05/21/2025
Erling Haaland Oo Macasalaamaynaya Kevin De Bruyne,
Marka h**e, aad baad ugu mahadsan tahay dhammaan assists yadii quruxda badnaa ee aad i siisay, xilliyadii farxadda lahaa ee aan wadaagnay, guulihii aan isla gaadhney sida Champions League, Premier League, iyo wax kasta oo aad u qabatay kooxdaan โ dhammaanteen waanu kugu bogaadinanaa.
Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kula ciyaaro saddex sano oo cajiib ah. Waxaan kuu rajaynayaa wax kasta oo wanaag ah mustaqbalka.
Dhamaan Man City, sharaf bay noo ahayd inaan adiga kugu haysano kooxda.
Ka hor intaanan imaanin, si joogto ah baan kuu daawan jiray, waxaanan sugayay maalinta aan kula ciyaari doono, lkn ugu danbayn waan sameynay, waxa aanay ahayd mid cajiib ah. Aad ayaan u faraxsanahay, waxaan kuu rajaynayaa wax kasta oo wanaagsan, waan ku jecelanahay. Anaga iyo dhamaan taageerayaasha City.