
01/02/2025
Trump oo ku dhawaaqay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah hogaamiyeyaasha ISIS ee Soomaaliya
Madaxweynaha Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in duqeymo cirka ah lala beegsaday hogaamiye muhiim ah oo ka tirsan ISIS(Daacish) iyo xubno kale oo argagixiso ah oo ku sugan Soomaaliya. Trump ayaa sheegay in duqeymuhu ay burburiyeen goobahooda qarsoodiga ah, isla markaana ay dileen dhowr ka tirsan kooxahaas iyadoo aan waxyeello gaadhin shacabka rayidka ah.