Guud

5) Maxamed Abuubakar Suufi,
Madaxa IT-ga iyo Teknoolojiyadda

6) Layla Muuse Xasan,
Madaxa Xiriirka Gudaha

7) Ikraan Cabdiwahaab Nuur,
Madaxa Lojiistikada

8) Cabdiqaadir Axmed Caynab,
Madaxa Warfaafinta

9) Libaan Xasan Maxamed Arwah,
Madaxa Xiriirka Caalamiga

10) Maxamed Mahad Axmed,
Madaxa Tababarada iyo Kobcinta Aqoonta

11) Cabdiraxmaan Xasan Xuseen,
Madaxa Diiwaangelinta iyo Xogta

12) Ubax Xasan Maxamed,
Isku-duwaha Hawlaha Xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka

13) Muumin Yuusuf Cali,
Agaasimaha Guud

14) Umuhaan Maxamed Aadan,
Agaasimaha Samafalka

QODOBKA 2-AAD
DHAQAN-GALKA XEERKAN

Xeerkan waxa uu dhaqan-galayaa marka ay saxiixdo Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Yool Bulsho, wayna saxiixday.

Bushra Farah Roble,
Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka Yool Bulsho

GUDDOOMIYAHA URURKA YOOL BULSHO OO KULAN MIRO-DHAL AH LA YEESHAY AGAASIMAHA WAAXDA SHAQA ABUURKA IYO HORUMARINTA SHAQADA...
08/04/2025

GUDDOOMIYAHA URURKA YOOL BULSHO OO KULAN MIRO-DHAL AH LA YEESHAY AGAASIMAHA WAAXDA SHAQA ABUURKA IYO HORUMARINTA SHAQADA EE WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA EE JFS

Muqdisho, Abriil 08, 2025; Guddoomiyaha Ururka Yool Bulsho, Mudane Sakariye Maxamed Ibraahim (Dal-Dhise), oo uu wehliyo Xoghayaha Guud, ahna Madaxa Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee ururka, Mudane Cabdulxaq Cabdulqaadir Axmed, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Waaxda Shaqo-abuurka iyo Horumarinta ee Wasaaradda, Mudane Sakariye Cabdi Xaashi ayaa si diiran u so dhaweeyay Gudoomiyaha Ururka Yool isla markaana la yeeshay kulan diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa shaqo-abuurka iyo dhiirrigelinta hal-abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed, loona abuuri lahaa fursado ay ku soo bandhigi karaan kartidooda iyo hibadooda.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga u dhexeeya Waaxda iyo Ururka Yool Bulsho, si loo qabto tababbarro kor loogu qaadayo xirfadaha dhalinyarada, loogana shaqeeyo horumarinta iyo dardargelinta wada-shaqeynta ururka iyo hay’adaha dowladda.

Ururka Yool Bulsho waxaa mar waliba ka go'an xoojinta iskaashi miro-dhal ah oo lala yeesho hay’adaha dowliga ah, iyo kuwa gaarka loo leeyahay, si loo horumariyo fursadaha iyo mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdulhak Abdulkadir Ahmed,
Xafiiska Xoghayaha Guud, ahna Madaxa Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha ee Ururka Yool Bulsho.
Tel: +252 61 4486865
E-mail:[email protected]

Ururka Yool Bulsho ayaa yeeshay kulan casho sharaf oo isugu jiray maamuuska iyo mahadcelinta xubnihii ka qaybqaatay barn...
08/04/2025

Ururka Yool Bulsho ayaa yeeshay kulan casho sharaf oo isugu jiray maamuuska iyo mahadcelinta xubnihii ka qaybqaatay barnaamijka kheyriga ah ee afurinta danyarta, abaal-marinta guuleysteyaasha tartan aqooneedka Yool-Weydiimo, iyo mahadcelinta guddiga qaban-qaabada tartanka.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu muujiyay mahadnaq iyo aqoonsi rasmi ah oo la siiyay dhammaan xubnaha sida hagar la’aanta ah uga qeyb qaatay hawlahaas muhiimka ah, iyada oo lagu dhiirrigeliyay in dadaalkaasi sii socdo si loo gaaro yoolalka ururka ee ku saleysan adeegga bulshada iyo horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

07/04/2025

BISMILLAAH

Ururka Yool Bulsho waxa uu shacabka Soomaaliyeed, asxaabta ururka iyo dhammaan bulshadeena qiimaha leh ka codsanayaa in ay si niyad leh ugu duceeyaan Guddoomiye Ku-xigeenka ururka Bushro Faarax Rooble, oo dhaawac culus soo gaaray xilli ay kasoo dhacday jaranjaro intii lagu guda jiray munaasabad casho sharaf ah oo uu ururku lahaa.

Waxaan Ilaahay ka baryeynaa inuu si degdeg ah u siiyo caafimaad buuxa, u fududeeyo xanuunka, kana abaal mariyo dadaalka ay ugu jirtay u adeegidda bulshada iyo danyarta.

Address

Sarajevo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yool Bulsho Organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share