26/05/2023
Deyn Cafinta Kadib: Fursadaha iyo Caqabadaha Dhaqaale
Bishii Maarso ee sanadkii 2020 kii, Soomaaliya waxay soo gaartay marxaladda kowaad oo ah mid ka mid ah labada marxaladood ee hannaanka deyn cafinta (HIPC). Hannaanka HIPC waxaa loo dejiyey in waddamada Soomaaliya oo kale ah in deynta looga cafiyo. Marxaladda kowaad (decision point) oo lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto hannaanka HIPC waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kasoo gudubtay shuruudihii horudhaca u ahaa deyn cafina sida maamulka wanaagga dhanka mashaariicda IMF ta iyo kuwa kale. Marxaladaas kadib, Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay fuliso dhammaan shuruudaha deyn cafinta si Soomaaliya ay u gaarto marxaladda labaad (Completion point). Haddii ay Soomaaliya soo gaarto marxaladda labaad taas oo la filayo dhammaadka sanadka 2023, Soomaaliya waxaa laga cafin doonaa inta badan deyntii lagu lahaa oo gaaraysay USD 5.2 Billion.
Tan iyo bilowgii howsha deyn cafinta, madaxda Soomaaliyeed waxa ay mudnaanta kowaad siiyeen oo kaliya qaabka loo fulin lahaa shuruudaha (ama soo jeedinta) hey’adda IMF ta. Taasi waxaa loo fasiran karaa in Soomaalidu ay u arkaan arinta deyn cafinta caqabadda kaliya ee dhaqaale ee Soomaaliya ka jirtay sanadihii dambe. Waxaa kale oo ay ka dhigantahay in aan waqti badan la gelin caqabadaha kale sida yarida wax soo-saarka iyo dakhliga gudaha kuwaas oo ka dhigay Soomaaliya dal aan isku filnayn oo ku tiirsan taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka oo bixisa wax ku dhow boqolkiiba lixdan (60 %) miisaaniyadda dowladda. Arimahaas waxay ku tusinayaan in Soomaalida ay si horudhac ah ugu dabaal degayaan guusha deyn cafinta, iyaga oo aan muuqaal ku filan ka heysan deyn cafinta kadib.
Deyn cafinta kadib, waxaa suurtagal ah in la arko isbedello dhaqaale kuwaas oo isugu jira fursado iyo caqabado. Dhanka fursadaha (ama faaidooyinka), Soomaaliya waxa ay ka faa’idaysaa laba arimood. Midda kowaad, Soomaaliya waxaa loo arkayaa dal sameeyay dib-u habayn dhaqaale una hogaansamay talooyinkii IMF ta. Arintaas waxay kor u qaadaysaa sumcadda Soomaaliya ee dhanka maamul maaliyadda iyo dhaqaalaha sababta oo ah warbixinada IMF ta waxay saameyn xooggan ku leeyihiin go’aamada waddamada. Midda labaad waxaa weeye Soomaaliya waxa ay fursad u heli doontaa in ay deyn ka qaadato waddamada iyo hey’adaha caalamiga ah. Labadaas fursadood waxay ka mashquuliyeen Soomaalida in ay qiimeeyaan caqabadaha dhaqaale ee imaan kara deyn cafinta kadib.
Dhanka kale, deyn cafinta kadib Soomaaliya waxa ay la kulmi kartaa dhowr caqabadood. Laakiin, waxaan doonayaa in aan kula wadaago labada ugu muhimsan. Midda kowaad, deyn cafinta kadib waxaa suurtagal ah in qaar ka mid ah waddamadii iyo hey’adii siin jiray Soomaaliya taageero dhaqaale ay hakiyaan ama yareeyaan taageeradii kana dalbadaan Soomaaliya in ay deyn qaadato sababta oo ah waxaa isbedelaya muuqaalka dhaqaale ee Soomaaliya. Deyn cafinta ka hor Soomaaliya waxaa loo arkayey dal aan deyn qaadan karin oo la hardamaya duruufo dhaqaale halka deyn cafinta kadib loo arki karo dal wax la deymin karo.
Midda labaad, waxaa laga yabaa in lasoo qaado deyn cusub. Haddii deynta cusub aan loo adeegsan kobcinta wax soo-saarka gudaha iyo meelaha waxtarka u leh dalka iyo dadka waxay keeni kartaa in Soomaaliya mustaqbalka dhow lagu yeesho lacag badan. Taasi waxay saameyn kartaa siyaasadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Ogow, deynta hadda taagan inta badan waxaa loo soo qaaday in mashaariic horumarineed lagu fuliyo laakin mashaariicda sidii la qorsheeyey uma fulin.
Gunaanadka
Inkasta oo aan aaminsanahay in howsha deyn cafinta ay tahay howl muhim u ah Soomaaliya, haddana waxaan dareemayaa in la siyaasadeeyey howsha deyn cafinta iyo in Soomaalida aysan faham ku filan ka haysan deyn cafinta kadib gaar ahaan caqabadaha dhaqaale ee imaan kara. Inta badan, Soomaalida waxaa u muuqda oo kaliya fursadaha, taas oo ka mashquulisay madadxda in ay ka fekeraan howlaha hortabinta u leh dhaqaalaha sida kobcinta iyo horumarinta wax soo-saarka iyo dakhliga gudaha, xakameynta soo dejinta (Imports), hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta kaalinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, shaqaalaysiinta, iyo kuwa kale. Waxaan soo jeedinayaa in waqtiga la geliyey deyn cafinta mid la mid ah la geliyo kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha.
Adiga deyn cafinta kadib, maxaa kuu muuqda? Waa maxay fursadaha iyo caqabadaha imaan kara deyn cafinta kadib?
Mahadsanid.
Waxaa qoray: Dr. Ahmed Khadar Abdi Jama