07/04/2026
Loolanka ka taagan magaalada Baydhabo ee la xiriira madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo dhinacyadii hormuudka u ahaa abaabulka siyaasadeed ee laga hagayay Villa Soomaaliya ay haatan dhexdooda ka taagan tahay kala aragti duwanaansho ku saabsan cidda hoggaanka qaban doonta. Ilaa iyo hadda, xubnahan ma haystaan hannaan cad oo ay u wajahaan habraaca doorashada.
Aadan Madoobe ayaa isu arka musharraxa ugu mudan in xilkan loo daayo, hase yeeshee xubnaha mucaaradka ah ee la tartamaya ayaa ku eedeynaya inuusan awood u lahayn maaraynta marxaladdan adag, isla markaana uusan mideyn karin dhinacyada kala duwan. Qaar ka mid ah eedeymaha ayaa sidoo kale tilmaamaya inuu ku guuldareystay isku haynta xildhibaanada saamigiisa ku leh Golaha Shacabka.
Dhanka kale, waxaa jira xubno mucaarad ah oo ku biiraya safkiisa, inkastoo ay muuqato inay ku fashilmeen helitaanka taageero xildhibaanno iyo inay ka faaโiideystaan jagada guddoonka Golaha oo waqtigeedu sii dhamaanayo. Saameynta tallaabadan ay yeelan karto ayaa weli shaki ku jirtaa, xitaa gudaha kooxda Aadan Madoobe.
Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka Koonfur Galbeed ee ka soo horjeeda Aadan Madoobe ayaa wada dadaallo xooggan, iyagoo marka la eego tiro iyo tayo u muuqda kuwo ka miisaan culus. Inkastoo cadaadis badan uu jiro, Aadan Madoobe wali wuu sii wadaa ololihiisa, halka dhammaan dhinacyadu indhaha ku hayaan doorka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo jihada uu qaadi doono xaaladdan siyaasadeed.