Galool Somali TV

Galool Somali TV Political, economic,entertainment,Podcast,

Innaa lilaahi wa innaa ilahayhi Raajicuun.Shil ka dhacay Inta u Dhaxaysa Kabri-bayax iyo Gilo ayaa sababay Dhimasho iyo ...
19/07/2026

Innaa lilaahi wa innaa ilahayhi Raajicuun.

Shil ka dhacay Inta u Dhaxaysa Kabri-bayax iyo Gilo ayaa sababay Dhimasho iyo Dhawac .yadoo tirada Dhimashada ee halkaas Naga soo Gadhaya Lanoogu sheegay 12 Ruux (Qof ).

Shilkan ayaa Dhacay kadib markay isku Dhaceen Gaadhi Azuuzi oo jaadle ah iyo Bajaj nooca loo yaqaano Forsida.

Innaa lilaahi wa innaa ilahayhi Raajicuun Rabbi ha u naxariisto Dadka ku dhintay inta Dhawaca ahna Rabbi Sw ha u boogo Dhayo.

Galool Somali TV

Waxaa Magaalada Jigjiga ka qabsoomi doona Madal loogu Magac daray JIGJIGA NETWORKING NIGHT kaas oo ay iskugu imaan doona...
06/07/2026

Waxaa Magaalada Jigjiga ka qabsoomi doona Madal loogu Magac daray JIGJIGA NETWORKING NIGHT kaas oo ay iskugu imaan doonaan Ganacsato, Maalgashadayaal, khabeero, Hal-abuurayaal, Aqoon yahan iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Kulan waynahan ayaa la isku waydaarsan doonaa Khibrad wadaag ku saabsan hirgalinta iyo taabo galka fikradaha ganacsiga, dhiirigalinta iyo taageerida hal-abuurayaasha kala duwan iyo kor u Qaadida kobcinta garaadka waxaana la iskaga imaan doonaa Guud ahaan Deegaanada Soomaalidu dagto iyo wadamada caalamka.

Kulan waynahan oo ah kii ugu horeeyay ee Deegaanka Soomaalida lagu qabto ayaa noqon doona madal lix biloodle ah isla markaana lixdii biloodba mar la qaban doono si la isku waydaarsado hal abuurka iyo fikradaha ganacsiga isla markaana lagu kala faa,iido khibrado taabo gal ah.

Kulan waynaha Jigjiga Networking Night Waxaa Hal-abuuray dhalinyaro u dhalatay Deegaanka Soomaalida isla markaana garowsaday in madashani ahmiyad wayn u leedahay bulshada Deegaanka iyo Soomaali meel kasta oo ay joogaan.

Madashan mihiimka ah ayaa loo asteeyay in ay qabsoonto 10-ka bishan aan ku gudo jirno oo ku beegan Maalinta Jimcaha Habeenka ay sabtidu soo galayso salaada Makhrib marka laga baxo goobtuna Waa Hotel-ka Duule ee Magaalada Jigjiga.

Waxaa lagu casuumayaa qofkasta oo danaynaya ahmiyada shirwaynahani xambaarsan yahay.

Xukuumadda DDS 🇬🇶 ayaa munaasibad casho-sharaf ah ugu samaysay xarunta dalxiiska ee Shabeeleey wafuudii kasoo qaybgashay...
18/05/2026

Xukuumadda DDS 🇬🇶 ayaa munaasibad casho-sharaf ah ugu samaysay xarunta dalxiiska ee Shabeeleey wafuudii kasoo qaybgashay Madasha wada-xaajoodka hoggaamiyeyaasha geeska Afrika oo uu sanadkani marti-geliyay Deegaanka Soomaalidu.

Galool Somali TV

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qayb-galay bandhigga buugga “Naafonimo waa Maanka.”Bandhigga bu...
20/04/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qayb-galay bandhigga buugga “Naafonimo waa Maanka.”

Bandhigga buuggan oo lagu qabtay Duule Hotel ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, aqoonyahanno, dhallinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Buuggan waxaa qoray Axmed Cabdi Cabdullaahi.

Qoraagu wuxuu bulshada ku baraarujinayaa in naafonimadu aysan ahayn caqabad qofka ka hor istaagta guusha, isaga oo meesha ka saaraya aragtida qaldan ee laga aaminsan yahay naafonimada, isla markaana muujinaya in awoodda dhabta ahi ku jirto maskaxda iyo kartida qofka.

Madaxweynaha ayaa ammaanay hal-adaygga uu muujiyay Axmed, isaga oo ina tusay in dhibaato kasta oo ina gaadha ay weli jirto fursad kale. Waxa uu tilmaamay in xukuumaddu ka go’an tahay dhiirrigelinta hal-abuurka, aqoonta iyo taageeridda dadka leh baahiyaha gaarka ah.

Axmed waa dhallinyaro lixaadkiisa waayay isaga oo yar, xilligaas oo uu ku jiray fasalka 5-aad. Si kastaba ha ahaatee, xaaladdaas naafonimo k**a hor istaagin waxbarashadiisa, wuxuuna gaadhay heer jaamacadeed oo uu dhammeeyay. Maanta wuxuu masuul ka yahay nolosha qoyskiisa oo isugu jira carruur iyo waayeel, taas oo caddeyn u ah in naafonimadu ay tahay mid maanka ku xidhan.

Galool Somali TV

Xisbiga mucaaradka ah ee FEP ayaa caawa kulan casho & is xog waraysi ah layeeshay wariyayaasha iyo warbaahinta madaxa ba...
20/04/2026

Xisbiga mucaaradka ah ee FEP ayaa caawa kulan casho & is xog waraysi ah layeeshay wariyayaasha iyo warbaahinta madaxa bannaan, ee Deegaanka Soomaalida..

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd is-xogwaraysi furan oo labada dhinac ay isku dhaafsadeen aragtiyo, xog iyo su’aalo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Deegaanka & doorashooyinka soo socda, iyo qorshayaasha waxqabad ee xisbiga.

Masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee FEP ayaa kulanka ku muujiyay muhiimadda ay wadashaqaynta warbaahinta madaxa bannaan leedahay iyagoo tilmaamay in warbaahintu tahay laf-dhabarta isla xisaabtanka iyo kobcinta dimuqraadiyadda. waxayna sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in ay diyaar u yihiin inay wadashaqayn joogto ah layeeshaan warbaahinta si bulshada loo gaarsiiyo xog sugan oo dheellitiran.

Dhanka kale, wariyayaashii kulankan cashada qaybta ka ahaa ayaa soo bandhigay su’aalo iyo aragtiyo ku saabsan doorka xisbiga, ballanqaadyadiisa iyo sida uu uga jawaabi karo baahiyaha dhabta ah ee bulshada. Kulanku wuxuu ahaa mid furan oo si hufan u dhacay, taasoo muujinaysa jawi cusub

Tallaabadan uu qaaday xisbiga FEP ayaa ah mid xoojin karta xiriirka ka dhexeeya siyaasiyiinta iyo warbaahinta madaxa bannaan—taas oo ugu dambayn ka tarjumaysa danaha shacabka iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee deegaanka.
in lagawadashaqeeyo.

Galool Somali TV

Waxaa maanta Magaalada jigjiga xalfad qalinjabin ah loogu qabtay arday baranaysay xifdinta Qur,aanka kariimka ah iyo tar...
13/04/2026

Waxaa maanta Magaalada jigjiga xalfad qalinjabin ah loogu qabtay arday baranaysay xifdinta Qur,aanka kariimka ah iyo tarbiyada islaamka ee Madarasada Al Irshaad

Ardaydan maanta ka qalin jabisay Macadka Al irshaad ayaana noqonaysa dufcadii koobaad ee ka qalinjabisa tan iyo markii la aas aasay Madarasadan.

Waxaana munaasabada qalinjabinta ardaydan kasoo qayb galay Maamulka Macadka, Culimo awdiin, Waalidiin iyo marti sharaf kala duwan.

Gabogabadii Munaasabadana waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaado sharafyo ardaydii mudada wax ka baranaysay Madarasada isla markaana waxaa lagula dardaarmay in ay halkaasi kasii wadaan cilmiga ay barteen oo ay sii xoojiyaan aqoontooda.

Galool Somali TV

Kuliyada Caafimaadka iyo Ganacsiga ee Hemo Medical & Business College waxaa maanta ka qalin jabiyay arday tiradoodu dhan...
12/04/2026

Kuliyada Caafimaadka iyo Ganacsiga ee Hemo Medical & Business College waxaa maanta ka qalin jabiyay arday tiradoodu dhan tahay 57 arday.

Ardaydan maanta kuliyada ka qalin jabisay oo in mudo ah ku gudo jirtay barashada culuumta kala duwan ee kuliyadu bixiso ayaana maanta munaasabad wayn loogu qabtay Magaalada Jigjiga.

Galool Somali TV

06/04/2026

DHAANTO CUSUB AXMED BUDUL GEESIYADA SALAN BAAN GUDOON SINAYAA

01/04/2026

qaadashada card ka codbixinta ee musharax Xildhibaan madax banaan ee MMJ DR.Suhayb Axmed Saadiq

Jigjiga Musharax Xildhibaan Suhayb oo ka mid ah Musharaxiinta Madax banaan ee  ka sharaxan Maamulka Magaalda Jigjiga  Ay...
01/04/2026

Jigjiga Musharax Xildhibaan Suhayb oo ka mid ah Musharaxiinta Madax banaan ee ka sharaxan Maamulka Magaalda Jigjiga Ayaa saaka Qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada 7aad Ee Dalka iyo guud ahaan Deegaanka.

Kadib markii uu kaarka Codbixinta soo qaatay ayaa waxaa uu lug ku soo maray qaar kamid ah wadooyinka magaladada isaga oo ay hareero socdaan qaar kamid ah bulshada caasimada.

Muwaadin qaado kaarka codbixinta si Aad barri u gudatid Xuquudada dastuuriga ah.

Galool Somali TV

Adresse

Berlin

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Galool Somali TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Hervorgehoben

Teilen

Kategorie