Jarik PRO

Jarik PRO Page Kan Waxad Kala Soconaysa Muuqalo Yar-Yar Oo Ku Xiiso galinaya

Buugga cajiibka ah ee "Ameerika iyo Warshadaynta Gaajada: Khuraafaadka Gabaabsinimada" (World Hunger: 10 Myths) oo ay qa...
08/05/2026

Buugga cajiibka ah ee "Ameerika iyo Warshadaynta Gaajada: Khuraafaadka Gabaabsinimada" (World Hunger: 10 Myths) oo ay qalinka u qaateen Frances Moore Lappé iyo Joseph Collins, waxa uu u taagan yahay mid ka mid ah shaqooyinka aqooneed ee ugu miisaanka culus ee abid la qoray, kaas oo gorfayn iyo falanqayn qotodheer ku sameeyay mashkiladda gaajada adduunka.

Buuggani waxa uu duminayaa gidaarka beenta ah ee bulshada laga dhaadhiciyey, isaga oo si cad u diidaya in macaluusha iyo nafaqo-darradu ay ka dhashaan cuntoyari (scarcity) ama khayraadka dabiiciga ah oo yaraaday. Beddelkeeda, gundhigga aragtida buuggu waxa ay ku qotontaa in dunidu ay dhab ahaan la iladaran tahay Caddaalad-yari balse aanay ahayn Cunto-yari.

Qoreyaashu waxay si xeel-dheer u majaxaabiyeen khuraafaadka weyn ee ina daashaday, taas oo ah in dhulku aanu awoodin quudinta tirada aadanaha ee sii kordhaya. Xaqiiqada dhabta ah ee ay buugga ku iftiimiyeen ayaa ah in wax-soosaarka beeraha adduunku uu aad uga badan yahay baahida aadanaha. Balse, sababta ay malaayiin qof u gaajoonayaan ma aha in cuntadu ay dabargo'day, ee waa in cuntadii laga saaray diiwaanka xuquuqda aadanaha, loona rogay badeecad ganacsi oo si indho-la'aan ah ugu hoggaansan nidaamka macaash raadiska ee hanti-goosiga (Capitalism). Sidaas darteed, cidda awoodda iibsi leh oo keliya ayaa cuntadaas heli karta, halka dadka saboolka ahina ay waddooyinka ugu bakhtiyaan gaajo iyada oo suuqyada adduunku ay cuntooyin buux-dhaafiyeen la ciirciirayaan.

Fikradda labaad ee udub-dhexaadka u ah buuggan ayaa ah in gaajadu aanay ahayn qaddar Ilaahay ama masiibo dabiici ah oo cirka ka timid, balse ay tahay go'aan siyaasadeed iyo mashkilad gacan-ku-rimis ah oo ay farsameeyeen nidaamyada dhaqaale ee casriga ahi. Lahaanshaha dhulalka oo in yar lala kaliyeystay, shirkadaha caalamiga ah ee isaga-gudba qaaradaha oo maamula sicirka cuntada, iyo siyaasadaha waddammada hodanka ah ee burburiya beeralayda yaryar ayaa ah matoorka dhabta ah ee soo saara, soona celceliya macaluusha. Cuntooyinka dibadda laga keeno iyo ganacsiga xorta ah ee aan dawladuhu nidaaminin waxay wiiqaan isku-filnaanshihii waddammada soo koraya, iyaga oo ka dhigaya kuwo u nugul ilameereyso dhaqaale oo raaga.

Dhinaca kale, buuggu waxa uu si adag u dhaleecaynayaa xalalka been-abuurka ah ee indho-sarcaadka ah, sida tignoolajiyadda beeraha warshadaysan, abuurka hiddasidaha laga beddelay (GMOs), iyo kaalmooyinka cuntada ee ay bixiyaan dalalka waaweyni. Sida ay qoreyaashu xuseen, qorshayaashani ma tirtiraan gaajada, balse waxay sii xoojiyaan awoodda shirkadaha waaweyn, waxay xaalufiyaan kheyraadkii deegaanka, waxayna waddammada saboolka ah ku xidhaan silsilad gargaar oo aan dhammaad lahayn. Kaalmada bini'aadantinimo ee saxaafaddu buunbuuniso waxa ay inta badan u adeegtaa danaha istaraatiijiyadeed ee dalalka deeqda bixiya, halkii ay dhab ahaan u dhisi lahayd amni cunto oo maxalli ah.

Gunaanadkii, buuggu waxa uu inoo iftiiminayaa xalka dhabta ah ee lagaga gudbi karo warshadaynta gaajada. Qoreyaashu waxay aaminsan yihiin in cirib-tirka macaluushu aanu ahayn in mishiinno la keeno oo wax-soosaarka uun la kordhiyo, balse ay si lamahuraan ah u baahan tahay in la qaybiyo awoodda iyo kheyraadka. Waa in la sameeyaa isbeddello siyaasadeed iyo kuwo xagga lahaanshaha dhulka ah, in la taageero beeralayda yaryar, in la xoojiyo hababka beerashada ee deegaanka u roon (Agroecology), iyo in dib loo hanto madax-bannaanida cuntada (food sovereignty). Nuxurka dhaxalgalka ah ee uu buuggani inoo reebayo ayaa ah: Faqriga iyo gaajadu ma aha calaamad muujinaysa fashilka dhibanayaasha, balse waa calaamad iftiiminaysa caddaalad-darrada hannaanka maamul ee adduunka, lagamana adkaan karo gaajada ilaa si dhab ah looga adkaado nidaamyada dhidibbada u taagay sinnaan la'aanta.

07/05/2026

Qiso Cibro Leh – Dalka Ciraaq

Qisadan waxay ka dhacday dalka Ciraaq, waana qiso cashar weyn u ah ruuxa ilaaliya adkaarta (xuska Alle).

Waxaa jiray nin saaxir ah oo la siiyay shaqo ah inuu sixro qof. Wuxuu isku dayay marar badan, ilaa uu ku dadaalay muddo dhan 20 sano, balse ma uusan ku guuleysan.

Ugu dambeyn, arrintiisa waxaa ogaaday askarta, waxaana lagu xukumay daldalaad. Intii aan la daldalin, waxaa la weydiiyay:

“Maxaad rabtaa ka hor inta aan xukunka lagu fulin?”

Wuxuu yiri:
“Waxaan rabaa in la ii keeno qofkii aan isku dayayay inaan sixro, si aan u ogaado waxa ka difaacay sixirkayga.”

Askari ayaa loo diray ninkaas. Markii la weydiiyay sababta sixirku u qaban waayay, wuxuu sheegay:

👉 “Mar kasta oo aan hadlo ama ficil sameeyo, waxaan ku lifaaqaa ducadan:
(لا إله إلا أنت سبحانك إني كنت من الظالمين)”

🌿 Halkaas ayaa laga fahmay in adkaarta iyo xuska Alle ay yihiin difaac adag oo ka ilaaliya qofka sharka iyo sixirka.

✨ Fariinta Qisada:
Ha dayacin adkaartaada, maxaa yeelay waa gaashaan kaa ilaaliya dhibaato kasta.

✍️ Abdirhman Jarik

🔴La kala tag orodna maaha: 🇨🇳: Shirkadda Shiinaha ee XPeng ayaa qorsheyneysa inay  2027 soo saarto number badanoo ah baa...
23/04/2026

🔴La kala tag orodna maaha: 🇨🇳: Shirkadda Shiinaha ee XPeng ayaa qorsheyneysa inay 2027 soo saarto number badanoo ah baabuurta duulaya, iyadoo la sii dalbaday in ka badan 7,000 oo gaari. Kaliya waxay hadda raadinayaan oggolaansho sharciyeed. Ma iibsan lahayd

23/04/2026

Address

Egypt
Cairo
3753450

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jarik PRO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share