Mustafe Muhammed Abdi

Mustafe Muhammed Abdi Markaad la daristo cafinta iyo raali gelinta,
sidoo kale waxaad la daristay farxadda iyo xasilloonida. sidaas daraadeed yaan lagaa badan

05/11/2025

Waa macalimad wax ka dhigta dugsi sare oo ku yaalla dalka Baraasiil, muddo afar sano ah ayay si joogto ah uga shaqeynaysay qaybta wiilasha, Inta ay macalimaddu ahayd, ma jirin hal wiil oo ka maqnaaday dugsiga.

Dhammaantood wiilasha si joogto ah ayay uga soo qeybgali jireen casharradeeda, taasoo muujinaysa ixtiraamka iyo dhiirrigelinta ay ku abuurtay ardaydeeda.

Hadii aay Macalimada Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄ jogi lahayd Wilal badan O School diid ahaa ayaa Noqon Laha Kuwa Xaadira Xiisadeeda πŸ˜† 🀣 πŸ˜‚
Adigu Ma Gan bin lahayd ? πŸ˜†

05/11/2025

"Waan ku qasbanahay in aan xududkena difaacano."

Deeganka Canfarta, oo ku goodiyay in ay jawaab bixin doonan.

La soco wararka ka cusboonaday waqooyiga.

31/10/2025
30/10/2025

WAR DEGDEG AH! Ku dhawaad 20 qof ayaa ku sumoobay Degmada Xarshin ee Gobolka Faafan.

Dadkan ayaa ku sugnaa santarka Reybad-ayaayo oo ay barkad ka qodayeen, kaddib markii ay bariis Cunneen. Dadkan maanta lagu soo booday ayaa qaarkood xaalkooda Caafimaad sii darran yahay.

29/10/2025

Qabaleeyadii Qabribayax ayaa biyo- la'aan ka cabbanaya. Hooyo cabbanaysa ayaad ku arragteen baraha bulshada. Shalay iyo maanta dad muxsiniin ah ayaa lacago soo diray si dadkii cabbanayay Biyo u hellaan. Maanta iyadoo lacag 13K la hayo ayaan waynay Booyad geysa..
Meesha Biyaha la geynayo waa 28KM, oo 24Km kamid ah ay tahay waddo aan laami ka dhicin. Booyaduhu hadana lacag waali ah ayay qaatan.

Labadaas cisho ayaan u kuur galnay xaalka Degmadan. Booyadii Degmadu waxay fadhidaa mudo dheer. Ilaa 6 bilood way fadhidaa.
Cidna uma dhaamiso. Dadka waxaa u heshiiyay koox Barkado leh iyo Booyadaha. Booyadaha ceelal k**a soo dhaamiyan, Barkado ayay kasoo qaatan. Barkadaha waxaaba lagu leeyahay sannad ayaa lasii iibsadaa Biyaha ku jira. Si marka jilal ama xili adag yimaado looga macaasho. Biyoo dhanba ganacsato ayaa gacanta ku haysa.

Degmadu waxay ahayd: Inay qiimaha jaan-goyso, oo ay ganacsatada faa'ido doonka la xisaabtanto. Waxay kaloy ahayd in Degmada loo kiciyo Booyadii Biyaha. Ogowna Degmada Qabribayax Dakhliga maalin kasta soo xarrooda wuxuu gaadha 100-kun. Habeennada qaarna ka badan.

Gobalo badan oo fog fog ayay ka biyo qaalisan tahay Degmadan- waanna wax aan la socday.

27/10/2025

Sarifka suuqa madaw ayaa gaadhay 18,100 bir. [100-ka dollar.]. Waxaa muddoyinkii u dembeeyay kordhayay sarifka suuqa madaw. Dhanka kalena, madaxwaynaha Bangigga Itoobiya ayaa maalmo kahor sheegay in lacagta Birta qiimaheda soo ceshan doonto Bilaha soo socda.

27/10/2025
Masuul Cabdirisaaq sheekh qaasim waa shaqsi aad u dun wanaagsan oo daacadnimo iyo karti ku suntan."Aniga ahaan Abdurizek...
26/10/2025

Masuul Cabdirisaaq sheekh qaasim waa shaqsi aad u dun wanaagsan oo daacadnimo iyo karti ku suntan.

"Aniga ahaan Abdurizek sheikh kasim, waxa uu ahaa macalinkaygii dugsiga Allaha xiftiyo,e waa Masuul shaqooyin wanaagsan u haya bulshada gobolka faafan oo dhan.

25/10/2025

"Biyo ma haysano, wax Barkadda ama ceel ah oo aanu xilliga jiilaalka ka cabno malaha, dad iyo xoolaba oon-baa na dilay. Barkad sibdhan oo aan ku arroorno majirto. Adhigeeni Oonba dhameeyay. Maqasha uma godladaan isagana dhogorta ka daaddata. Dhul masno leh ma joogno, oo qari iyo kulayl ayaan joogna. Imika iyo haatana xoolihii cuddur baa naga galay oo daawo ayay u baahan yihiin."

"Ubadkayagii addeeg waxbarasho ma haystaan siddoo kalena xarruntii caafimaadka ee qabalaha lagu dhisay wax adeega ma bixiso oo way iska xidhan tahay, Xarrunta Cafimadka hal Faaslin k**a helno. Ilmihi naga bukooda Qabribayax ama Jigjiga ayaa la geeyaa. Dowladdu biyo,Caafimad iyo adeega kale hanalla
soo gaadho."

"Haddana, sannad kasta waxaan bixinaa dakhli imikana weli diyaar baan u nahay, in aan bixino dakhliga, ee waa in dowladdu shacab kayagan wax u qabto."

Waxaa sidaasi tidhi Hooyo Soomaaliyeed oo ka hadlaysay xaalka qabalaha Addaadi ee Degmada Qabribayax

23/10/2025

E-Sahal Wallet Addeeg Hufan oo Casri ah!

Marka laga eego dhanka tayada adeegyada iyo la jaanqaadka tiknoolajiyadda maanta, adeega sE-Sahal Wallet ay bixiso" waa mid si weyn uga dhex ifaya suuqyada adeegyada maaliyaddeed ee deegaanka Soomaalida. waa adeeg casri ah oo la jaanqaadaya isbeddelka dunida, laguna kalsoonaan karo.

Ma jirto shirkad gabi ahaanba uusan qalad ka dhicin balse waxaa lagu qiimeeyaa hadba sida ay uga jawaabto khaladaadkaas, waxna uga barato si ay u horumariso adeegeeda.

E-sahal Wallet: Waxay tusaale u tahay hufnaan iyo daahfurnaan adeegyada maaliyadeed ee ka jira deegaanka, iyadoo wax kabedeshay habka bulshada ay ula macaamilaan lacagaha dijitaalka ah.

Ma jirto adeeg aan ku doorsaneyno, adeega loo bogay ee shirkadda "Sahal microfinace" marka aad eegto addeega E-sahal wallet. waa Adeeg Hufan oo tayo sare leh isla markaasna la Jaan-qaadaya Dunida casriga ah iyo Teknoolagiyada Maanta

Adduunka meelna k**a jirto shirkad macsuun ah oo uusan qalad ka dhici karin, systemkeeda laakiin cashir iyo cibro hor leh uun baa laga sii bartaa.

Bulshooyinka caalamka, ciddii adeeg muhiim ah bulshadda ku soo kordhisa waa la dhiirri-geliyaa waa la gacan qabtaa si uu addeegaasi u noqdo mid bulshada waxtar u yeesha.

Mida kale haddii ay shirkado kale oo la mid ahi ay suuqyada ganacsi ku jireen: waa in tartanku ku salaysnaado hal-abuur iyo addeeg tayeysan halkii uu noqon lahaa isbaaro ama mid lagu hor istaagayo kobaca iyo dadaalka shirkadaha kale.
ee soo biirra.

Ganacsiguna maaha meel la isku rakaateeyo ee waa meel la isku garab istaago oo khibrado, iyo waaya-aragnimo la is dhaafsaddo, si loo gaaro adeeg bulsho oo wanaagsan.

Xigasho: Jimcaale Bulle.

Address

Bureau Of Social Services
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustafe Muhammed Abdi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mustafe Muhammed Abdi:

Share