Africa podcasts network APN

Africa podcasts network APN We produce podcasts, interviews, and field reports covering social issues, innovati

Africa Podcasts Network (APN) is an independent media platform based in Addis Ababa, Ethiopia, focused on storytelling, journalism, and digital broadcasting across Africa.

15/09/2026

Waxaanu waraysi ku saabsan saamaynta is bedelka cimiladu ay ku yeelan karto geeska africa la yeelanay agaasin khadar maxamad oo kamid ahaa wafdigii kasocday dalka somalida

15/09/2026

Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ka furmay shir heer wasiirro ah oo ay qabanqaabisay IGAD, kaas oo looga hadlayo u-diyaargarowga saameynta la filayo ee El Niño ee Geeska Afrika.

Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ka furmay shir heer wasiirro ah oo ay qabanqaabisay haayada IGAD, kaas oo looga hadla...
15/09/2026

Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ka furmay shir heer wasiirro ah oo ay qabanqaabisay haayada IGAD, kaas oo looga hadlayo u-diyaargarowga saameynta la filayo ee El Niño ee Geeska Afrika.

Shirkan oo soconaya 15 ilaa 17 Sebtembar 2026, waxaa diiradda lagu saarayaa sidii dalalka gobolka ay uga sii diyaar garoobi lahaayeen khataraha ka dhalan kara isbeddellada cimilada, gaar ahaan roobabka xooggan, fatahaadaha iyo daadadka.

Madaxda iyo khubarada ka qeybgalaya shirka ayaa sidoo kale ka wada hadlaya xoojinta digniinta h**e, tallaabooyinka degdegga ah ee ka horreeya musiibooyinka, iskaashiga gobolka iyo sidii loo yareyn lahaa khasaaraha ka dhasha fatahaadaha iyo khataraha kale ee cimilada.

Jigjiga: Waxaa xarunta Maxkamadda Guud ee DDS lagu qabtay munaasibad lagu furayo Maxkamadaha Deegaanka ee Sannadka Shaqe...
14/09/2026

Jigjiga: Waxaa xarunta Maxkamadda Guud ee DDS lagu qabtay munaasibad lagu furayo Maxkamadaha Deegaanka ee Sannadka Shaqeedka 2019 T.I., kaddib markii garsoorku uu kasoo laabtay fasax-sannadeedkii labada bilood ahaa
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Shareecada, Sheekh Axmed Maxamed Aadan; Komishineerka Komishinka Booliska DDS, Sareeye Guud Cabdi Cali Siyaad; iyo Ku-xigeenka Hoggaanka Nabadgelyada DDS, Mudane Maxamed Maxamuud, iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee DDS, Mudane C/kariin Axmed Aadan, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in furitaanku yahay soo dhaweyn loo sameeyay garsoorka kasoo laabtay fasaxa sannadlaha ah iyo bilowga rasmiga ah ee shaqada sannadka cusub.
Guddoomiyuhu wuxuu garsoorka kula dardaarmay inay si fiican u ilaaliyaan madaxbannaanida garsoorka, dhexdhexaadnimada iyo caddaaladda, si loo xaqiijiyo adeeg garsoor oo hufan oo bulshada loogu adeego.
Munaasabadda ayaa sidoo kale loogu mahadceliyay masuuliyiinta iyo hay’adaha kala duwan ee ka qaybqaatay xafladda furitaanka

XIGASHO :- SRTV SOMALI

SHIR-MADAXEEDKA 18-AAD EE BRICS OO GALAY MAALINTII LABAAD Ra’iisul Wasaaraha (JDFI) Abiy Ahmed,(Dr) iyo wafdigiisa ayaa ...
14/09/2026

SHIR-MADAXEEDKA 18-AAD EE BRICS OO GALAY MAALINTII LABAAD

Ra’iisul Wasaaraha (JDFI) Abiy Ahmed,(Dr) iyo wafdigiisa ayaa ka qaybgalay Shir-madaxeedka 18-aad ee BRICS, kaas oo qabsoomay laga soo bilaabo 2-da Meskerem 2019-ka.

Maalintii labaad ee shirka oo ku beegnayd 3-da Meskerem 2019-ka, ayaa waxaa hal-ku-dheg looga dhigay “Dhisidda adkaysiga, hal-abuurka, iskaashiga iyo horumarka waara.

Shirkan waxaa ka qaybgalay hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah BRICS iyo kuwa shuraakada la ah iyo sidoo kale madaxda hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah. Shir-madaxeedku wuxuu ku soo dhammaaday iyadoo la soo saaray Bayaanka New Delhi, oo ka kooban 140 qodob oo ay dalalku si wadajir ah ugu heshiiyeen.

Bayaanka New Delhi ee Isbahaysiga BRICS wuxuu ka tarjumayaa mowqifyada wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta nidaamka maamulka caalamiga ah, nabadda caalamiga ah iyo tan gobolka, koboc dhaqaale oo waara, iyo xoojinta xiriirka isdhexgalka shucuubta/ dadka.

Waxa kale oo uu ururku mar kale xaqiijiyay taageerada xooggan ee uu siinayo dadaalka Itoobiya ay ugu jirto ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Sidoo kale, bayaanku wuxuu muujiyay in iskaashiga BRICS ay si adag u taageerayso dadaalka Itoobiya ee ah inay noqoto musharraxa keliya ee Midowga Afrika uga qaybgalaya doorashada xubinnimada dheeraadka ah ee Golaha Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO).

Intaa waxaa dheer, dalalka xubnaha ah waxay bayaankooda wadajirka ah ku xaqiijiyeen inay taageerayaan hindisaha iyo diyaar-garowga Itoobiya ugu jirto martigelinta Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee COP32.

Ururku wuxuu sidoo kale si wadajir ah u ansixiyay in Shiinuhu martigeliyo Shir-madaxeedka 19 Brics

Dhinaca kale Shir-madaxeedka Madaxda BRICS, Ra’iisul Wasaaraha (JDFI) Abiy Ahmed (Dr.) ayaa kulamo laba geesood ah oo miro-dhal ah la yeeshay madaxda dalalka xubnaha iyo kuwa shuraakada la ah ururka, waxaana ay ka wada xajoodeen xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, difaaca iyo dhijitaalaynta.

Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa sidoo kale ka qaybgalay casho sharaf loo sameeyay hoggaamiyeyaasha kaddib shir-madaxeedka, halkaas oo uu kula kulmay hoggaamiyeyaal ka kala socday dalalka xubnaha iyo kuwa shuraakada BRICS.

Ugu dambayn Ra’iisul Wasaaraha (JDFI) Abiy Axmed (Dr.) ayaa ka qaybgalay casho sharaf loo sameeyay madaxda kaddib shir-madaxeedka, isagoo la kulmay madaxda dalal kala duwan oo xubno iyo shuraako ka ah BRICS. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu soo gabagabeeyay ka qaybgalka Shir-madaxeedka Madaxda BRICS oo socday muddo laba maalmood ah, kaddibna dalka ayuu dib ugu soo laabtay.

#

TALLAABOOYINKA DIB-U-HABAYNTA WAX BARASHADA AYAA NATIIJO MUUQATA KA KEENAYA TAYADA IYO HELITAANKA WAXBARASHADA Tallaaboo...
12/09/2026

TALLAABOOYINKA DIB-U-HABAYNTA WAX BARASHADA AYAA NATIIJO MUUQATA KA KEENAYA TAYADA IYO HELITAANKA WAXBARASHADA

Tallaabooyinka wax-ku-oolka ah ee dib-u-habaynta laga sameeyay waaxda waxbarashada ayaa natiijo muuqata ka keenaya tayada iyo helitaanka Wax barashada waxaa Sidaasi sheegay Wasiirka wasarada Waxbarashada (JDFI) Barafasor Birhanu Nega.

Wasiirka wasarada waxbarashada (JDFI) Barafasor Birhanu Nega oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa xusay in dowladda ay fulisay hawlo ballaaran oo dib-u-habayn ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo saaro muwaadiniin dhammaystiran, lagu xoojiyo qiyamka akhlaaqda iyo aqoonta, isla markaana nidaamka waxbarashada loo gudbiyo heer ka sarreeya kii h**e.

Ugu Barafasor Professor Birhanu Nega ayaa xusay in dadaallada laga sameeyay dhinaca waxbarashada sare, kuwaas oo lagu doonayo in lagu soo saaro jiil tayo leh oo aqoon iyo xirfad leh, ay hadda muujinayaan natiijooyin la taaban karo.

RA'IISUL WASAARE ABIY IYO MADAXWEYNE PUTIN OO KA WADA XAJOODAY XOOJINTA ISKAASHIGA ISTIRAATIIJIGA AH Ra’iisul Wasaaraha ...
12/09/2026

RA'IISUL WASAARE ABIY IYO MADAXWEYNE PUTIN OO KA WADA XAJOODAY XOOJINTA ISKAASHIGA ISTIRAATIIJIGA AH

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa sheegay inay kulan la yeesheen Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, isla markaana ay wadahadallo miro-dhal ah ka yeesheen sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Ruushka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ay wada xajoodeen labada dhinac islamarkana xaqiijiyeen ka go’naanshahooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, waxbarashada iyo tiknoolajiyadda.

Dhanka kale labada dhinac ayaa ka wada xajooday fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga ku saabsan isbeddelka cimilada iyo yoolalka horumarinta, oo ay ku jirto iskaashiga ay labada dal ku leeyihiin diyaar-garowga COP32.

Ugu dambayn Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa intaa ku daray in labada dhinac ay ku heshiiyeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan ballaarinta ganacsiga iyo is-dhaafsiga dhaqaale ee ku salaysan danaha wadajirka ah.

Raysal Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa gaaray magaalada New Delhi ee Hindiya si uu uga qayb galo Shir-madaxeedka 18-aad ee...
12/09/2026

Raysal Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa gaaray magaalada New Delhi ee Hindiya si uu uga qayb galo Shir-madaxeedka 18-aad ee BRICS, kaas oo lagu qabanayo cinwaanka "Dhisidda Adkeysiga, Hal-abuurka, Iskaashiga iyo Joogteynta".

‎Waftiga Itoobiya, oo uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.), ayaa la filayaa inay yeeshaan wadahadallo laba geesood ah oo ku saabsan xoojinta iskaashiga gobolka iyo kan caalamiga ah.

Itoobiya maanta oo ah 11-ka September 2026 waxaa guud ahaan dalka looga  dabbaaldegayay Sannadka Cusub ee 2019-ka TI san...
11/09/2026

Itoobiya maanta oo ah 11-ka September 2026 waxaa guud ahaan dalka looga dabbaaldegayay Sannadka Cusub ee 2019-ka TI sanadkan ayaa ah sanad laga rajaynayo ethopia barwaaqo iyo guulo badan in ay gaadhaan dadyowga ethopian ka ah ee sanadku bilowga u yahay

Dholatus Duroon ah ayaa caawa hawada magaalada Addis Ababa lagu sobandigay.
10/09/2026

Dholatus Duroon ah ayaa caawa hawada magaalada Addis Ababa lagu sobandigay.

Address

Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Africa podcasts network APN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share