
22/09/2024
Soo Koobidd Buugga Faca Koraya
Haddii eebe idmo, waxa aan halkan ku soo koobaynaa fariinta iyo dhanbaalka uu xambaarysan yahay, buugga faca koraya ee uu qoray Axmed Inbu Yuusuf Assayed, buuggaas oo asalkiisa lagu qoray af-carabi, eebe ajir iyo xasanaadna ha ku abaal mariyee uu af-keenna hooyo innoogu rogay, (turjumay) walaalkeen Aadan-Sahan.
Alkumida dhiganahaan waxa uu salka ku hayaa fariin loo soo diray qoraaga buugga, fariintaas oo ka timid mid ka mid ah jiilka faca koraya, kadib markii uu ku jah-wareeray halka uu usocdo, ka uu yahay, meesha uu ka yimidd, iyo bartii uu wax ka bilaabi lahaa, isaga oo dareensan in ay haysto xalaad isku dhax-yaac ah oo dhan walba leh, mid diin iyo mid maadiba, markii aad si maangal ah, maskax fayow, iyo garaad hufan u dheehato fariintaan, waxa aad is dhahaysaa; tallow aniga miyaa diray fariintaan?. Waxa aan sidaas u leeyahay waa; wax walba oo fariintaas lagu sheegay waa wax si toos ah inoo taabanaya ama aan ku suntannahay xaaladdaan la tagaan yahay, waa dareen qof walba oo innaga mid ah uu la nool yahay.
Dhanbaalkii fariinta
……………………………
Waxa aan ka tirsanahay lood badiba qaab nololeedkiisu yahay madadaalo liidata sida; kutiri-kuteenka, dheel, filimaan, kubbad iwm. Diin ahaanna ka taag daran oo qaarkayo aanay tukanba, inta tukataana ay jimcaha uun masjidka tagaan. Aqoon ahaan ay jaahilnimo xeeldheer ay hadhaysay, hiigsi uu beegsanayo oo ku raadjoogana aan lahayn, nolasha adduunna dhaldhalaalkeedu uu indhadiraandiriyay. Loodkaas kuma uu hana qaadin goobaha kor kaqabashada (xifdinta) quraanka, waayihii wax akhriska ugu danbaysana waa dhallaanimadii dhiganayaashii caruurta, ama sheeko faneedyo uu yaraantiisii dheehday…………………
Markii aad akhrisay ama dheehatay gabal kamid ah dhambaalkii siday fariinta; waxaa kuu soo baxaysa waxa laga hadlayo in uu yahay faca koraya ee jiilkeenna maanta, waxa uu yiri qoraaga buuga “innaga oo qodobkaas ka duulayna haddii aynu tijaabino isu soo dhawaynta xiliyadada kala xadidayada faca koraya iyo loodkii tagay. Faca koraya waa inta dhalashadooda ay kasoo bilaabanto 1997 G.C, waxa aynu uga shidaal qaadanaynaa in xilligii hana qaadkoodu uu kusoo beegmay waayihii hinqadshada kacaankii baraha bulshada iyo abkoranteedku.”
Jawaab celinta dhambaalkii siday fariintaan oo dabcan uu qoraaggu ka allifay buuggaan, waxa uu sees uga dhigay toban (10) qodob, waxa ay qodobadaas huga-tusaalayn u yahay jiilka faca koraya ee doonaya in ay ku suntanaadaan toosnaan, kuwaas kala garanaya ama ay u kala caddahay dariiqa saxda ah ee ay toobiyaynayaan.
1. Haka cabsan guuldara
Qodobkaan waxa uu qoraagu ku qaadaadhigayaa waxa ay tahay guuldaro, isaga oo soo xiganaya dhacdooyin diini ah, oo uu Alle wayne innoogaga waramay qur’aanka, waxa uu leeyahay qoraaggu “in aad guul daraysataa ayaaba ah guusha”. Nabi Nuux calayhi salaam tolkiisa ayuu diinta iyo dacwada ugu yeedhay, yeedhitaankiisa uu dacwada ugu yeedhayay tolkiisa waxa ay qaadatahay muddo dhan kun sano (1,000) oo kontan sano (50) la’. Gabagabadii iyo gunaanadka midho dhalkii yeedhmadiisa ma aysan soo kardhin wax aan ka ahayn in ay tolkiisa sii fogaadaan ma ahane, mana aysan rumaynin Nuux inyar mooyaane, mar uu ilaahay scw Nabi Muxammed u qalbi qaboojinayay waxa uu ku yidhi; usamir Muxammadow csw, sidii ay usamreen rusushii go’aanka usaaxiibka ahaa, rusushu u saaxiibka ahaa go’aan adaygga waxaa kamid ahaa Nabi Nuux, darajadaas waxa uu ku hantiyay hal adayg iyo dulqaad, dadaalkii aan kala go’a lahayn ee habeen iyo maalin muddada kunka sano iyo inta rumaysay nabi nuux callaysi salaam laguma tilmaamin guuldaro, bal’e mudnaan waxaa la siiyay ah in uu ku suntan yahay Nuux callayhi salaam go’aan iyo mayal adayg.
Haddaba qoraagu waxa uu ina leeyahay, u samee qeexitaan guuldarada, waxa aad rabto in aad hiigsato ku dhaganow, guntana u dhuujiso ka dhabayntiisa, adduunkaada kali ahna ha is kugu gaynin tamartaada oo dhan ee, eegmana u lahow daarta danbe ee nagaanshiyaha, ha raadcaynin dhamaystirnaan in aad arinkastaa kuugu qabsoomto sida ugu saxsan, waad ambadi ama gafi kartaa se muhiimadu waa in aad dadaashaa wixii aad seegtaana kabaro cashir, lahow qorshayaal kugu hagaya guushaada.
Lasoco qaybta labaad…
W/Q: Deeq Cabdi