03/17/2026
Musharrax xildhibaan Mudane xaaji Bashir Xuseen Cilmi (Bashka Elmi )oo u taagan Degmada Qarsaduula kana sharaxan Xisbiga Barwaaqo, ayaa si rasmi ah u qaatay kaarka codbixinta, taas oo muujinaysa diyaar garowgiisa doorashada.
Mudane Bashir waa mas’uul waayo-aragnimo leh oo xilal badan oo muhiim ah ka soo qabtay deegaanka. Waxa uu h**e uga soo shaqeeyay Wasiir-ku-xigeenka Dakhliga, halka uu hadda yahay Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Maareynta Khataraha Masiibooyinka (DRMK) ee Deegaanka Soomaalida.
Sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa mas’uul akhlaaq badan, af-gaaban, aqoon iyo khibrad leh, isla markaana si muuqata wax badan ugu soo qabtay bulshada iyo horumarka deegaanka.
Bulshada Qarsaduula waxaan kula talinayaa: hala doorto Musharrax Xildhibaan Bashiir Xuseen Cilmi si loo sii xoojiyo horumarka degmada.
WQ Bishar Haji Abdi Abdulahi