06/07/2023
Ninkii kitaabka qur'aanka kariimka ah ku gubay Sweden Salwan Momika maalintii Ciida Ilaahay ayaa nolosha ku cadaabay.
Tan iyo markii uu sameeyay falkaa foosha xun nolosha ayuu ku cadaabmay oo lagu cidhiidhyay baqdin iyo argagax daqiiqad kasta dhuumashadii wuxuu xamili waayay meel naba, dhulka hoostiisa,buuraha dushooda, badda iyo wabiyada kaymaha guri kasta iyo meel kasta oo uu is dhaho ku dhuumo wuu aamini waayay.
Isaga oo daal badan hurdo la,aan baqdin iyo argagax uu ka muuqdo oo calaacalaya ayuu iska soo duubay muuqaal isagoo leh wax aan sameeyo ma aqaano noloshaydu daqiiqad kasta mugdi iyo halis ayay ku jirtaa tan iyo markaan ficilkaa ku kacay halay badbaadiyo dawladda Sweden amaankayga ha ilaaliso, iska daa dadka ee dawladu waaweyn ayaa iisoo hanjabaya.
Haddii aanu ninkani hadda dhiman nolosha inta uga hadhay waxa u sugnaaday halaag baqdin dhuumasho shaki iyo mugdi, waxa uu ka fikiri doonaa goorma ayaad dhiman oo lagu dili.
Ninkan ayaa ah Ciraaqi gaal ah oo dhawaan soo galay Sweden xataa dhalasho mahaysto, hasa ahaatee maamulka cunsuriga ah ee Sweden ayaa oo caan baxay nacaybka Muslimka iyo diinta ayaa u ogolaaday inuu gubo kitaabka qur,aanka ah. Iyagoo ku sheegaya inay tahay xoriyadda hadalka.
Dalal badan oo Islaam ah ayaa arrintaa ka falceliyay oo safiiradoodii u yeedhay iyadoo cuna qabatayn la saaray wax-soosaarka Sweden iyo ganac sigoodiiba.
Waa markii 5-aad ee Sweden lagu gubo kitaabka qur,aanka ah iyagoo sidoo kale caayay nabiga scw. Nacdali haku dhacdo.
Kan hadaad aragto muuqiisa ku cibaadayso, nacdal iyo habaar ugu yaraan dusha uga tuur.
W.Q Mawliid Maxamed Siciid