17/11/2024
Taariikhda inta la diwaangaliyay deegaanka Soomaalida dhimashadii ama xasuuqii u badnaa waxaa uu dhacay inta uu madaxweyne ka ahaa deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar.
Waxaa ciidda hoos maray haldoorkii iyo halyeeygii deegaanka waxaana asay loo saaray lana kufsaday dumar badan oo mustaqbal iyo aayo kalahaa dunidan.
Dadka deegaanka ku nool ayaa u qaybsamay afar marxaladood kuwo ka qaxa deegaanka ayaga iyo qoyskooda, kuwo u sacabbeeya xukunkii markaa jiray, kuwo la dirira iyo qaar afkooda haysta oo dhankii loo jiidaba raaca kadib markii ay waayeen dhan ay u ciirsadaan.
Shacabka deegaanka ayaa la qabsaday cabudhinta iyo xasuuqa waxaa uuna yar iyo weyn noqdeen kuwo isku fiirsada dulmiga iyo xasuuqa oo midba midka kale ugu hanjabo dowladda ayaan kujiraa iyo car hadal, waxaana mararka qaar dhici jiray in dadka loo dilo arrimo ka baxsan system-ka dowladda oo nidaam shaqsiyadeed ah.
Dhanka kale waxaa marag-madoon ah in 6-dii sano ee ka dambaysay isbadalkii dhacay ay shacabku ka nasteen laxawgii iyo hagar daamadii inta badan lagu hayay walow loo aanayn karo dhib yaraanta kajirtay xukunka maanta, ururadii kajiray deegaanka oo gabi ahaanba hubka dhigay, waxaa biyo k**a dhibcaan ahaan lahayd in xaalku sida maanta ka duwanaan lahaa haddii deegaanka uu joogi lahaa hal wiil oo hubaysan oo ka soo horjeeda xukuumadda maadaama, deegaanno kamid ah dalka Itoobiya ay holcayaan sababo la xidhiidha diidmo ay diideen system-ka maanta jira iyo hab maamulka xukuumadda dalka Itoobiya ee maanta.
maxay kula tahay haddii ay jamhado hubaysan jiri lahaayeen nabadan ma haysan lahayn mise sida tii h**e ayaa lays qalan lahaa?