Akhi Mahbub

Akhi Mahbub "Riyadaadu waa suurtagal haddii aad dadaasho. Maanta bilow, hana joojin!"

01/06/2025
Wax Ka Ogow Hishiiska U dhaxeeya Somalia Iyo Turkey Dhanka soo saarista Qeyraadka Dabiiciga ah Sida Gaas IWM;1. Sharci a...
24/04/2025

Wax Ka Ogow Hishiiska U dhaxeeya Somalia Iyo Turkey Dhanka soo saarista Qeyraadka Dabiiciga ah Sida Gaas IWM;

1. Sharci ahaanta heshiiska – Ma ansixiyey Baarlamaanka?

Warbixinno badan waxay sheegayaan in heshiiskan lama horkeenin Baarlamaanka si rasmi ah, taas oo ka dhigeysa sharci ahaan mid aan dhammaystirnayn ama aan waafaqsaneyn dastuurka.

Qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah wuxuu sheegaya in kheyraadka dabiiciga ah ay mas’uuliyadooda leedahay dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, taas oo u baahan wada-tashi iyo oggolaansho sharciyeed.

2. Saamiga Dowladda Soomaaliya – Ma yahay mid cadaalad ah?

(oo inta badan dowladda leedahay 30–50% ama ka badan kadib cost recovery).

Saamiga 5% oo Royalty ah oo keliya, iyo 90% shirkadda qaadaneyso, wuxuu u eg yahay ku xadgudub ku ah kheyraadka shacabka.

3. Hufnaanta & Xisaabtanka – Ma cad yihiin qodobbada?

●Aan si buuxda loo shaacin.
●Aan laga heli karin dhammaan faahfaahinta heshiiska.
●Aan shacabka loo soo bandhigin.
●Aysan jirin dood Baarlamaan ama dadweyne ka hor saxiixidda.

◇Haddii heshiis lala galo shirkad ajnabi ah iyadoo aan shacabka iyo Baarlamaanka loo caddeyn, wuxuu noqon karaa mid khilaafsan mabda’a hufnaanta iyo xisaabtanka dowliga ah.

4. Xuquuqda Qaranka & Amniga Qaranka

Heshiiska wuxuu siinayaa Turkiga awoodo dhanka amniga, taas oo la macno ah in dowlad shisheeye ay yeelan karto awood ciidan ama ilaalin ku dhex leh dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo lagu qoray in garsoorka Turkiga (Istanbul) lagu xallin doono khilaafaadka, halkii laga adeegsani lahaa maxkamad dhex-dhexaad ah oo caalami ah (sida Hague ama London arbitration centers).

◇Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan awood badan ku yeelan doonin muran kasta oo ka dhasha heshiiska, taasoo dhaawacaysa madax-bannaanida qaran.

Ma yahay heshiiskan mid sax ah oo sharci ah?

Marka la eego:

●Ansixinta la’aanta Baarlamaanka
●Saamiga aadka u yar ee dowladda
●Awoodda milatari iyo sharci ee loo oggolaaday shirkadda
●Xaddidaadda xogta iyo hufnaan la’aanta

Gunaanad >>>>>>>>>>
Heshiiska wuxuu u muuqdaa mid aan si buuxda u waafaqsaneyn dastuurka iyo danaha shacabka Soomaaliyeed. Waxaa lagu tilmaami karaa ku xadgudub ku yimid kheyraadka dalka haddii aan si degdeg ah wax looga beddelin ama aan lagu darin ilaalinta danaha qaranka.

Saameynta Dagaalka Ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha ku leeyahay Dhaqaalaha Adduunka1. Xaaladda Hadda:Mareykanka iyo Sh...
14/04/2025

Saameynta Dagaalka Ganacsi ee Mareykanka iyo Shiinaha ku leeyahay Dhaqaalaha Adduunka

1. Xaaladda Hadda:

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa is dhaafsaday canshuuro ganacsi oo aad u sarreeya (125%), taas oo sare u qaaday qiimaha badeecooyinka la kala iibsado.

2. Ganacsiga u dhexeeya labada dal:

Ganacsiga guud sanadkii h**e wuxuu gaaray $585 bilyan.

Mareykanka wuxuu ka soo dejiyey Shiinaha: $440 bilyan.

Shiinaha wuxuu ka soo dejiyey Mareykanka: $145 bilyan.

Khasaare ganacsi oo uu Mareykanku la kulmay: $295 bilyan (u dhiganta 1% GDP-ga Mareykanka).

3. Saameynta Canshuuraha Cusub:

Badeecooyinka laga keeno Shiinaha waxay noqonayaan kuwo aad qaali u ah dadka Mareykanka.

Sidoo kale, badeecooyinka Mareykanka u dhoofiyo Shiinaha ayaa noqonaya kuwo qaali ah dadka Shiinaha.

4. Tallaabooyin Kale oo Dhaqaale:

Shiinaha wuxuu xakameyn karaa biraha muhiimka u ah warshadaha sida copper, lithium, germanium, iwm.

Mareykanka wuxuu sii adkeyn karaa xannibaadda tignoolajiyada sida microchips, gaar ahaan kuwa AI-da u adeega.

5. Saameynta Caalamiga ah:

Dhaqaalaha adduunka wuu hoos u dhici karaa ilaa 1.7% haddii xaaladda dagaalka ganacsi ay sii socoto.

Suuqyada saamiyada caalamka waxay durba bilaabeen hoos u dhac.

Shirkado waaweyn sida Apple, Tesla, iyo Nvidia ayaa wajahaya cadaadis weyn oo suuqeed.

Gunaanad:

Dagaalkan ganacsi wuxuu sababi karaa hoos u dhac dhaqaale oo caalami ah, saameynta shaqo la’aan, hoos u dhac maalgashi, iyo khataro dhaqaale oo cusub.

12/03/2025

Be smart not hardwork😶

Hadafka Nolosha: Iftiinka JidkaagaSidee Loo Helaa Hadafka Nolosha?Hadafku wuxuu ka bilowdaa is-barasho – ogow waxa aad j...
12/03/2025

Hadafka Nolosha: Iftiinka Jidkaaga

Sidee Loo Helaa Hadafka Nolosha?

Hadafku wuxuu ka bilowdaa is-barasho – ogow waxa aad jeceshahay, waxa aad ku fiicantahay, iyo waxa aad ka damacsan tahay mustaqbalkaaga. Ha oggolaan in cabsida ama fikirka dadka kale ay kaa hor istaagaan riyadaada. Halkii aad nolosha ku qaadan lahayd raadinta wax aan macno lahayn, u jeeso dhanka yoolal waxtar leh oo horumarinaya naftaada iyo bulshadaada.

Qorshee noloshaada sida aad rabto in ay noqoto. Haddii aad rabto inaad noqoto dhakhtar, saynisyahan, ganacsade, ama qof bulshadiisa wax weyn u tara – hadda bilow! Talaabo yar oo aad maanta qaaddo, waxay noqon kartaa mid noloshaada si weyn u beddesha.

Guushu maaha mid timaada hal mar, waa mid lagu gaadho dulqaad, dadaal, iyo samir. Mararka qaar, jidku wuu adkaan karaa, caqabado ayaa imaan kara, balse xasuusnow: qofka guulaysta maaha kii aan dhicin, waa kii mar walba dib u kaca oo socodkiisa sii wataa.

Hadafka noloshaadu ha noqdo mid iftiiminaya jidkaaga, kuu keenaya farxad, oo wax ka beddelaya adduunkaaga. Maanta bilow, oo ku tallaabsado safarkaaga guusha!



Akhi Mahbub
🫡

Address

Mogadishu

Telephone

+252617457777

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Akhi Mahbub posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Akhi Mahbub:

Share