Horyaal Media

  • Home
  • Horyaal Media

Horyaal Media War Sugan iyo Deg Degsiinyo Waa Astaanta Horyaal Media

Madaxweyne Firdhiye ma tegi doonaa New York? Codsi cusub oo uu Xamse u gudbiyay Xasan SheekhWarar hordhac ah oo ay hesha...
20/09/2025

Madaxweyne Firdhiye ma tegi doonaa New York? Codsi cusub oo uu Xamse u gudbiyay Xasan Sheekh

Warar hordhac ah oo ay heshay Warbaahinta HORYAAL MEDIA ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ka dalbaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in Madaxweynaha WBS, Cabdikaadir Firdhiye, lagu daro ergada Soomaaliya uga qayb-galeysa shirka guud ee Qaramada Midoobay (UN General Assembly).

Qorshaha Firdhiye iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ah in maadaama hoggaamiyeyaasha caalamku ku kulmayaan dhacdadaas, shirar gaar-gaar ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh la yeelan doono madaxda dalalka Mareykanka, Ruushka, Shiinaha iyo Turkiga si gaar ah loogu soo bandhigo Madaxweyne Firdhiye oo ah hoggaamiye goboleed kasoo jeeda Waqooyiga Soomaaliya, kana mid ahaa siyaasiyiinta muddo dheer ku raad-joogay madax-bannaani.

Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah: Madaxweyne Xasan Sheekh ma aqbali doonaa codsigaas?

WARKA SanaagMadax-dhaqameedka gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay Caaqil Cumar...
16/09/2025

WARKA Sanaag

Madax-dhaqameedka gobollada Sanaag, Haylaan iyo Bari ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi.

Madax-dhaqameedku waxay Dowladda Puntland ugu baaqeen in ay tallaabo degdeg ah ka qaaddo dhacdadan, iyaga oo sheegay in shacabka iyo dhaqanka deegaannadu ay ka fadhiyayaan caddaalad iyo jawaab cad oo dowladeed.

Waxay intaas ku dareen in dilka Caaqilka uu dhaawac weyn gaarsiiyay nabadda iyo wadajirka bulshada, ayna lama huraan tahay in dowladdu muujiso masuuliyaddeeda si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka.

PUNTLAND: Dib Ayaa loo dhigay Doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka GaalkacyoWasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka i...
12/09/2025

PUNTLAND: Dib Ayaa loo dhigay Doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Gaalkacyo

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashada Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii wasaaraddu qiimaysay xaaladda guud ee gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay muddo 24 saacadood ah si loo xalliyo tabashooyin yar yar oo jira.

Doorashadan ayaa muhiimad gaar ah u leh bulshada Gaalkacyo, waxaana dib-u-dhigista ay wasaaraddu ku sheegtay tallaabo lagu xaqiijinayo hufnaan iyo kalsooni ku dhisan wada-ogol.

Golaha Ammaanka: Soomaaliya oo hadal kulul u jeedisay Israa’iilSoomaaliya ayaa noqotay dalka ugu hadal adag ee si toos a...
12/09/2025

Golaha Ammaanka:
Soomaaliya oo hadal kulul u jeedisay Israa’iil

Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu hadal adag ee si toos ah ula hadlay Israa’iil, kadib khudbad uu Golaha Ammaanka ka jeediyay Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle.

Danjiruhu waxa uu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dalka Qadar, isagoo tilmaamay in Qadar xaq u leedahay in ay qaado tallaabo kasta oo ay kaga jawaabeyso “gardarrada aan geedka loogu soo gabban” ee Israa’iil.

Abuukar Baalle ayaa ku eedeeyay Golaha Ammaanka in uu ku guul-darraystay wax ka qabashada falalka Israa’iil, isagoo yiri:

> “Waxqabad la’aanta Golaha Ammaanka waxay ka dhigtay shuruucdii caalamiga ah kuwo hadal keli ah oo aan la tixgelin.”

Hadalkan oo warbaahinta Bariga Dhexe aad u hadal hayso, ayaa muujinaya mowqif adag oo Soomaaliya ay ku taageerayso dalalka Carabta ee la safan falastiiniyiinta.

GAALKACAYO: Ciidamada dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xidhay xarunta maamulka degmada, iyaga oo ka cab...
08/09/2025

GAALKACAYO: Ciidamada dowladda hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xidhay xarunta maamulka degmada, iyaga oo ka cabanaya mushahar la’aan, waxaana loo diiday shaqaalaha kala duwan ee ka howl-gala inay galaan xarunta.

Muddooyinkii u dambeeyay, ciidamada iyo shaqaalaha dowladda hoose ayaa sheeganayay inaysan helin mushaharkooda, inkasta oo Wasiirka Maaliyadda uu shalay cadeeyay in labada dhinac si joogto ah u helaan xuquuqdooda.

Shirkadda Google Maps ayaa dib-u-cusboonaysiin ku samaysay khariiradda ay ku muujiso soohdimaha Somaliland. Isbeddelka c...
08/09/2025

Shirkadda Google Maps ayaa dib-u-cusboonaysiin ku samaysay khariiradda ay ku muujiso soohdimaha Somaliland. Isbeddelka cusub ayaa tilmaamaya in soohdinta Somaliland lagu daray deegaanka Oog, dhanka bari ay ku gaartay Ceerigaabo, halka dhanka koonfureedna ay soo gaadhay deegaanka Coodanle ee Buuhoodle.

Sidoo kale, degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa laga reebay khariiradda Somaliland. Tani waxay dhacday kadib markii la dhammaystiray maamulka cusub ee Waqooyi Bari, oo horay loo oran jiray SSC-Khaatumo.

Marka aad maanta khariiradda Google Maps ka raadiso magaca Somaliland, waxaa muuqda isbeddel weyn oo ku saabsan soohdinta lagu muujiyo

Dawlada Soomaaliya ayaa safiir cusub u dirtay dalka dagaalka sokeeye ka soo baxay ee Suuriya, Danjire Abiib Muuse waxa m...
06/09/2025

Dawlada Soomaaliya ayaa safiir cusub u dirtay dalka dagaalka sokeeye ka soo baxay ee Suuriya, Danjire Abiib Muuse waxa maanta waraaqaha aqoonsiga ka guddoonay Madaxweyne Axmed Al-Sharac.

Madaxweyne Donald Trump Oo Dib Ugu Magacaabay Wasaaradda Difaaca Mareykanka “Wasaaradda Dagaalka”Madaxweynaha Mareykanka...
05/09/2025

Madaxweyne Donald Trump Oo Dib Ugu Magacaabay Wasaaradda Difaaca Mareykanka “Wasaaradda Dagaalka”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta Aqalka Cad ku saxiixay wareegto rasmi ah oo lagu beddelayo magaca Wasaaradda Difaaca Mareykanka, isaga oo dib ugu celiyay magacii loo aqoon jiray intii u dhaxeysay 1789 ilaa 1947, oo ahaa Wasaaradda Dagaalka.

Xafladda saxiixa oo ka dhacday Xafiiska Oval Office ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiirka Difaaca Mareykanka Pete Hegseth, kaas oo hadda kadib loo aqoon doono Wasiirka Dagaalka.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale shaaciyay in shir-madaxeedka wadamada G20 ee bisha December 2026 lagu qaban doono xarunta uu leeyahay ee Trump National Doral Golf Club, oo ku taalla magaalada Miami ee gobolka Florida.

Markii uu ku dhawaaqayay martigelinta shirkaas caalamiga ah ayaa Trump waxaa ku wehliyay Duqa magaalada Miami, Francis Sua

Ra’iisul Wasaare Somaalia  Mudane Xamsa Cabdi Barre oo saaka dalka ku soo laabtay ka dib safar qaatay ku dhawaad laba to...
05/09/2025

Ra’iisul Wasaare Somaalia Mudane Xamsa Cabdi Barre oo saaka dalka ku soo laabtay ka dib safar qaatay ku dhawaad laba todobaad oo uu ku tagay Asia iyo Yurub.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ay maanta la kulmeen weerar rasaas aan toos ahayn meel u dhow garo...
04/09/2025

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ay maanta la kulmeen weerar rasaas aan toos ahayn meel u dhow garoonka diyaaradaha Kismayo, mase soo werin wax khasaare ah.

Bilicda  Caasimada Laascaanood
03/09/2025

Bilicda Caasimada Laascaanood

Puntland: Maayarkii Gaalkacayo Maxamed Daacad Oo Is CasilayGaalkacayo, Puntland – Maayarkii degmada Gaalkacayo, Maxamed ...
03/09/2025

Puntland: Maayarkii Gaalkacayo Maxamed Daacad Oo Is Casilay

Gaalkacayo, Puntland – Maayarkii degmada Gaalkacayo, Maxamed Daacad, ayaa ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay, kaddib mooshin muddooyinkii u dambeeyay ay ka gudbinayeen xubnaha Golaha Deegaanka magaalada.

Is-casilaadda maayarka ayaa timid xilli xiisad siyaasadeed iyo khilaaf soo jiitamayay uu ka dhex jiray golaha deegaanka, kuwaas oo marar badan ku eedeeyay maamulka degmada in uu ku guul-darreystay fulinta ballanqaadyadii iyo adeegyada bulshada.

Golaha deegaanka Gaalkacayo ayaa la sheegay in muddo dhowr toddobaad ah ay ka doodayeen mooshinka ka dhanka ah maayarka, ugu dambeyntiina uu Maxamed Daacad go’aansaday in uu xilka baneeyo, si loo badbaadiyo midnimada iyo wada shaqaynta golaha.

Dhacdadan ayaa qayb ka noqotay isbeddelada siyaasadeed ee ka socda Puntland, iyadoo inta badan golayaasha deegaanka ee ku soo baxay doorashooyinkii qof iyo cod ay kalsoonidii kala laabteen maayarradii ay markii h**e u doorteen xilalka.

Waxaa hadda la filayaa in golaha deegaanka Gaalkacayo ay doortaan maayar cusub, si loo buuxiyo booska bannaan ee maamulka magaalada, iyadoo indhaha bulshada iyo siyaasiyiinta Puntland ay si dhow ula socdaan qaabka ay arrintani ku dhammaan doonto

Address

Weston Roud
ON
M9N1W5

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Horyaal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Horyaal Media:

  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share