SNB Online Tv

SNB Online Tv War la hubo waa Astaanteenna

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Jaal...
28/09/2025

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland dalka UK Jawaahir Cabdulqaadir Carabey.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa Jaaliyadda Puntland ee UK iyo guud ahaanba qurbojoogta Puntland ku boggaadiyey doorkooda ka qeyb qaadashada hawlgalka Calmiskaad ka socda, garab istaaga ay u muujiyeen Ciidanka, iyo kaalintooda horumarka guud ee Puntland.

Kulanka waxa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Wasiir ku xigeenka Qorshaynta iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta markale ka dhacay deegaanada ku reeds teedsan Buuraha Calmiskaad.Warbi...
28/09/2025

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal maanta markale ka dhacay deegaanada ku reeds teedsan Buuraha Calmiskaad.

Warbixintan hoose ee kooban ayaa lagu soo qoray Bogga hawlgalka Hillaac, kaasi oo tafaasiil ka bixinaya argagaxisada khasaaraha la gaarsiiyay maanta.

"Hawlgalkii maanta ee miineysteeyashii Firxadka Argagixisada Daacish waa lasoo afjaray, 3-dii u danbeysay oo god galay ayaa hada la dilay, Wadarta inta la dilay waxay noqotay 8, midna nolol ba lagu qabtay".

Itoobiya oo markale dib boorka uga jaftay rajadeedii helista bad ay isticmaasho.Afhayeenka ciidamada difaaca Itoobiya, S...
27/09/2025

Itoobiya oo markale dib boorka uga jaftay rajadeedii helista bad ay isticmaasho.

Afhayeenka ciidamada difaaca Itoobiya, Sareeye Guuto Getnet Aadan ayaa shaaca ka qaaday inay sii dardar gelinayaan dedaalkooda helista bad ay hesho Dawladda Itoobiya.

Dalalka UK, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa dhowaan ku dhawaaqay cunaqabatayn hor leh oo lagu soo rogayo Iiraan ka dib mar...
27/09/2025

Dalalka UK, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa dhowaan ku dhawaaqay cunaqabatayn hor leh oo lagu soo rogayo Iiraan ka dib markii ay Ruushka siisay gantaallada balaastikada ah, kuwaas oo loo isticmaalo Ukraine.

Tallaabooyinkan cusub, ayaa lagu dhawaaqay xilli Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken uu booqasho ku imaanayo London.

Waxaana ay arrintani ka mid tahay xannibaado la saarayo awoodda shirkadda Iran Air ay ku tagi karto UK iyo Yurub.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa sheegay in gantaallada Iiraan loo adeegsaday in lagu garaaco bartilmaameedyada rayidka ee Ukraine.

Xigasho BBC

Garoowe Caasimadda Puntland waxaa laga wadaa qabanqaabada kulan ballaaran oo lagu taageerayo Ciidanka difaaca Puntland e...
27/09/2025

Garoowe Caasimadda Puntland waxaa laga wadaa qabanqaabada kulan ballaaran oo lagu taageerayo Ciidanka difaaca Puntland ee dagaalka kula jira argagaxisada ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad.

Adresse

Berlin
10707

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von SNB Online Tv erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Verknüpfungen

Hervorgehoben

Teilen