AMB TV

AMB TV New,Sports and Entertainmet

26/05/2023

Deyn Cafinta Kadib: Fursadaha iyo Caqabadaha Dhaqaale

Bishii Maarso ee sanadkii 2020 kii, Soomaaliya waxay soo gaartay marxaladda kowaad oo ah mid ka mid ah labada marxaladood ee hannaanka deyn cafinta (HIPC). Hannaanka HIPC waxaa loo dejiyey in waddamada Soomaaliya oo kale ah in deynta looga cafiyo. Marxaladda kowaad (decision point) oo lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay qeyb ka noqoto hannaanka HIPC waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay kasoo gudubtay shuruudihii horudhaca u ahaa deyn cafina sida maamulka wanaagga dhanka mashaariicda IMF ta iyo kuwa kale. Marxaladaas kadib, Soomaaliya waxaa laga doonayaa in ay fuliso dhammaan shuruudaha deyn cafinta si Soomaaliya ay u gaarto marxaladda labaad (Completion point). Haddii ay Soomaaliya soo gaarto marxaladda labaad taas oo la filayo dhammaadka sanadka 2023, Soomaaliya waxaa laga cafin doonaa inta badan deyntii lagu lahaa oo gaaraysay USD 5.2 Billion.

Tan iyo bilowgii howsha deyn cafinta, madaxda Soomaaliyeed waxa ay mudnaanta kowaad siiyeen oo kaliya qaabka loo fulin lahaa shuruudaha (ama soo jeedinta) hey’adda IMF ta. Taasi waxaa loo fasiran karaa in Soomaalidu ay u arkaan arinta deyn cafinta caqabadda kaliya ee dhaqaale ee Soomaaliya ka jirtay sanadihii dambe. Waxaa kale oo ay ka dhigantahay in aan waqti badan la gelin caqabadaha kale sida yarida wax soo-saarka iyo dakhliga gudaha kuwaas oo ka dhigay Soomaaliya dal aan isku filnayn oo ku tiirsan taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka oo bixisa wax ku dhow boqolkiiba lixdan (60 %) miisaaniyadda dowladda. Arimahaas waxay ku tusinayaan in Soomaalida ay si horudhac ah ugu dabaal degayaan guusha deyn cafinta, iyaga oo aan muuqaal ku filan ka heysan deyn cafinta kadib.

Deyn cafinta kadib, waxaa suurtagal ah in la arko isbedello dhaqaale kuwaas oo isugu jira fursado iyo caqabado. Dhanka fursadaha (ama faaidooyinka), Soomaaliya waxa ay ka faa’idaysaa laba arimood. Midda kowaad, Soomaaliya waxaa loo arkayaa dal sameeyay dib-u habayn dhaqaale una hogaansamay talooyinkii IMF ta. Arintaas waxay kor u qaadaysaa sumcadda Soomaaliya ee dhanka maamul maaliyadda iyo dhaqaalaha sababta oo ah warbixinada IMF ta waxay saameyn xooggan ku leeyihiin go’aamada waddamada. Midda labaad waxaa weeye Soomaaliya waxa ay fursad u heli doontaa in ay deyn ka qaadato waddamada iyo hey’adaha caalamiga ah. Labadaas fursadood waxay ka mashquuliyeen Soomaalida in ay qiimeeyaan caqabadaha dhaqaale ee imaan kara deyn cafinta kadib.

Dhanka kale, deyn cafinta kadib Soomaaliya waxa ay la kulmi kartaa dhowr caqabadood. Laakiin, waxaan doonayaa in aan kula wadaago labada ugu muhimsan. Midda kowaad, deyn cafinta kadib waxaa suurtagal ah in qaar ka mid ah waddamadii iyo hey’adii siin jiray Soomaaliya taageero dhaqaale ay hakiyaan ama yareeyaan taageeradii kana dalbadaan Soomaaliya in ay deyn qaadato sababta oo ah waxaa isbedelaya muuqaalka dhaqaale ee Soomaaliya. Deyn cafinta ka hor Soomaaliya waxaa loo arkayey dal aan deyn qaadan karin oo la hardamaya duruufo dhaqaale halka deyn cafinta kadib loo arki karo dal wax la deymin karo.

Midda labaad, waxaa laga yabaa in lasoo qaado deyn cusub. Haddii deynta cusub aan loo adeegsan kobcinta wax soo-saarka gudaha iyo meelaha waxtarka u leh dalka iyo dadka waxay keeni kartaa in Soomaaliya mustaqbalka dhow lagu yeesho lacag badan. Taasi waxay saameyn kartaa siyaasadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Ogow, deynta hadda taagan inta badan waxaa loo soo qaaday in mashaariic horumarineed lagu fuliyo laakin mashaariicda sidii la qorsheeyey uma fulin.

Gunaanadka

Inkasta oo aan aaminsanahay in howsha deyn cafinta ay tahay howl muhim u ah Soomaaliya, haddana waxaan dareemayaa in la siyaasadeeyey howsha deyn cafinta iyo in Soomaalida aysan faham ku filan ka haysan deyn cafinta kadib gaar ahaan caqabadaha dhaqaale ee imaan kara. Inta badan, Soomaalida waxaa u muuqda oo kaliya fursadaha, taas oo ka mashquulisay madadxda in ay ka fekeraan howlaha hortabinta u leh dhaqaalaha sida kobcinta iyo horumarinta wax soo-saarka iyo dakhliga gudaha, xakameynta soo dejinta (Imports), hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta kaalinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, shaqaalaysiinta, iyo kuwa kale. Waxaan soo jeedinayaa in waqtiga la geliyey deyn cafinta mid la mid ah la geliyo kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha.

Adiga deyn cafinta kadib, maxaa kuu muuqda? Waa maxay fursadaha iyo caqabadaha imaan kara deyn cafinta kadib?

Mahadsanid.

Waxaa qoray: Dr. Ahmed Khadar Abdi Jama

Doorashadda Turkiga Maalinta berri ah wadanka turkiga waxaa ka dhacaayo doorashada guud ee dalka, Doorashada sanadkaan w...
14/05/2023

Doorashadda Turkiga

Maalinta berri ah wadanka turkiga waxaa ka dhacaayo doorashada guud ee dalka, Doorashada sanadkaan waxeey ka badalan tahay doorashooyinkii h**e ee la soo dhaafay, weeyna ka xamaasad badan tahay sida la wada ogyahay, 20-kii sano ee la soo dhaafay doorashooyinka dalkaas waxeey ahaayeen kuwa aan sidaas u buurneyn balse tan berri weey ka duwan tahay, Doorashadda waxaa ku tartamaayo Erdogan oo ka socda xisbiga talada haayo ee AK Party Iyo Kamal Kilishdaar ooglu oo ka socda xisbiga CHP, labadaan nin waxeey ku tartameen ilaa 5 Doorasho balse su’aasha waxeey tahay maxaa is-bedalay sanadkaan

Waxaan aad ula socday afartii doorasho ee ugu danbeeyay ee dalkaas ka dhacday, Doorashadda sanadkaan waxaa ku tartamaayo labbada nin ee aan kor ku xusay ee Erdogan iyo Kamal Ooglu balse doorashadda waxeey ka dhaxeysaa Saaxiibkii h**e ee Erdogan Ra”iisul Wasaarihiisa h**e ahna Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Axmed Daa’uud Ooglu oo ah shaqsiga tiir dhexaadka u ahaay Siyaasadii Erdogan ee 20 sano ee la soo dhaafay, Axmed Daa’uud Ooglu waxeey Erdogan isku dhaceen sanadkii 2016 waxuuna xiligaas ahaay Ra”iisul wasaaraha dalkaas, khilaaf dhowr todobaad ka dhex jiray ugu danbeyn Axmed Daa’uud oogle waxuu iska casilay xilkii Ra”iisul Wasaare, sanadkii 2019-kana Xisbigii AK party ayuu iskaga baxay.

Hayaankii Oogle uu iskaga hayaamay xisbiga AK Party waxeey dhabar jab weeyn ku noqotay guud ahaan Xisbiga AK Party ee Erdogan ka tartamo, arrinka dhabar jabka ku keennay Erdogan iyo Xisbigiisa AK party waxuu salka ku haayaa afkaarta ka jirta bulshadda turkiga dhexdeeda taas oo ah Cilmaaniyiinta iyo Islaamiyiinta, Xisbiga AK Party waxuu mar walbo heli jiray codadka dadka islaamiyiinta ah ee aaminsan nidaamkii Cismaaniyiinta halka Xisbiga CHP uu codka ka helo Turkida Cilmaaniyiinta ah ee aadka u aaminsan nidaamkii Mustafa Kemal Ataturk, Daa’uud Ooglu oo u janjeero dhinaca islaamiyiinta kana mid ahaay kawaadiirtii AK Party waxuu sameystay xisbi Future Party la dhaho Siyaasiyiin farabadan oo isaga ku aragti ahaayna waxeey galeen xisbigiisa iyagoo iskaga tagay AK Party, Siyaasiyiintii isaga ku aragtida noqday AK party iyo Erdogan ka tagay waxaa ka mid ah Safiirkii h**e ee Turkiga u fadhin jiray Soomaaliya Jamaludin Kani Turan oo xildhibaan noqday markuu Safiirnimada ka tagay.

Ahmed Daa’uud Ooglu waxuu bilaabay abaabul uu iskugu diyaarinaayo innuu la dhigto Erdogan iyo Saaxibadiis h**e ee AK Party balse mar dhaweyd ee uu Erdogan kaarta bedashay oo uu Doorashadii dalka soo horumariyay ayuu isagana dib u gurasho sameeyay, waxuu isla markiiba abaabulay xisbiyadda dalka ka jira oo dhan waxuuna ka gaday fikir ah in AK Party iyo Erdogan la isku baheysto doorashadana lagu galo is-baheysi, Codadka taageerayaasha xisbiyadana la aruuriyo sidaasna hal Musharax loogu tanaazulo, balse xisbiyada inneey kuraasta Xildhibaanada, Maayarada iyo Golayaasha deegamada in xisbi ahaan loo tartamo oo Xisbi Walbo musharaxiintiisa soo tartamaan, Fikradaas oo aheyd mida kaliya ee looga hortagi karo Erdogan waxaa fursad u arkay Reer Galbeedka oo in badan gacan saar la lahaay Xisbiyada kale ee ka soo horjeeday Erdogan iyo Islaamiyiinta, halkaas waxaa lagu dilay Daa’uud ooglu iyo damaciisa, isbaheysigii xisbiyada waxeey isku raceen in loo tanaasulo Kemal Kilishdaar Ooglu.

Dadka falaanqeeyo Siyaasada Turkiga waxeey u badinayaan in Erdogan si dirqi ah ku adkaan doono doorashada sanadkaan maadaama taageerayaasha Daa’uud Ooglu ee islaamiyiinta ah aysan marnaba Cod siineynin shaqsi aaminsan afakaartii cilmaaniyada ee Ataturk.

Waxaa qoray: Cismad Aynte

Wixii ka dambeeyey dagaal kii koowaad iyo kii labaad waxa ay dunidu ku baraarugtay qatar weyn oo loogu magac daray maska...
29/04/2023

Wixii ka dambeeyey dagaal kii koowaad iyo kii labaad waxa ay dunidu ku baraarugtay qatar weyn oo loogu magac daray maskax haajir (Brain drain), oo ah in dalalkii dagaaladu saameeyeen ay ka haajireen dadkii dalkaas wax u bartay, kuwaas oo xirfadihii ay dalkooda iyo dadkooda ugu shaqeyn lahaayeen la aaday wadamadii ay u guureen.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa jiray u kuur gal gaar ah iyo cilmi baarisyo arrintaas la xariira oo si joogto ah loo sameyn jiray, waxaana si gaar ah isha loogu haayey maskax qulqulka ku socda Wadamada hormar ahaan iyo nabad ahaan hooseeya. Waxey cilma barisyada qaar sheegayaan in 1960 kii ilaa 2010 ay wadamada hormaray ay usoo haajireen dad gaaraya 214 million, kuwaas oo soo banneeyey dalalkoodi iyagoo weliba xambaarsan maskax, aqoon iyo xirfado gaar ah oo ay lacago ku bixiyen dowladahoodii, ayna ubaahnaayeen shucuubtoodii.

Wixii intaas ka dambeeyey way sii kordheysay tirada Maskax qulqul ku, waxeyna sheegtay hay’adda muhaajiriinta adduun ka ee IOM in sanad kii 2019 keliya wadamada Carbeed ay ka haajireen 24 kun oo dhaqtar, 17 kun Enginer iyo 75 kun oo ku takhasusay cilmiga sayniska.

Wadamada cilladaan la daala dhacaya waxaa hoggaaminaya bariga dhexe, Aasiyada fog iyo wadamada saxaraha ka hooseeya oo ay ku jirto Soomaaliya. Sida arrintaan dowladaha kala duwan ay u saameysay, waxaa lagu cabiraa halka dalkaas ku yaallo, luuqaddiisa, tirada guud ee dadkiisa iyo tirada uu ku leeyahay muhaajiriinta dunida kale aaday.

Haddaba waxyaabaha dalkeena inuu markale cagahiisa ku istaago rejadeeda sii fogeynaya waxaa ugu weyn tirada maskax iyo caqli dibadda nooga haajirtay misana aan rejo dhaw laga qabin iney soo noqdaan, haddaan loo helin siyaasad lagu maareeyo iyo wacyi ku filan oo soo celiya.

Haddii dalkeena oo dadkiisuba yaryihiin ay tirada ugu badan dibadda nooga maqantahay, meeqa ayey la ekaan karaan dadka leh aqoonta maanta dalkeenna iyo dadkeennu la nuuxsan la’yihiin sida takhaatiirta, sharciyaqaanada, Enginerada, barayaasha iyo xirfadlayaasha kala duwan ee dibadda nooga maqan.

Inagoo intaas dunida la wadaagna misana inaga waxaa innoo dheer maskax guur gudaha ah, kaas oo ah in intii dalka joogtay intii ugu kartida rooneed iney hay’adaha sida UN ku shaqeeleysteen, waayo iyagaa ah cidda keliya ee awoodda mushaarkooda.

Dowladdeenna, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo xarumaha waxbarashadu ma bixin karaan mushaarka ay u qalmaan dadka kartida iyo xirfadaha gaarka ah leh, sidaas darteed waxey tagaan hay’adaha, halkaas na waxaa ku baaqda xirfaddii iyo maskaxdii dadkaas iyagoo gudaha dalka jooga ay uga faa’iideyn lahaayeen ummaddooda.

Tani waa sababta ugu weyn ee dalku meelna uga dhaqaaqi la’yahay dhankasta, waxaana looga hortagi karaa keliya in la helo siyaasad dowladeed oo xooggan oo dadkaas lagu soo dabayo, loogana faa’iideysanayo in la dhaqan geliyo, sidoo kale wacyi iyo dareen ku dhex celiya goobaha bulshada.

Soomaaliya markii dowladdii burburtay, keliya nidaam kii meesha k**a bixin, ee sidoo kale waxaa dalkii isaga haajiray intii ugu badneed intii aqoonta lahayd, waana sababta keentay in ay isku haraan Jamhadihii iyo danyartii magaaloyin ku.

Si aad meel dhaw uga aragto saameynta ay leedahay qatarta maskax qulqul ku, bal is weydii sababta magaalada Muqdisho iyo magaaloyin ka kale ee dalku u kala fog yihiin dhaqaale ahaan iyo nolol ahaan, sababtu waa in dad kii waxbartay ee magaaloyin kaas dagana dhooban yihiin Muqdisho iyo magaaloyin ka waaweyn ee la mid ka ah.

Royal

15/04/2023
15/04/2023

Sida ay ku warramayso wakaalada wararka ee Reuters, ciidanka Birmadka ee dalka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen xaruuntii madaxtooyada iyo garoonkii diyaaradaha ee magaalada Khartuum.

Sawirro laga soo qaaday gudaha Madaarka ayaa muujinaya rag ka tirsan ciidanka RSF oo gudaha ugu jira garoonka magaalada Khartuum.

Xiisadda ayaa weli ah mid kacsan waxana socota is rasaasaynta labada dhinac.

MW DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Ti...
13/04/2023

MW DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Kismaayo kulan kula qaatay safiir ku xigeenka Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trenkle oo safar shaqo ku tagey Jubaland.

Ma tahay qareen raadinaya hab wanaagsan oo uu ku helo macaamiil badan? Hadaba suuqgeynta  digital-ka ah ayaa kuu noqon k...
12/04/2023

Ma tahay qareen raadinaya hab wanaagsan oo uu ku helo macaamiil badan? Hadaba suuqgeynta digital-ka ah ayaa kuu noqon karta xalka ugu fiican.

Hadaba hadaad dooneyso faah-faahin intaas ka badan fadlan booqo website kaan adoo gujinaya link-ga hoose.

Take your legal practice to the next level with digital marketing for lawyers. Learn the best ways to reach your target audience and gain more clients.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay dhammaan hay’adaha Dowladda in iyaga oo raacaya talooyinkii hor...
11/04/2023

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa ku wargaliyay dhammaan hay’adaha Dowladda in iyaga oo raacaya talooyinkii horay loo siiyay ay saxaan khaladaadkii lagu soo bandhigay Warbixinta Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga ee la sii daayay 2022.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw ka soo dagay Garoonka diyaa...
11/04/2023

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw ka soo dagay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, Waxaana soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaliya iyo Madax kale.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa saaka si weyn loo adkeeyay, iyadoo Wadooyinka qaarkood ayaa saaka loo diiday isticmalka gaadiidka.

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterrs ayaa yimid Muqdisho sanadkii 2017, waana markii labaad uu imaanayo Muqdisho.

Turkiga ayaa baahiyey sawirrada Markabkii ugu weynaa oo ah nooca xambaara diyaaradaha dagaalka iyo agabka kale ee Milate...
10/04/2023

Turkiga ayaa baahiyey sawirrada Markabkii ugu weynaa oo ah nooca xambaara diyaaradaha dagaalka iyo agabka kale ee Milateriga.

Markabkan oo loogu wanqalay magaca TCG Anadolu ayuu dheererkiisu dhan yahay 58M oo oo ballac ah iyo 231M oo dherer ah.
Xawaarihiisu waa 20KM saacaddiiba.

Waxa uu qaadi karaa 20 ilaa soddon diyaaradood oo jaadka dagaalka ah iyo weliba ku dhowaad boqol gaadiid oo nooca gaashaaman ah.

Waana Markab awood u leh in uu dhex mushaaxi karo noocyada kala duwan ee cimilada.

Sidoo kale markabkan oo leh rug caafimaad waxa loo adeegsan karaa gargaarka ah deg dega iyo gurmadka masiibooyinka dabiiciga ah.

Wuxuuna sii xoojin doonaa ilaalinta biyaha Badda madow oo ah marin muhiima isla markaana ay halis badan ku gedaaman tahay.

10/04/2023

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo booqday safaarada dowlada Sacuudiga ee Muqdisho .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa boqday Safaarada Dowlada Sacuudiga ee Muqdisho, waxaa taliyaha xarunta Safarada ku soo dhaweeyay Safiirka Dowlada Sacuudiga u fadhiya Muqdisho, Mudane. Danjire. Axmed Bin Maxamed Almowallad.

Ujeedka Kulanka ayaa ahaa Sidii Safarada Sacuudiga ay uga qeybqaadan laheyd garab istaagga dhismaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyada oo Taliyuhu uga mahadceliyay safiirka soo dhaweynta diiran.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay ...
09/04/2023

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka Socotay Dowlada Tukiga.

Kulankan ayaana daarnaa sidii loo dar dag galin lahaa tababarada iyo tayeenta Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa tababarada ay siiyaan Ciidanka Boliiska Gaarka ah ee Haramcad.

Saraashiishan oo ka socday Turkiga ayaa Sheegay in ay ka go'antahay dar dar galinta tababarida iyo tayeenta Ciidanka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sulub axmed Firin ayaa kaga mahad celiyay Saraashiisahan iyo Dolwada dooda sida ay ugarab taagan yihiin tayeenta iyo Taba barada Ciidamada Soomaaliya Gaar ahaan Ciidamada Booliska ah ee Haramcad.

Address

Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when AMB TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category