Ridwan Aye

Ridwan Aye La xarbiga garaadkaa
Naf la jaro ka xeeldheer! LinkedIn: https://bit.ly/4r1sFoK

Maanta awooddu kuma koobna kursi dowladeed, ciidan ama miisaaniyad qaran. Awooddu waxay u guurtay meel kale—halkaas oo h...
04/02/2026

Maanta awooddu kuma koobna kursi dowladeed, ciidan ama miisaaniyad qaran. Awooddu waxay u guurtay meel kale—halkaas oo hal qof, hal qoraal, ama hal muuqaal uu saameyn ku yeelan karo malaayiin qof daqiiqado gudahood. Baraha bulshada waxay noqdeen goob lagu sameeyo aragti, lagu abuuro taageero, laguna dumiyo qabka cidda aad is haysaan.

Dowladduhu waxay ku shaqeeyaan nidaamyo; sharci, iyo habraacyo qaata waqti dheer. Laakiin baraha bulshadu xeer ma laha, xuduudna ma leh. Hal farriin ayaa beddeli karta sida ay dadku u arkaan dhacdo, hoggaamiye ama dal dhan. Taasi waa sababta maanta dooddaha waaweyn, kacdoonnada fikraddeed, iyo caddaadiska ugu culus ay uga bilaabmaan dunida online, ka hor inta aanay gaadhin hoolalka rasmiga ah ee laga arrimiyo.

Cidda fahanta awooddan oo si masuuliyad leh u adeegsata, waxay yeelanaysaa saameyn ka ballaadhan tan hay’ad rasmi ah. Cidda dayacda ama u aragta madadaalo keliya, iyadaa feker ahaan iyo qof ahaanba si dadban loo maamulayaa!

Ridwan Aye

09/07/2025

Ardayga Soomaaliga ah ee ay soo saarraan dugsiyada, jaamacaddaha iyo goobbaha waxabarshadu, arday nooceeya ayuu noqonnayaa?

Falsafadda waxbarashada!

03/07/2025

Talo waalid.

29/06/2025

Anigu saddex shay baan ku faannaa, mana qarsado! Sheekh Abdirahman Bashir

28/06/2025

Waxaan boggaadinnayaa saaxiibkay Qoraa Yaxye Caddaani oo ah qoraaga buugga ee xalay Hargeysa lagu soo bandhiggay.

Runtii, muhiimmadda buuggu leeyahay darteed, waxaad ka garran kartaa dadka miisaanka leh ee ka soo qaybgalay.

Waxaan nasiib u hellay in aan ka qaybqaato tababar heerkiisu sareeyo oo ku saabsannaa fahamka, kaydinta iyo maalgashiga ...
27/06/2025

Waxaan nasiib u hellay in aan ka qaybqaato tababar heerkiisu sareeyo oo ku saabsannaa fahamka, kaydinta iyo maalgashiga dhaqaale oo uu bixinnayay Ustaad Dr-Hamza Habiib, waxanna soo aggaasintay tababarkan xarunta Al-ibdac foundation.

Saaxiibkay Abdihakim Abib Osman iyo team-kiisaba waan boggaadinnayaa hawshaas baaxadda leh ee ay galiyeen dedaalka iyo wakhtiga badan.

Guullaysta saaxiibbayaal👏

27/06/2025

Waxaan boggaadinnaynaa ardayda sannadkan ka baxday dugsiga sare ee Ubaya (𝗨𝗯𝗮𝘆𝗮 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹𝘀, 𝗕𝗼𝗿𝗮𝗺𝗮) , kuwaasi oo sameeyay tallaabo ku dayasho mudan oo ay dharka direeskooda ardaynimo (Uniform) ugu deeqeen ardayda dan-yarta ah.

Shirkad ahaan Diiwaan, waxaan markasta dhiirigelinaynaa tallaabo kasta oo muujinaysa wadajirka iyo isku damqashada dadkeenna iyo dalkeenna!



WhatsApp, oo muddo dheer loo arkayay meel ammaan ah oo xayeysiis la’aan ah, ayaa hadda wajahaya isbeddel weyn. Shirkadda...
25/06/2025

WhatsApp, oo muddo dheer loo arkayay meel ammaan ah oo xayeysiis la’aan ah, ayaa hadda wajahaya isbeddel weyn. Shirkadda Meta ayaa billaabaysa in ay xayeysiisyo ku soo bandhigto qeybta 𝐔𝐩𝐝𝐚𝐭𝐞𝐬, gaar ahaan halka laga daawado 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐮𝐬𝐞𝐬 iyo 𝐂𝐡𝐚𝐧𝐧𝐞𝐥𝐬.

Inkastoo xayeysiisyadu aysan galaynin qaybta wada sheekaysiyada gaarka ah (𝐂𝐡𝐚𝐭𝐬), haddana waxay ka dhiggan tahay in WhatsApp si tartiib ah ugu gudbayo jihadii Facebook iyo Instagram oo ah meelaha ugu weyn ee shirkadda Meta ka sameyso dakhligeeda dhanka xayeysiiska.

Isbeddelkan dad badani lama dhacsanna! Adigu se sideed u aragtaa in aad xayeysiin ku dhex aragto WhatsApp-kaaga.

23/06/2025

Nabadda waa lagu macaashaa!

Adresse

Bremen

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Ridwan Aye erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Teilen