
07/09/2025
Sanadkii 2012-dii nin u dhashay Shiinaha ayaa wuxuu galay shil baabuur, wuxuuna shilkaas sababay in dhaawac daran kasoo gaaro sanka.
Waqtigaas dhaawaca sankiisa wax ihtimaam ah ma uusan siinin, waxayna arintaas sababtay in caabuq daran uu ka haleelo sanka, caabuqa oo aad u halis badnaa ayaana burburiyay muuqaalkii sanka oo dhan.
Dhakhaatiirta ayaana sheegtay in xalka kaliya ee uu heysto ay tahay in san cusub loo farsameeyo kii horana laga jaro, sidaas owgeed feerihiisa ayay waxay kasoo gooyeen carjow kadibna waxay ku rakibeen maqaarka wajiga qeybta jabhada kore yacni foolka wajiga (booska sujuuda) si halkaas sanka cusub loogu sameeyo.
Sanka cusub sababaha ay marka h**e foolka wajiga ugu sameeyeen ayaa waxay tahay in maqaarka sanka iyo midka foolka is leeyihiin, gaar ahaan marka loo fiiriyo taabashada, dareemaha isku dhex mara iyo xitaa isku gudbinta dhiiga, arintaasoona yareyneyso in jirka uu diido sankaas cusub.
Sankii cusbaa dhismihiisa markii ay dhamaatay ayay foolka kasoo wareejiyeen kadibna waxay fariisiyeen booskiisii loogu talo galay.
Bal arintaas wax ka dhaha.
Aanteeno