Radio One Somalia

Radio One Somalia Every Saturday from 6:00 PM

09/15/2024

Check out radio somalia’s video.

09/11/2024

Check out radiosomalia1’s video.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa igu yiri  saraakiil iyo askar badan oo ka tirsan c...
08/30/2024

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa igu yiri saraakiil iyo askar badan oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya ku wargaliyay in marka uu dhamaado howshooda bisha December ay door bidaan in ay dalka sii joogaan, si qaxootinimo ah ilaa ay ka helayaan wadan kale ee saddexaad oo aqbala codsigooda qaxootinimo

Su’aasha qof walba maskaxdiisa ka guuxaysa ayaa ah: Ciidamo shiaheeye xasilooni ma u keeni karaan Soomaliya? Jawaabtu wa...
08/29/2024

Su’aasha qof walba maskaxdiisa ka guuxaysa ayaa ah: Ciidamo shiaheeye xasilooni ma u keeni karaan Soomaliya? Jawaabtu waa maya?

Check out radiosomalia1’s video.

Itobiya Oo Ciyaareysa kaarka Dhibanaha iyo in ay Somaliya Ku Xadgudbayso Ethiopia. Waa warqadii warsaxaafadeedkii uu Abi...
08/29/2024

Itobiya Oo Ciyaareysa kaarka Dhibanaha iyo in ay Somaliya Ku Xadgudbayso Ethiopia. Waa warqadii warsaxaafadeedkii uu Abiy Ahmed Soosaaray sidii ay u dhignayd!

Itoobiya waxay ka walwaleyso oo ka cabaneyso waa in Soomaaliya ay taageero ka codsatay AU iyo UN iyada oo aan Itoobiya ku lug lahayn. Falcelintan ayaan la yaab ahayn, iyadoo la tixgelinayo rabitaanka Itoobiya ee muddada dheer ee ah inay Soomaaliya kala gooyso oo ay ku darsato xeebaheeda.

Itobiya oo xadgudubka iyo dhibka geeska Africa bilowday ayaa hadana iska dhigay dhibbanaha, iyagoo weliba ku kacay falal liddi ku ah danaha Soomaaliya.

Soomaaliya waa dal madax banaan, hadana Itoobiya waxay rabtaa in ay dhul Soomali iyo bad ah ay xoog ku qaadato.

Dadka Soomaaliyeed waxay qireen in ay qalad ahayd ku lug lahaanshihii h**e ee Itoobiya ee howlgallada sida AMISOM iyo ATMIS, taana waan ugu mahadcelineynaa kaalintooda sidey doontaba haku dhamaate.

Si kastaba ha ahaatee, sida howlgalka cusub, ASSUM, uu bilaabmay, Soomaaliya waxay si cad u sheegtay in ku lug lahaanshaha Itoobiya aan loo baahnayn. Ma haystaan sabab ay uga cawdaan marka qof yidhaahdo, "Mahadsanid, laakiin mahadsanid." “Thanks but no Thanks”,

Xakamaynta Itoobiya ee ku saabsan arrin aan jirin ayaa si fudud qayb uga ah damaca ay ka qabaan dhulka Soomaaliya.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa haysta khilaaf ku filan oo uu ku maareeyo xuduudihiisa, oo ay ku jiraan dagaallada ka socda gobollada Oromia, Tigray, iyo Amhara. Waa in uu awoodiisa ciidan xooga saaro xalinta arimahaas.

Hawlgalka cusub ee AU-da, ASSUM, waxa jira laba shuruudood oo keliya oo lagama maarmaanka u ah waddamada ay ciidamada ku deeqayaan: waa inay Afrikaan yihiin, waana in uu soo dhaweeyaa waddanka martida loo yahay.

Abiy ee Itoobiya lama soo dhawaynayo sababtoo ah wuxuu rabaa inuu qaato dhul badeedkeena.

Wuxuu burburiyay xiriirka soo hagaagaya ee dalkiisa iyo Soomaaliya.

Dhinaca Masar oo war-saxaafadeedka ay ka cabanayso, Masar waxay ku habboon tahay labada qodob ee kala ah inay Soomaaliya caawiyaan, Soomaaliyana waxay doonaysaa inay kaalmeeyaan.

Hawlgalladii h**e sida AMISOM iyo ATMIS, Itoobiya, in kasta oo aanay saaxiib la ahayn Masar, haddana way ka qayb qaadanaysay. Hadda, howlgalka ASSUM ee hadda jira, waxaa gabi ahaanba ku habboon Masar, inkastoo ay ku kala duwan yihiin Itoobiya, inay xubin ka noqoto.

Abiy waxa uu u baahan yahay in uu is qaboojiyo oo uu raadiyo arrimo dhab ah oo uu ku xaliyo ama uu ka cawdo.

Radio One Somalia,

08/08/2024

Check out Council of Somali Relations’s video.

Shirqoolo badan oo ay CIA-da iyo Mosad ay ku qaarijiyeen madax badan oo carbeed iyo kuwo African ah, oo  la cadeeyay aya...
07/31/2024

Shirqoolo badan oo ay CIA-da iyo Mosad ay ku qaarijiyeen madax badan oo carbeed iyo kuwo African ah, oo la cadeeyay ayaa waxaa kamid ahaa; boqor Faysal, Anwar Sadaat, Sulfikar Ali Bhuto, Mohamed Siyad Barre iyo Sheikh Mujib Al Raxman, prime minister kii Dalka Bangladesh iyo kuwo kale oo farabadan.

Check out Council of Somali Relations’s video.

Address

4 John Street
Toronto, ON

Opening Hours

Monday 9am - 5pm
Tuesday 9am - 5pm
Wednesday 9am - 5pm
Thursday 9am - 5pm
Friday 9am - 5pm
Saturday 9am - 5pm

Telephone

+14168701540

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio One Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio One Somalia:

Share

Category