Bar baarta Tulli Guleed

  • Home
  • Bar baarta Tulli Guleed

Bar baarta Tulli Guleed we are kamandoos of Tulli guleed somali national armay !!

08/06/2025

(BEESHA GERI KOOMBE)

Geri waa beel ka mid ah belweynta kablalax ee daarood.odayga Geri Koombe magacisi waa Geri Koombe Maxamed Kablalax
Cabdiraxmaan Daarood Ismaciil Jaberti,

Beesha geri koombe waxay ka mid tahay qabiilada ugu weyn Daarood; waxay degtaa beeshu meel kasta ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan Gobalada Jubabland iyo puntaland somaaliland & Ethiopia Kenya Djabuuti iyo Bartamaha wadanka Soomaaliya.

Hordhac

Dadka Caanka ah

Beeshu waxay leedahay dad caan ka dhex ah ummada soomaaliyeed Sida: Siyaasiyiin, Konalo, Ganacsato, Odayaal dhaqameydo, Culuma'udiin, Aqoonyahano, Fanaaniin, Abwaano, & Suldaan Garaad Ugaasyo.iyo wax garadka fara badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah:

Siyaasada & Maamulka

Imaam Axmed Gurey Abaanduulihii Weynaa

Axmad Ibraahim Al Gaasi sidoo kale lagu naanaysi jiray Axmed Guray, wuxuu ahaa imaam, hogaamiye, abaanduule, sheekh iyo suldaankii boqortooyadii Adaltaasi oo ku duushay dowladii awooda badneyd ee ka talin-jirtey Abyssinia isla markaana jebisay hogaankaasi kana qabsatey dhul badan,

Ambassador Cabdulaahi Saciid Cismaan 1991-1995: kaaliyaha Xoghayaha guud ee ururka midnimada Afrika (OAU) 1985 -1990 Danjiraha Soomaaliya ee Xarunta Q.M ee New York 1964 Xoghayaha Xafiiska Raiisul wasaaraha 1970- 1976 Garyaqaanka Guud ee Dowladda Somali,

Waxaa ka. Mid ahaa halgamaagii weynaa
Oo ahaa ninkii diyaarada Ethiopian ku dhuftay baasuukaha ilaaa hadana aysan diyaarad dambe kasoo Dagin garoonka waedheer ahaana gudoomiye ku xigeenkii degmada wardher AUN
Abdulaahi yuusuf ibrahim
Abdulahi ganay markii dambana Ethiopian ku dishay magalada wardher
Taariikhdiu markay ahayd
1994/14/january

Faadumo Qaasim Dayid Madaxa qeybta Horumarinta ee laanta Haweenka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,

Musharax Madaxweyne oo isu soo Taagtay 2016 Faadumo Qaasim

Cabdikariim Xaaji Cabdi {Buux} wasiir ku
xigeenka wasaaradda dastuurka federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Soomali) haatan
Xoghayaha Guud ee ladaba Aqal baarlamaanka Federaalka Somali)

Prof Feysal Cabdi Rooble oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed kan faallooda arrimaha siyaasadda iyo amniga Geeska Afrika,

Prof Axmed Maxamed Cabdi Qabyo Madaxwayne Ku Xigeenka Marna ahaa waziirka daakhliga, marna aha Waziirka Maaliyadda

Maxamed Cabdulaahi Saciid Cilmi Baadhista iyo Horumarinta Geeska Afrika (jimciyada Qurumaha ka dhaxaysa)UN

Xuseen Cali Jaanyar Maareeyaha Guud ee Maktabada Guriga Cad ee Maraykanka,

Cabdiraxmaan Jibriil Cismaan Allah ha u Naxariisto
Wuxuu aha Maareeyaha Guud Bostada iyo isgaarsiinta Gobalada Wuqooye Somaaliya
Muda kadin loo magacaabey Maareeyaha Guud Wasaaradd dalxiiska e Soomaaliya,

Cismaan She Xasan Cismaan Hantidhawrka Guud Hayada D.L.C.O East Africo (UN)

Prof Ibraahim Aadan Mahad Ibraahim Sacab
Waziirka Waxabarashada Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia DDSl

Garaad Cabdiqaadir Axmed Xuseen Ex Hantidhawrka Guud ee Qaranka Soomali,

Prof Axmed Cabdiraxmaan Xasan Axmed Satiin) Waziiru Dowlaha Madaxtooyada Jubaland

Xilibaan Faadumo Xasan Aadan Faadumo Geriyoow

Cabdilaahi Xuseen aw Ibrahim Safiirkii Soomaliya u fadin jiray Sacuudi Arabiya

Caaqil sheikh cawil Caaqil Abdi Caaqil ibrahim

Mumduux Cismaan Sheekh Xasan Xubin Guurtada Somaliland

Prof Axmed Haadi Wazirk Ku xigeenkii h**e Arimaha Bulshada Jubalaand

Maxamed Axmed indha yare Xilibaanada Dowladii h**e TNG iyo Xiliga Kacaanka Wuxuu ahaa Maareyehii Guud Dakeda Somali

Garaad Cabdiqani Garaad Cismaan Garaad Cali

Suldaan Maxamed Sheekh Xasan Wacdi

Suldaan Cali Sheekh Axmed

Ugaas Cabdiraxmaan Cismaan Macalin Sagal

Ugaas Cabdiqaadir Sheekh Maxamed Bile

Ugaas Cabdisalaam Jaamac Faarax Kowte

Caaqlika Cabdicasiis Maxamed Xaaji Aadan

Caaqilka Cali Bashiir Xasan Cabdiraxmaan

Caaqilka Maxamed Cali Xasan Xaydar

Ugaas Cabdisemed Sheekh Cabdullaahi koonfur

Nabadoon Maxamuud Cabdiraxmaan

Axmed Nuur Sheekh Muxumed Takhal Wuxuu Ahaan jiray Badhasaabkii Gobolka Wuqooye ee Togdheer iyo Gobolka Mudug 1980

Cabdiwahaab Sheekh Cabdilaahi Taliyaha Difaaca Cirka Somaliya

Korneyl Xasan Madoobe Geriyow Injineer Ciidamada Cirka Soomaaliya.

korneyl Maxamed. Xaaji Abiib

Korneyl. Maxamed Ibrahim Seraar

Korneyl. Cali Sheekh. Axmed.

Korneyl. Maxamed Sheekh Cabdilaahi

Korneyl Cabdiraxmaan Sheekh Cali.

Korneyl. Siraad Cali Gaas

kornayl Cabdiwaab Sanweyne Axmed

kornayl Saciid Sheekh Maxamed

Kornlay Cabdulaahi Caafi Muumin

Kornayl Mahad Cismaan Xasan Booliska Kanada

Duuliye Maxamed Sheekh Ibraahim Kalatuur Ciidankii Cirka Soomali Kornayl shugri sheekh Maxamed Taqal Ciidamada qaranka Somaliya

Kornayl shugri sheekh Maxamed Taqal Ciidamada qaranka Somaliya

Kornayl Axmed Ciise Cali Dagax

Kornayl Cali Sheekh Ciidamada Qaranka qeebta 26 Buuhoodle

kornayl Maxamed she Cabdi Daahir

Kornayl Axmed Cabdiwele

Kornayl dhaqane Nuunoow

Ibraahim Sheekh Maxamed Taqal Gudoomahii Buulaburdi Ex Gudoomahii Gegmada Wadajir

Cabdisalaan Sheekh Maxamed Taqal Gudoomayahii Gobalka Galgaduud Ahna Madaxii Xisbiga dhinaca Gobalada Somaaliya

Maxamed Ciise Cali dhagax Gudoomayahii Degmada Cabdicasiis

(Aqoonyahaan

Dr Maxamed Cabdiraxmaan Jibriil Dhakhtarka Caruuta Gobalka Saaxil Somaali

Dr Maxamed Cabdiraxmaan Xasan

Dr Xuseen Cali Ibraahim Uk

Dr Cabdiraxmaan Sheekh Cali

(Ganacsado)
Faysal Cabdiqaadir Sheekh Cabdulaahi Gudoomiyha Guud Shirkada Ganacsiga ee waxsan dhala

Cabdulaahi Maxamed Cali Cabdulahi Geriyoow Gudoomiyaha Guud Shirkada Ganacsiga ee Bbc

Prof Cabdilqaadir Axmed Xuseen Gudoomiyaha Geeska Afrika ee Shirkada Batroolka ee Hass

(Abwaannada Beesha)

Maxamuud Tukaale Cismaan

Abwaankii Abwaanada Somaliyeed ee Maxamuud Tukaale Cismaan (AHUN) Ninkaas oo ahaa Wadani Somali dhab ah Ninkii Tiriyey,

1. Ducaysane Wiilkayow Anoo dan yar baan ku dhalay

2. Somali Hadaan Nahay Sinji baanu Leenahay

3.Axmed Gurey ma uu dhiman , ma Goblamin darwiishkii.

4.Culumada Wayen Aduuknee Caafimaadka baartay Cuduradaan la dabar goyn caashaqa ha lagu daro

5. Alaa weyn Ninkii Aminaa Awood leh , Umad Waliba Ayaaheeda inay ka Taliso iyadaa leh

6.Riyaawaydii Habalayahow Hadmaad Guursan Doontaan

7. Doob qalanjadii Gabay

8. Markaan Dada jiray 15 Toban

9. Haadka Samada Duuliyo Diinkuba u Siman Calaf . Allow u Naxariiso Abwaan Maxamuud Tukaale cismaan)

Fanaaniinta Beesha
Maxamed Xasan Xuseen Faloole

(Wariyeyaasha)

Qorey Ahmed Mukeyf

MAXA KA SOCDA DAAKHATE GAAR AHAANA GOLE-SAMATAR IYO SIDA WEERERKII KHAMIISTU UDHACAY IYO SIDA HADA XAAL YAHAY WAX BADAN ...
08/06/2025

MAXA KA SOCDA DAAKHATE GAAR AHAANA GOLE-SAMATAR IYO SIDA WEERERKII KHAMIISTU UDHACAY IYO SIDA HADA XAAL YAHAY WAX BADAN KA OGOW.

SI xogta Weererkan Qorshaysan aad ufahanto Aan Bilowgii Qorshahan Kagasoo Bilaabo Ninka La Yidhaa Cabdi Carab Ee mulkiilaha warda F***a Oo Doonaya Dhul ayaa Daakhate Gaar ahaan Gole-Samatar Yimid Kadib Beesha Abraahim waa Ay diideen qorshihiisii Dhul-Boobka ahaa isagoo Is leh Dadkan Masaakiinta ah Dhulka wad kala Wareegi kartaa lkn Abraahim waa ay diideen Kadib bishii April ayuu Tagay Baabili waxa Uuna Heshiis Qorshihiisa laysla sii afgartay La galay Gudoomiya Degmada Baabili Cabdi Caydiid Heshiiskan oo Ahaa mid muddo lasoo qorsheenayay ayaa waxa Shuraako ku ah Cabdi Caydiid iyo Xildhibaan Musadad Cabdi Qani Oo Hawiye ah Madaxa Maleeshiya intaasi waxay isla qaateen in Daakhate Xoog iyo Xeeladba dooxada Ninkan lagu wareejiyo Gobalka iyo Heer deegana Waxa loo gudbiyay xog Been ah oo ah in Geri Ogolaaday in Ninkan Dhulka Lasiiyo beesha Abraahim oo H**e udiidaneed Qorshahan Odayaashodii waa Lakala Xaday Lacag ayaana Lagu Faraqay Maalintii Ciidanka la Keenay maalin ka Hor Lacag Ka Badan Milyan ayaa Odayaasha Abraahim la Siiyay Si walboy Abraahim ukhiyaamen Dowladana Usoo Adeegsadeen waxa u Cadaatay inaysan Damacoodu USuurogalayn Oo Dhul Geri yahay Meesha ay Rabaan sidaas Darteed Cabdi carab Ayaa La hadlay Cabdi Caydiid oo ah Gudoomiyaha Baabili Waxa uuna dhahay Away Heshiiskeenii Cabdi Caydiidna waxa uudhahay Dhulka siwalboy Noqoto Xoog ayaan Kugu Baneenayaa.

Maalintii Ciida ka Horaysay ee khamiista ahayd Ayay Ciidamo Badan Oo maleeshiyada Degmada ah kuwa Liyuu polis ah oo Jigjiga lagasoo Daabulay Ayaa lagusoo Rogay Daakhate Gaar Ahaana Gole-Samatar
Markii Loo Tagay ee La yidhi Maxa dhacayna Xabad ayay Dabada uqabteen shacabkii Laba Qof ayaa ku Dhawacmay Dad Badana Jidh-Dil iyo Xadhig ayaa layskoogu Daray Waana La Handaday Shacabkii Gole-Samatar Daakhate Deganaa.

Shalay Mahee Daraad Ciidamo kaloo badan ayaa Lagusoo Daadiyay Oo gobalka iyo Degmada Baabili ka Socda Waxana La keenay Cagaftii ubaneen lahayd Dhulka.

Waxa kaloo Dhacday In Gudoomiyihii Cabdi Caydiid oo Muli Dhuumasho ugu baxay Si Xaalka uu uga dhuunto inta Qorshuhu uhirgalaayo kadib markii uu fashilmay Shirqool uu Ceelbaxay ugu diyaariyay Salaadiinta Geri Arintan Waa lawada Ogyahay gaar ahaan Mamulka Degmada Baabili Kuwa inagu matala Way ogyihiin iyo odayaashuba.

Shalay markale Ciidamo Roondo ah ayaa lagu Fasaxay shacabkii Deganaa Aagaas Waxayna Soo ururiyeen Dhaman Dhalinyarada Daakhate Gaar ahaan Centerada Harta cas Garbadiimo Gole-Samatar Dhaman inta meel layskugu keenay Ayaa Dadkii Togga loo dhaadhiciyay oo Xoog lagu ka xeeyay Walina Rag badan ayaa dhimasho iyo nolol midna lagu hayn.

Guud ahaanba Daakhate Hada Waxa Ka Taagan Xalad Cakiran Oo Qori afkiiba Kii la arkaba lagu kaxeenayaa, Si Loo Hirgaliyo Qorshaha Ninkaas Watto la yidhaa Cabdi Carab Waxa Jirta Cabsi badan Oo dhaqdhaqaaqu Aad bu uxadidan yahay Nin walbo Qaangaadh ah ayaa la qafaalanayaa waxa si Ka baxsan Bila aadminimada loo Adeegsanaa Awooda Ciidamada si Dhulkaas loo Baneesto.

Waxa Iswaydiin mudan Away Xildhibaankii Mohammed Aden Tahir Ee Dadkan matalaayay muxuse Arintan uga Aamusan yahay Mise Qorshahan Qayb ayuu ka Yahay Oo dhiiga Dadkiisa iyo Dhulkaba Wuu iibsaday Warkiisa Rabnaa maanta Hanoo cadeeyo?

Kuwa Degmada Baabili jooga Ee Shacabkan matala Maxay Qabanayaan War Qoodha-iyo xeradiin iskaga yimaada meesha oo soo Dhexgala Shacabkan Qoriga lagu haayo hadaydaan Wax uqaban karin.

W/Q Daakhate media M

  Waxaa maanta ku Naf- baxay Dhakhtarka Sheekh Xasan yabaree ee jigjiga marxuum Maxamed cumar oo ehel dhow ay ahaayeen w...
19/05/2025

Waxaa maanta ku Naf- baxay Dhakhtarka Sheekh Xasan yabaree ee jigjiga marxuum Maxamed cumar oo ehel dhow ay ahaayeen wiilkii maalintii Ciida ku geeriyooday Jeelka Havana gudihiisa ee magaalada jigjiga.
labada wiil waxaay ahaayeen qaraabo dhow oo ilma adeer hoose ah isku maalin ayaana lagu wada xidhay jeelka Havana ee maamulka magaalada jigjiga.
Hadaba waxaan cod dheer ku leenahay in qoyskaas garab loo noqdo isla markaana lala raadiyo cadaalada labadaas marxuum oo iyaga oo caafimaad qaba laga soo xidhay Xaafada 11aad ee maamulka magaalada jigjiga.
Ilahay janadii firdowsa ha ka waraabiyo labada marxuum sidoo kale Ehelka iyo waalidkii dhaleyna samir iyo iiman kaamil ah ha ka siiyo

Labada marxuum waxaa lakala odhan jiray
1. Ayaanle ahmed 19 jir maalintii ciida ee ina dhaaftay ayaa la aasay.
2. Mohamed cumar 21 jir ah oo maanta la aasay.
Ilahay ha u naxariisto

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Bahda Barbaarta Tuli guleed waxay Hambalyo meher u Diraysaa Boqorka iyo boqorada is calmadey ...
11/05/2025

Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Bahda Barbaarta Tuli guleed waxay Hambalyo meher u Diraysaa Boqorka iyo boqorada is calmadey ee kala ah Boqor Ahmed Sheekh muumin sheekh Ahmed iyo Gacalisadiisa oo xaflada meherku ka dhacay dowlad puntlaand
Waxaam ugu duceynaynaa in ilahay ka dhigo Guri lagu nasto oo laga helo ubad khayr qaba sidoo kale ilahay ha ka dhigo guri barwaaqo iyo farxad ku dhisma oo ku dhaqma!
Aamin aamin aamin
Baha Barbaarta Tuli guleed

Samatar Rooble, oo kamid ah dhalinyarada Jigjiga kamid ah ayaa toban cisho u xidhan siddee saaxibkaa xabsiga uga baxay. ...
08/05/2025

Samatar Rooble, oo kamid ah dhalinyarada Jigjiga kamid ah ayaa toban cisho u xidhan siddee saaxibkaa xabsiga uga baxay. Samatar, waxaa loo haystaa wiil saaxibkii ah oo xabsiga ka gobalka ka baxay sidda ehelkiisu noo sheegen. Waxaa hadaba is waydiin u baahan siddee qof rayid ah masuul uga noqon karaa qof ka baxay xabsiyada Deeganka oo aan ognahay qaabka loo ilaaliyo, iyo siddey u dhigan yihiin dhisme ahaan? Hadiiba xogta ehelkiisu sheegayan ay jirto oo wiilka xabsiga laga fakiyay sow ma ahayn in Cidi ilaalinaysay iyo maamulkii Xabsiga lagulla xisaabtamo? Sharcigga Itoobiya saaxib iska daaye qofka walaalka wixii dembe uu geysto ma kafaallo qaadi kartid, mana loo qabsan karo qof dembi qof kale geystay.
Ilo xog ogaalla oo kamid ah Hay'addaha Caddaaladda ayaa xaqiijiyay xogta ehelka ee sheegaysa in loo haysto saaxibkii oo xabsiga ka baxsaday.

Qofku inuu iska xidhnaado oo aan waxba layska waydiin, hay'addaha amniguna ka hadlin gar maaha? Iskuday aan sameynay si aan dhinaca Booliska xog uga helno nooma suurta galin

W-Q: Macalink somaliyeed

Hambalyo reer SSC-Khaatumo Shacab iyo Dowladba.Aqoonsiga Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo waa guul taariikhi ah oo usoo ho...
07/05/2025

Hambalyo reer SSC-Khaatumo Shacab iyo Dowladba.

Aqoonsiga Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo waa guul taariikhi ah oo usoo hoyatay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed ee jecel Midnimada iyo Wadajirka.

Halkan waxaa lagu soo gaadhay Midnimo iyo halgan adag oo ay u nafwaayeen halyeeyo naftooda u hibeeyey sidii bulshada SSC-Khaatumo Masiirkooda iyagu gacanta ugu haysan lahaayeen, sidoo kale waxaan marnaba la ilaawi karin doorkii Shariifka ahaa ee Isimadeena dhaqan iyo cidkasta oo gacan ka geysatay guushaash.

Midnimada iyo Wadajirkeena aan ku fara adaygno kana fogaano waxkasta oo kala fogaynaya bulshada wada dhalatay, muhiimadana aan siino Difaaca Xuduudaha iyo Daryeelka Ciidanka.

07/05/2025

Deg deg halkan ka daawo Baaqii Odey dhaqameedka DDS ee Caawa oo dhameystiran!!

27/02/2025
Waxaan dhamaan dadka  halkan ku taxan ka codsanayaa inay ila baafiyaan hooyaday Moko Ibraahin oo maanta duhurkii xafada ...
23/02/2025

Waxaan dhamaan dadka halkan ku taxan ka codsanayaa inay ila baafiyaan hooyaday Moko Ibraahin oo maanta duhurkii xafada ka baxday (xafada 02) ilaa hadana aan lahayn. Hooyo waa qof wayn oo xasuusteedu aanay kaamil ahayn, sidaas daraadeed walaalaha muslimiinta waxaan ka codsanaynaa inay ila raadiyaan hooyaday

Fadlan cidii ilaahay la kulmiyo waxaan ka codsanayaa inay numberadan hoose nagalasoo xidhiidhaan.

0915742625 Abdiwasa Ahmed
0911950267

28/01/2025

Guul wade Nimcaan soo dhawoow indeer caasimadii DDS ee jijiga iyo shacabkaagii oo ku jecel ku soo dhawoow.
Dhammaan Bar baarta Tuli guleed iyo ree jijigaba uma kala hadhin soo dhaweynta Halgamaa Nimcaan Guul wade oo Jijiga Galabta soo galay.

12/01/2025

Hambalyo Dowlada khaatumo ee somaliya

Dagmada tuliguleed kaliya hodan kuma aha waxsoosaarka qamadiga ee waxaa kle oo ay ku fiican tahay in laga beero khudaart...
12/01/2025

Dagmada tuliguleed kaliya hodan kuma aha waxsoosaarka qamadiga ee waxaa kle oo ay ku fiican tahay in laga beero khudaarta kala duwan.

Hadaba iskaashatadani waxaa iska leh muwaadiniin udhalatay dagmada tuliguleed degana dagmadaasi
Iskaashatadani oo iskood isku maal galiyay,iskuna dhiiri galiyay oo ay sameeyeen; cabdi cumar alleel iyo faysal cabdi sodan kuwaas oo maanta tacabkoodii usooro gashay inay goostaan.

Iskaashatadani waxay beereen; basasha,toonta,misirka,xulbada,galayda iyo qamadiga.
Waa wax aad loogu farxo markaad aragto muwaadiniin iskood intay isku maal galiyeen iskoodna isku dhiirigaliyay
Waana mid lagu daydo.

Iskaashatadani waa mid mudan dhiirigalin iyo garab istaag mid maamul iyo mid shacaba.

Hadii laga caawiyo sunta cayayaanka lagu buufiyo iyo biyo ku filan ayna soo saari lahaayeen waxsoosaar intaa kasii badan dadaalka ka muuqda awgeed,
Hada waxay beertaan kaliya xiliga roobku jiro kaliya.

Hada basasha ay soo gooyeen waxaa lagu qiyaasay 400 kiish hadii ay maalgashi fiican heli lahaayeena waxaa hubaal ah inay kasoo bixikaraan khudaar ku filan deegaanka.
Teamka Barbaartu meel kasta oo ay joogaan waxay dhiiri galinayaan dhammaan dhalinyarada ku heelan wax soo saarka iyo Iskaashiga horumarinta degmadeena.

By:-Candi Salaan jontarey

Address


Telephone

+35677939224

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bar baarta Tulli Guleed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share