20/05/2025
Safarka Djibouti oo dareeno badan abuuray iyo Saraakiisha Amniga Somaliland iyo Itoobiya oo shir Wajaale uga socdo maanta.
Dhaqdhaqaaqyo dublamaasiyadeed oo iska soo horjeeda ayuu durtaba abuuray safarka la filayo Madaxweyne Cirro inuu ku tagi doono Djibouti, waxaanay dareenada soo baxayaa sheegayaan ujeedada shirka safarka Djjbouti inuu xambaarsan yahay laba arrimood.
1. In Wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland mar kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ka odayeeyo. Iyadoo madaxweyne cirro u gudbiyey Golaha Baarlamaanka Somaliland go'aankii Golaha wasiiraddu ku laaleen wadahadaladaasi.
2. In lagu laalo ama halkiisii laga sii wado MOU gii Somaliland iyo Itoobiya ee ay taageerayeen Imaaraadka iyo Maraykanku, kaasoo meel Si hubanti la,aan ah Xukumadii Xisbiga Kulmiye ku saxeexday balse isbedelkii Somaliland talada Wadani kula wareegay aan ay xaafiiska ugu Iman wax heshiis ah.
Dhinaca kale, Dawladda Itoobiya saraakiil sar sare oo ka socda ayaa maanta magaaladda wajale ee gobalka Wajale kula kulmay saraakiisha Amniga ugu sareeya sida Labada Taliye ee Milatariga iyo Booliiska Somaliland.
Kulanka wajale illaa hada lagama hayo war sugan, hase yeeshee wararka aan helayo ayaa sheegaya inuu ka mid yahay Inay lagaga hadalyo Nabadgeliyada labada dhinac sidii loo adkeyn lahaa waxan ka mid ahaa madax maraysay dhanka itoopiya Taliyaha Sirdoonka Itoobiya ee gobolka faafan, wasiiro, saraakiil dhinaca Amniga ah.
Intii xukuumada Wadani talada Dalka haysay waxa ay labada Taliye ciidan ee Somaliland dhawr jeer safaro ku tageen Imaaraadka waxaanay dadka siyaasadda gobolka ka socota falanqeeyaa ku tilmaamaan xidhiidh dhaw inay la leedahay Emaratka labadan sarkaal.
Waxa aan isha ku hayn doonaa safarka Djibouti oo daaha ka faydi doona lix bilood oo Wadani isla ku Raxeysnayey fagarayaasha siyaasadeed ee geeska afrika , maadaama kooxda Dalka ka talisaa isugu jiraan kooxo dublamasiyiin iyo waayo arag u badan ayihiin