Waaruf TV 2

Waaruf TV 2 Hoyga Wararka Sugaan

Xafiiska Beeraha ee Degmada Shinile ayaa  agab beereed ugu qaybiyay bulshada beeraleyda ah ee deegaanka, si kor loogu qa...
30/06/2025

Xafiiska Beeraha ee Degmada Shinile ayaa agab beereed ugu qaybiyay bulshada beeraleyda ah ee deegaanka, si kor loogu qaado wax-soo-saarka iyo isku-filnaanta dhinaca cunnada.

Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xoojinayo wax-soo-saarka gudaha, taasoo ah qorshe istiraatiiji ah oo ay xukuumaddu qaadatay, si bulshada beeraleyda ah loo gaadhsiiyo barwaaqo iyo horumar waara.

Agabka la qaybiyay ayaa ka koobnaa:
✅ Siidhka (abuurka)
✅ Hamaha buufinta cayayaanka

Xafiisku waxa uu mar kale muujiyay sida uu uga go’an yahay taageeridda beeralayda, isagoo ballan qaaday in uu sii wadi doono caawinta, la-talinta, iyo dhiirrigelinta dadka doonaya inay ka qayb qaataan wax-soo-saarka deegaanka.
Waaruf TV 2

29/06/2025
27/06/2025
  Sheekh weynaha caanka ah ee Xussen Cali Jabuuti ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Shiniile ee xarunta gobolka Si...
25/06/2025

Sheekh weynaha caanka ah ee Xussen Cali Jabuuti ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Shiniile ee xarunta gobolka Sitti.

Sheekha ayaa kulan wacdi diini ah iyo la-tashi la yeeshay maamulka degmada Shiniile, waxaana lagu lafa-guray xoojinta diinta, wadajirka bulshada, iyo sidii loo horumarin lahaa nolosha dadweynaha.

Intaa waxaa dheer, labada dhinac ayaa isla qaatay in laga hirgeliyo margiis weyn ( Masaajid) Qabalaha Dhagax Jabiis ee degmada Shiniile, taas oo ka qayb qaadanayso xoojinta diinta macan islamaka.

24/06/2025

Hordhac Wareysi, Nolosha Adeer Amaare: Jaceylkii Saylac ilaa jasiiradda Taylaan, yaraantii uu soo maray iyo xaaladdii siyaasadeed ee u kagag hadlo baraha bulshada.
Wareysigan oo dhamaystiran haben dambe kale soco Waaruf TV haddi alle yidhahdo.

 : Maleeshiyaadka Canfarta oo Weerar Kusoo Qaaday Degmada DaymeedMaleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Canfarta ayaa...
24/06/2025

: Maleeshiyaadka Canfarta oo Weerar Kusoo Qaaday Degmada Daymeed

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxda Canfarta ayaa saaka weerar ku soo qaaday xoolo-dhaqato ku sugnaa nawaaxiga Madane ee degmada Daymeed, Galbeedka Gobolka Siti DDS.

Weerarkan oo ahaa mid toos ah ayaa lala beegsaday dadkii xoolaha la joogay, balse waxaa si geesinimo leh uga hortagay bulshadii deegaanka oo iska caabiyay weerarkaasi. Ilaa iyo hadda lama soo sheegin khasaare naf ahaaneed ama dhaawacyo rasmi ah, hase yeeshee falalkan waxay astaan u yihiin abaabul dagaal iyo diidmada xasiloonida.

Kooxaha Canfarta ayaa toddobaadkan ka fuliyay hawlgallo dhowr ah oo lagu tilmaamayo falal argagixisnimo ah oo ka dhacay qaybo ka mid ah Galbeedka. Tani waxay muujinaysaa in aysan diyaar u ahayn fulinta heshiisyadii nabadeed ee h**ey loo gaadhay.

Dhowaan, hal qof oo xoolo la joogay ayaa ku dhaawacmay agagaarka deegaanka Qalacle ee isla degmada Daymeed. Sidoo kale, dhamaadkii toddobaadkii h**e, maleeshiyaadkaasi waxay xoolo lo’ iyo adhi ah ka dhaceen deegaanka Gablalu.

Tallaabooyinkan waxay iftiiminayaan in kooxda Canfarta ay ka faa’iidaysanayaan xaaladda adag ee ka jirta galbeedka gobolka Siti ee haysta dadka reer miyiga ah, taasoo ka dhigan in loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah iyo tallaabooyin degdeg ah oo lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada shacabka.

iyo .
Waaruf TV

Shiniile oo dhabaha saartay tubta horumarka, Shiniile way talabstay.Dhismaha jidka laamiga ah ee bartamaha magaalada Shi...
23/06/2025

Shiniile oo dhabaha saartay tubta horumarka, Shiniile way talabstay.

Dhismaha jidka laamiga ah ee bartamaha magaalada Shiniile ayaa meel wanaagsan maraya.

Waddadan oo dhererkeedu yahay 10.5 km, ayaa ka mid ah mashruucyada horumarineed ee laga fulinayo magaalada Shiniile, kuwaas oo ka qayb qaadanaya kobaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarka guud ee magaalada.

Warbixin dhamaystiran kala soco dhawaan
Waaruf TV insha allah.

22/06/2025

Ogaysiis Caafimaad.
Sheekha caanka ah ee sheekh rusheeye oo Qur’aanka Kariimka ah iyo sunnada ku daaweeya bulshada ayaa xarun ka furtay magaalada Diridhabe.

Sidaas daradeed dhamaan bulshada ku dhaqan Diridhabe iyo nawaaxigeeda waxaa la ogaysiinayaa in magaalada Diridhabe gaar ahaan xafada abub raxma laga furay xarunta daawanayta Qur’aanka Kariimka iyo sunaada ee sheekh rusheeye.

Kala xidhidh lambarada hoos ku qoran.
0915756088..
Waaruf TV

Diridhabe:- Waxaa maanta magaalada Diridhabe laga oogay salaadda roob-doonka taas oo ay shacabka Muslimiinta ah u tukade...
22/06/2025

Diridhabe:- Waxaa maanta magaalada Diridhabe laga oogay salaadda roob-doonka taas oo ay shacabka Muslimiinta ah u tukadeen si ay Ilaahay uga baryaan roob.
Waaruf TV

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waaruf TV 2 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share