AWDAL 24 MEDIA

AWDAL 24 MEDIA AWDAL 24 MEDIA
Halkani kala soco warar iyo warbixino soomaalida iyo caalamka Waxaan ahay saxafi wax ka qora arimaha soomaalida , geeska Africa iyo caalamka

26/09/2026

Waxyaabaha iswaydiinta mudan maadaama aynu aaminsanay in aynu ku taaganay Qadiyad sax ah maxaynu kamaradaha wajiyada uga qarsanaynaa ?
Maxay tahay waxa Qaldan ee kalifaysa in lagu dhawaado in wajiyada la duubto?

25/09/2026

Sidee ayaa Nabadgelyo loogu noolaan karaa ?
Waakan prof samatar oo ka jawaabaya

25/09/2026

Gudooniyaha Gudiga Nabada cabdiqaadir Jirde ayaa ka Qoomameeyay in uu soomaaliland ka tago Taliyaha Tababarada ciidanka federaalka soomaaliya oo kasoo jeeda Gobolka Awdal

25/09/2026

Gudoomiyaha Gudiga Nabadda soomaaliland cabdiqaadir jirde ayaa ugaaska ciisaha ku eedeeyay in uu Ergooyin Dir oo dhan ka socda diiday, sidoo kalena Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Somaliland ka wada hadleen arrinka ugaaska Ciisaha.

Wariye Hoori ayaa warraystay Guddoomiyaha.

25/09/2026

" hadii la ina Aqoonsado Safaarad walba 100 baa u Shaqatagi"

Professor kibaar

Waxaan akhriyey warqaddii Madaxweyne Deni uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka. Qeybo qora...
24/09/2026

Waxaan akhriyey warqaddii Madaxweyne Deni uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Ammaanka. Qeybo qoraalka ka mid ah aad bay ii dhibeen—taas macnaheedu ma aha in cabashooyinka Puntland aysan ahayn kuwo jira, balse Deni wuxuu sheeganayaa wax ka baxsan awoodihiisa iyo waajibaadkiisa.

Qoraalkiisa wuxuu leeyahay - “Puntland waxay hadda wajahaysaa cadaadis kaga imanaya shacab aad u tiro badan oo doonaya inay si buuxda uga go’aan Soomaaliya.”

Meeday caddaynta? Afti miyaa la qaaday? La-tashi dadweyne miyaa dhacay? Afkaarta dadka miyaa la ururiyay? Halkuu mandate-ka ka haystaa?
Waxaa kale oo uu leeyahay: “Puntland waxay ugu dambayn ka fiirsan kartaa inay si joogto ah xiriirka uga jarto Muqdisho.”

Yaa Deni u siiyey awooddaas uu Puntland kaga jarayo dalka?

Puntland ma aha Deni, Deni-na ma aha Puntland.

Sannadkii 1998-kii, shacabka Puntland waxay shirkii dastuuriga ahaa ee Garoowe si ku talogal ah ugu go’aansadeen inay qayb ka ahaadaan Soomaaliya ku dhisan nidaam federaal ah. Taariikhdaas hal hoggaamiye siyaasadeed maanta iskama beddeli karo.

Tankale, Deni ma iska baxshay galoofisyadii dagaalka oo ma ka tanaasulay hammigiisii ahaa inuu noqdo Madaxweynaha ama Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya? Waayo, warqaddiisu waxay u muuqataa inay leedahay: “Hadaanan helin heshiiska siyaasadeed ee aan doonayo, Puntland way ka go’aysaa Soomaaliya.”

Taasi waxay ka dhigan tahay ninkii yiri: “Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyay.”

Maya, taas lagaa diid. Mahadsanid.

Waa run, Xasan Sheekh wuxuu galay xadgudubyo culus oo dastuuri ah iyo kuwo siyaasadeedba.

Muddadii dastuuriga ahayd ee xil-heyntiisu wey dhammaatay. Xukuumaddiisu waxay awood ciidan u adeegsatay Jubaland iyo Koonfur Galbeed, waxaana ku dhintay dhalinyaro Soomaaliyeed. Kumannaan qof ayaa guryahooda laga barakiciyey, hay’adihii dowladdana waa la wiiqay, musuqmaasuqa iyo eexduna waxay gaareen heerkii ugu darnaa.

Cabashooyinkaas ma aha kuwo u gaar ah hal qabiil, hal gobol ama hal dhinac siyaasadeed. Soomaali inteeda badan oo ka kala socota dalka oo dhan—oo ay ku jiraan reer Puntland—iyo qurbo-joogtu way wada qabaan aragtidaas.

Haddaba maxaad Xasan Sheekh u siinaysaa meel uu ka baxsado, adigoo leh Puntland waxay ka go'i kartaa Soomaaliya? Maxaad u oggolaanaysaa inuu doodda ka leexiyo xadgudubyadiisa dastuuriga ah, oo uu u beddelo dood ku saabsan difaaca midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya?

Maxaad u oggolaanaysaa inuu u muuqdo mid ka macquulsan dadka siyaasadda kaga soo horjeeda, arrin ay ahayd inaan dhammaanteen ka mideysnaano?

Maxaad ugu oggolaanaysaa inuu caalamka ugu muuqdo qof ka macquulsan mucaaradkiisa marka ay noqoto midnimada Soomaaliya?

Kulama dagaalami karo shakhsi inuu ku-takri-fallay awood, anagoo isla markaana u ogolaanayna inuu midkale sheegto magac iyo awood shacbi uusan ogolaasho u haysan.

Soomaaliya waxaa leh dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, Puntland-na dadkeeda.
Ma jiri karo hoggaamiye siyaasadeed oo xaq u leh inuu magaca Soomaaliya ama Puntland iyo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya ku bedesho dano gaar ah, ama uu iska sameysto awood uu ku sheegto in dadku doonayaan gooni-isu-taag.

Maxamed Cabdirisaaq, Wasiirkii h**e ee arrimaha dibada Soomaaliya.

24/09/2026

Caasimada Waqooyi Bari ee laascaanood ayaa u jihaysatay jidka dhismayaasha casriga .

🇬🇷🇪🇬🇸🇴 Kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyay Dowladaha Masar, Soomaaliya iyo Giriigga oo ka dhacay New York ayaa lagu g...
24/09/2026

🇬🇷🇪🇬🇸🇴 Kulan saddex geesood ah oo u dhexeeyay Dowladaha Masar, Soomaaliya iyo Giriigga oo ka dhacay New York ayaa lagu gorfeeyay arrimaha midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa kulanka abaabushay, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar uu kulan la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya iyo Giriigga; Giriigguna wuxuu caddeeyay taageerada uu u hayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan gobollada waqooyi, isagoo sidoo kale sheegay inuu xoojin doono xiriirka uu la leeyahay Muqdisho.

23/09/2026

Masuuliyiin iyo shacaba looma kala Hadhin waxayna si wada jir ah shucuurtooda Gobonimo-Doon ugu Hor muujiyeen ardaaga Daarta Quruumaha Ka dhaxaysa .

23/09/2026

Suldaan Wabar oo uu weheliyo Badhasaabka Awdal ayaa dhagax dhigay dugsiga farsamada gacanta ee degmada quljeed Halkaas oo suldaanku ka dhisayo dhismaha Dugsiga.

Degamada Quljeed ayaa ka mid ah meeshii ugu horaysay dhulka soomaalida ee laga Hir galiyo Barnaamika iskaa wax u Qabso.

Adresse

Hamburg
01067

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von AWDAL 24 MEDIA erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an AWDAL 24 MEDIA senden:

Verknüpfungen

Teilen