Abdi Osman ubaxle page

Abdi Osman  ubaxle page wanaagu wuxuu kayimaadaa qalbiga daacadaa

31/05/2023

Waar kuwan umada yaa ka qabta su aalaha xunleh
Bal waxaa eega illahaybaan idinku dhaarshee ma wariyaa mise waa qalbi dile

23/03/2023

Waxyaabaha soonka jabiya ama buriya ( sh mahamed dirir )

Hadii lagaa dheereeyo kabaahaga un hoos u eeg😂😂
05/09/2022

Hadii lagaa dheereeyo kabaahaga un hoos u eeg😂😂

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa aqbalay talooyinkii ay soo jeediyeen guddida Ganacsatada ee ku taliyay in laysa saaro...
27/08/2022

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa aqbalay talooyinkii ay soo jeediyeen guddida Ganacsatada ee ku taliyay in laysa saaro labada Doorasho ee madaxtooyada iyo Ururrada.

Guddoomiyaha xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in ay tallaabadan u qaadaan danta dalka.

Waddani iyo xukuumadda ayaan iyagu weli ma shaacin go’aankooda.

Sawirkan ayaa maanta qabsaday Baraha Bulshada Dalka Masar waana wiil iyo aabihiisa oo labo xili oo kala duwan is ciyaars...
27/08/2022

Sawirkan ayaa maanta qabsaday Baraha Bulshada Dalka Masar waana wiil iyo aabihiisa oo labo xili oo kala duwan is ciyaarsiinaya.

Sawirka 1-aad waa sanadkii 1993 Aabaha oo Wiilkiisa badda ku ciyaarsiinaya .

Sawirka 2-aad waa sanadka 2022 isla wiilkii oo aabihiisa isna baddii ku ciyaarsiinaya.

Adduunyadu wa harka labadiisa galin.

27/08/2022

"Haddii ay Arrinta Ganacsatadu Wadaa Hirgasho, waxaad ogaataan in nin waliba uu golaha Marsan doono waxa uu doono..." Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Horseed

“ Waxaan Safar shaqo ku tegey Dalka maraykanka,Markaan nastay kadib ,waxaan aaday mid kamid ah Dukaamada lagu iibiyo ala...
27/08/2022

“ Waxaan Safar shaqo ku tegey Dalka maraykanka,Markaan nastay kadib ,waxaan aaday mid kamid ah Dukaamada lagu iibiyo alaabaha, anigoo sugaya in aan bixiyo lacagta alaabtii aan iibsaday, ayaa Dukaankii waxaa soo gashay gabar muslimad ah oo xijaaban, oo uu ka muuqdo daal oo siddata sanduuq culus, waxay u tagtay gabadhii xisaabiyaha ka ahayd dukaanka.

Gabadhii Muslimada ahayd aya tiri: Marwo shalay ayaan mishiinkan kaaga iibsaday $500 isaga iyo dhawr shay oo kale.

Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo mashquulsan ayaa tiri: waan gartay ma waxaad doonaysaa in lagaa celiyo?
Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa ugu jawaabtay: Maya, waxaan rabaa in aan lacagtiisa bixiyo!.

Gabadhii xisaabiyaha ahayd oo weli mashquulsan aya tiri: Ma fahmin!! Miyaanad ii sheegin in aad shalay iibsatay?

Gabadhii Muslimadda ahayd ayaa tiri: Marwo weli ima aad fahmin, shalay ayaa kaa iibsaday mishiinkan iyo alaabo kale waxaana ku bixiyay Credit Card-ka, markii aan guriga soo galay oo aan eegay Warqad bixinta (invoice) ayaa waxaan ogaaday in aadan ku xisaabin ama aadan ku darin qiimaha mishiinkan,waxaan filayaa inaad ilowdey.

Sidaas darteed waxaan isku dayey inaan la xiriiro dukaanka si aysan adiga dhibaato kaaga soo gaarin arrintaas awgeed, balse saacadihii shaqada ayaa dhammaaday.

Marka waxaan go'aansaday saaka in aan fasax shaqadaydii ka soo qaato oo aan kuu soo qaado mashiinka, si aad u diwaangeliso oo aan lacagta u bixiyo, mana isticmaalo wax aanan lacagtiisa bixin.

Gabadhii Dukaanku si lama filaan ah ayay u istaagtay, iyadoo aad u yaaban oo eegaysa gabadha muslimada ah, intay laaabta gelisey ayay dhunkatay iyadoo ilmaynaysa oo leh ma fahmin sida aad u go'aansatay in aad shaqadaada fasax kasoo qaadato adigoo ka baqaya in shaqada layga eryo waliba adigoo sida mashiinkan aadka u culus weliba adigoon wax Khalada ah ku lahayn, Ee marwo maxaad u sameysay waxaan oo dhan?!!!

Gabadhii muslimada ahayd ayaa ku jawaabtay Islaamka ayaa I faraya in aan ilaaliyo amaanada iyo in aan ka fogaado xaaranta waxay u sharaxday micnaha aaminaada iyo islaamka.

Anigu Waan taagnaa intay Sheekadan oo dhan ay dhex marayso,waayo arin isoo jiidatay ayaan la kulmay .

Kadib, Gabadhii Dukaanku waxay u tagtay maareeyaheedii oo xafiiskiisa fadhiya, waxayna u sheegtay waxa ay samaysay haweenaydan Muslimadda ah.

Daqiiqado kadib, maareeyihi wuxuu shaqaalihii ku soo ururiyay dukaanka wuxuuna ka hadlay hab-dhaqanka gabadha Muslimadda ah, wuxuuna u sharaxay sida ay wax u dhaceen iyo sida ay gabadhani tusaale ugu tahay wanaaga wuxuuna yiri:
waxay kudhaqantay wixi ay ka baratay diinteeda.

Kadib,qof kasta Gabadhii Muslimada ahayd wuxuu weydiiyey isagoo aad u xiiseeynaya diinta Islaamka waxayna ugu sharaxday si yaab leh oo ay ka muuqato kalsooni, khushuuc iyo daacadnimo,Weliba waxay ahayd Gabar wax gudbinta ku fiican.

Markii ay dhammaysay waxa uu maareeyihii Dunkaanku si adag ugu adkaystay in Mishiinka ay soo celisey ay hadiyada ahaan u qaadato, oo aanay wax lacag ah ka bixin,Lknse Gabadhii Muslimada ahyd ayaa si xushmad leh uga cudur daaratay inay ka aqbasho.

Waxayna sheegtay in ay doonayso abaal-marinta eebe ee aanay doonayn mashiinka,Waxayna tiri:

“ iga raali noqo ma doonayo in mashiinkan yar uu iga burburiyo abaal-marinta weyn ee Allah ,Kadib,intay lacagtii bixisay ayay iska baxday "

Waxa Qortay Khadiija Bin Qinah oo ka Shaqaysa TV-ga Aljazeera .

Ragga go’aansada in ay aabbeyaal noqdaan marka ay da’dooda dhaafto 35 sano ayaa wajahaya suurtagalnimada in ay dhalaan c...
27/08/2022

Ragga go’aansada in ay aabbeyaal noqdaan marka ay da’dooda dhaafto 35 sano ayaa wajahaya suurtagalnimada in ay dhalaan carruur dhicis ah ama qaba cudurka ilmaha maskaxdooda waxyeelleeya ee loo yaqaanno “autism”.

Taas waxaa sii dheer in sanad walba sanadka kasii dambeeya ay raggan kasii yaraanayso awoodda shahwada iyo tiradeedaba, haddii aysan guursan.
Arrimahan waxaa lagu ogaaday daraasado badan oo la sameeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa daraasadahaas ka mid ah mid ay soo saartay Jaamacadda Caafimaadka ee Stanford, oo ku taalla Mareykanka, taasoo cilmibaaris iyo qiimayn ku samay in ka badan 40 milyan oo carruur markaas dhalatay ah.

Xigasho BBC.

Booliska ingiriis ayaa xiray gabar u dhalatay dalka Nigeria kadib markii wadada la martay nin oo ay u wadatay sidii xayw...
27/08/2022

Booliska ingiriis ayaa xiray gabar u dhalatay dalka Nigeria kadib markii wadada la martay nin oo ay u wadatay sidii xaywaanka Ey oo kale ah, waxa ayna tiri "Ninkaan waa Boodh gaarkeyga wuxuuna ii yahay rabaayad balse booliska ayaa ka diiday oo xabsiga u taxaabay gabadha si ay su,aal u waydiiyaan.

Ninkaan si Ey oo kale xarig loogu xiray maxaa ka dhahdeen?. Lol😃

Sawirkan hoose waxaa soo dhigtay baraheeda bulshada gabadh la yiraahdo marwo oo ka soo jeeday dalka liibiya, waxayna u d...
24/08/2022

Sawirkan hoose waxaa soo dhigtay baraheeda bulshada gabadh la yiraahdo marwo oo ka soo jeeday dalka liibiya, waxayna u dabaal dagaysay qalinjabinteeda iyada oo ay weheliyaan Ninkeeda iyo inan ay dhashay.

Qormo ay ku lifaaqday sawirkan ayay ku sheegtay sida uu ninkeedu u garab taagnaa tan iyo bilowgii hayaankeeda waxbarasho, iyadoo si kalgacal leh uga mahad celisay, kuna cabirtay farxadda ay dareemayso.

Nasiib darro labo maalmood uun kadib waxay iyada, ninkeedii iyo ilmahoodiiba kuwada dhinteen shil gaari.

Xasadka iyo ishu daqiiqado ayay nolosha qofka u badalaan, waxaana jira dad ay dhibayso farxadda aad haysatid ama kugu xasdaya nimcadda uu alle kugu galaday.

Ilaahay naxariistiisa janno ha kawada waraabiyo dhamaantood.

18/08/2022

Wariyhii Soo Duubay Gabadhii Askariga Jeclaatay Oo Isna Gabadh Qurbaha Ka Timi Ku Abaal Marisay Nafteeda

18/08/2022

Doorashada Madaxtooyada 13 November 2022 Anigu ma qaban karo"
2 anigu shaqaale ayaan ahay
3 kuwani waa saxibaday
Hadalo intuba ,,,,,,m muuse biixi abdi

18/08/2022

Geeri xanuun badan abwaan Hadraawi alla ha u naxariiso aamin yaa Rabbi

17/08/2022

Wasiir Siciid Sulub oo ka hadlay dhacdadi saaka ka dhacday xabaalaha Haleeya

17/08/2022

Dagdag
Loo qarin maayee gacan ka xaqdaranbaa dishay mardanbana kayeeli mayno ....
Ugaaska beelaha Arab Ugaas Ahmed Saeed oo si adag uga hadlay Aaskii maanta

17/08/2022

Gabadh Muwaadinad ah Mucaarad ah oo laad la tiigsanaysa Wasiir Siciid Sulub oo dad gadoodsani eryanayaan xabalaaha Halleeya ee duleedka Hargeysa.

17/08/2022

Ilaalada wasiir Siciid Sulub oo rasaas ku kala eryay dad gadoodsan oo xabaalaha ku sugnaa

14/08/2022

"Muuse Awaare ayuu askari Faylka ka soo habsaamay Ku dilay" Xirsi Cali Xasan

Adresse

Wuppertal
42277

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Abdi Osman ubaxle page erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Abdi Osman ubaxle page senden:

Teilen

Kategorie