12/12/2024
Dhimasho Lama Huree Nafta maxaa la iskugu dhajin
Marka aad ku dhex nooshahay umad dhaawaca iyo dhimashada u siman yihiin , Nolosha laga doorbido dhimasho , wanaaga laga jecel yahay xumaan, dadnimadii la siistey shilimaad yar iyo dowladnimada oo noqotey shaati qof leeyahay.
Waxaa laga maarmaan ah inaad xoog iyo xeelad mid uun inaad cuskato lana jaad qaado hadaba mowjadaha holcaya mida hirkeeda kula egyahay .
Hadaba intaas markaa fiiriso majirto meel lagu ixtiraamayo aqoonyahan , waxgaradka iyo Hal doorkii bulshada , sifahan iyo kuwo kale ayaa somalia 🇸🇴 Waxay u noqotey xarig luqunta ugu xiran .
Sida caadiga ah , alle wuxuu umudan u abuurey insi iyo jiniba iney alle caabudaan kaliya, hadana waxaan isweydinayaa umadan xagee loo wataa oo miyeysan fahmin aayada mise jaahilnimo ayay ka tahay misna Aduunkii ayaa gabogabo marayaa oo waaba akhirul zamaankii baa la jogaa !
Kasoo gudub ,sedex marxalad aan kala qaadno ,
1- Hadaa tahay ardey waxbarta (iskuul ama jamacada) hadafkaga ugu weyn waa inaa noloshada dhow iyo tan fogba aad ku maareyso si bari k**aalin lagu yeedho" dhaqtarkii, ingineerkii, siyaasigii iyo iwm
Hadaba marka aad soo dhameyso oo xiligii farxada la joogey ayey mowjad shaqo la'aan ah dhexda ka istaageysaa , laga yaabee waxaas soo baratey xirfad ahaan iyo Tayo ahaan inaad u dhisneen sababtana ay tahay meesha aad ka baratey ama hadaa fiican tahayne jaaniska filashada waa 100kiiba 50% -amase qaraabo wakiil aad noqoto
Hadaa helin , maxaa kuu xal ah?
Sow waxaad ku daashey kakac soma ahan
NB : rizqiga alle baa bixiya lkn xaqiiqda jirta ah
2-qof waxba baran (xamaali) oo nolosha ka maareynayo hir gad-gadoonkisa adag yahay ,qofna ma caawiso -waa helaa mar , mar waa waye
Cidse juuq uma dhahdo ,
3- kuwa wax hogaamiye ( leaders ) iyo kuwa hoos taga( sub-leaders) , kuwaan waxay caan ku yihiin intaa joogta ka faaiideyso si aynsan ugu biirin qoloda 2aad ee waayaha ciiley , qolodan waa qololada dhibanayaasha loo yahay.
Balse , waa kuwa sugaya xukunka alle ama umada ay hogaanka u yihiin iney iska horqadaan
Yaa dhiiran ? , yaa dhihi karo "maya"?
Adiga qudhada is weydii !
1- dadka Somalia hogaanka u ah sidey u arkaan dadka ay hogaaminayaan ( dad ku shub ah ama kana shub)
2- ma ogyihiin inaan lagu qanacsanen nidaamka ay wax u wadaan
Hada aniga wareersana waxaa rejenaa inaad ila warersan tahay
Raadi xalka, lkn Aniga kuma qanacsani .
Inaad wali dhaga la'a dahay waa macquul laakiin dhawaqa jiritaanka xaqiiq ataa dhago kuu yeeli doono.
There's no satisfaction 😌
Abdirahman Africa