
10/08/2025
Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh
Ugu horrayn, aniga oo ku hadlaya magaca bulshada aan matalo, waxaan halkan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha deegaanka dadaalka iyo shaqada uu ka wado horumarinta deegaanka, gaar ahaan arrimaha nabadda, Qaab-dhismeedka cusub, iyo isku xirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa, taageerada madaxweynaha uu u muujiyay bulshada iyo garashada uu noo gartay maamul magaalo dhabtii taariikhta ayaa ku xusi doonta madaxweyne mudane: mustafe muhumed Omer.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo mahadnaqaan jiro, waxaan rabaa in aan cabiro tabasho ay bulshada aan matalo ka qabto arrimo muhiim ah. Muddo dheer ayay ku naawilayeen in ay helaan degmo u madaxbanaan xaqna ay u lahaayeen balse mudane madaxweyne garashadii aad bulshada u garatay degmada/maamulmagaalada waxaa ilaa hada jeebka ku wata labada masuul ee ugu saraysa beesha ee kala ah
1: mahamed mahdi[madax xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDS]
2:Dahir mahamed Tuluh [lataliyaha madaxweyne ku xigeenka]
iyaga oo ka dhex arkaya cimri dherer siyaaaadeed ka raadinaya.
Waxaa kale oo jirta in codka iyo talada bulshada mararka qaar si ku filan looga qaybgelin go’aannada heer magaalada, taas oo keentay in dareen dayac ah uu ka dhex abuurmo bulshada Dhexdeeda.
sidoo kalle iyaga si cad u diiday Gogoshii waxgaradka beesha ay u fidiyeen.
ugu danbayn waxaan rajaynayaa in hadalkan loo qaato si togan oo lagu wanaajinayo wada shaqaynta dawlada iyo shacabka laguna dhiso kalsooni iyo midnimo magaalada.
waad mahadsan tihiin
xigasho:xildhibaan Hajji