27/11/2020
SHEEKADII DHEXMARTAY NINKII KALUMAYTAHA AHAA IYO CIRFIITKII SANDUUQ MAXBUUS KU AHAA
Cifriitkii ayaa yiray anigoo halkaan maxbuus ku ah kaagama sheekeyn karo ee iga fur oo iga bixi halkaan anigana waan kaaga sheekeyne waxaana igu ballan ah inaan waxba ku yeelin balse taas badalkeeda faa,iido kuu noqdo”
Laakiin odaygii uu ka diiday wuxuuna yiri hadaad markii h**e idhaafi laheyd dhibkaan dhan ma imaadeen marka anigana aamin kuguma qabo.
Cifriitkii ayaa markaas ubalan qaaday inuusan waxba yeeli doonin asigoo ugu dhaartay inuu faraha ka qaadi doono.
Markii ballantaas qaaday ayuu odaygii go,aansaday inuu ka furo meeshuu ku xirnaa asigoo ballantaas isku haleynaya wuuna ka furay, laakiin markuu jinkii meeshii kasoo baxay ayuu inta sanduuqii qabtay bada moolkeeda ku tuuray.
Odaygii kalluumeysatada ahaa ayaa isku naxay wuxuuna isdhahay tan calaamad kheyr leh ma ahan in la dilaayana wuu yaqiinsaday markaas ayuu cifriitkii ku yiri ” cifriityahow allaah wuxuu yiri ballanta hala oofiyo anigana waxaad iga ballan qaaday inaadan waxba iyeeli doonin ee iska key sii daa”
Markaaas ayuu cifriitkii qoslay wuxuuna ku yiri kalluumeysatadii isoo raac wuuna waday siduu uwaday ayuu wuxuu geeyay meel magaaladii ka baxsan oo ay ku taalo barkad biyo ku jiraan wuxuuna jinigii odaygii ku dhahay shabaqaaga barkadaan ku tuur wuuna ku tuuray mise waxaaba kasoo baxday afar kalluun oo kala midab ah kalluunkastana midab gooni ah ayuu wataa noocooda oo kalana horay uma uusan arkin, odaygii kalluumeysatada ahaa aad ayuu ula yaabay arintaas markaas ayuu cifriitkii yiri ” maalinkasta halmar shabaqaaga ku tuur wixii kuusoo baxana qaado kadibna boqorka magaalada kalluunkaas ugey wuxuu kaa siisan doona qiimo aad ufiicane qofna ha usheegin wixii na dhexmareay iyo meeshaan aad kaluunka ka dabataba”
Kadibna cifriitkii lugtiisa ayuu dhulka ku garaacay weyna kala dilaacday asigoona dhex galay.
Ninkii odayga ahaa sidii ayuu yeelay oo kaluunkii ayuu qaaday wuxuuna ugeeyay boqorkii magaalada kadibna boqorkii aad ayuu ula yaabay kalluunkaan cajiibka ah ee aan noociisa horay loo arkin wuxuuna amray in odaygii lacag fiican la siiyo sidii ayaana lagu siiyay, kadib boqorkii wuxuu kalluunkii udhiibay waziirkii dhanka cuntada qasriga uqaabilsan asigana wuxuu usii dhiibay jaariyad boqortooyada ku cusbeyd oo markaas uu boqorka roomaanka usoo hadiyeeyay.
Markaas ayay jaariyadii kalluunkii qaaday oo jigadii geysay markii ay dabkii saartay ayaa waxaa daaqada jikada soo istaagtay gabar jini ah oo aad ulabisan waxayna dhahday ” kalluunyahow wali ma ballantii ayaad kujirtaa??” markaas ayuu kalluunkii inta madaxa soo qaaday yiri HAA.
gabadhii jaariyada markey aragtay arintaas ayay suuxday.
Markaas ayay gabadhii markey soo naaxday aragtay kaluunkii oo gubtay iyadoo naxsan ayaa waxaa uyimid waziirkii wuxuuna ku yiri aaway kaluunkii?? markaas ayay jaariyadii uga warantay waxay aragtay oo dhan.
Wasirkii ayaa yaabay wuxuuna uwacay ninkii kalluumeysatada ahaa wuxuuna ka dalbaday in afartii kalluun kuwa lamid ah markale keeno, markaas ayuu ninkii kalluumeysata ahaa baxay oo barkadii tagay wuxuuna soo dabay kalluunkii asigoona ukeenay wasiirkii.
markaas ayuu waziirkii kalluunkii udhiibay jaariyadii asigoona ku yiri bal toogtaan anigoo ku arkaayo kari.
Markaas ayay jaariyadii kalluunkii qabatay oo dabkii saartay balse markey dabkii saartay ayaa waxaa sidii h**e oo kale daaqada jikda soo istaagtay gabadhii jinka aheyd iyadoo kalluunkii ku tiri “kalluunyahow wali ma ballantii horaad kujirtaa?”
markaas ayuu kalluunkii inta madaxa kor usoo qaaday yiri HAA HAA.
LASOCO SHEEKADA QAYBTA XIGTA