19/11/2022
....
Qormada Koowaad
●●●
Sooyaalka: Qormo-nololeedka
●●●
Garaad Suleymaan Garaad Maxamed (AHUN)
●■●
Qormadan koowaadi waxa ay ildaha u furi doonta qormooyin taxane noqonaya oo aan ku soo tebin doono haddii Alle idmo sooyaalkii nololeed ee uu lahaa Alle ha u naxariistee Garaad Suleymaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud Garaad Maxamed Garaad Cali oo habeenkii Khamiista 17-kii bishii 11-aad 2022-kii ku geeryooday magaalada Garoowe.
Maaddaama taariikh-nololeedka Garaadku uu yahay mid aad u balaadhan, haddii aynu milicsanno qayb ka mid ah, waxa ay ka soo bilaabmaysaa yaraantiisii, heerkiisii barbaarnimo iyo waxqabadkiisii dhaqan ee uu gutay tan iyo goortii loo caleema-saaray looguna caano-shubay xilka Garaadnimada.
Garaad Suleymaan Garaad Maxamed oo ka mid ahaa isimada Soomaaliyeed ee ugu magac iyo facaba weyn soo jireennimada hoggaanka dhaqan, qiyaastii 1947-kii waxa uu ku dhashay agagaarka magaalada Taleex. Ka dibna Garaadku isaga oo yar waxa uu Quraanka ka bilaabay magaalada Taleex. Garaadka yaraantiisii waxaa lagu arkay mucjisooyin ay qoyskiisu la yaabeen, kuwaas oo markii dambe sababay in geela Aabbihii Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo gaadhay dhawr Kadin (boqollaal) in isaga mas’uul looga dhigo maamulkiisa.
Garaadku isaga oo jira 35 sanno ayaa Aabbihii Garaad Maxamed Garaad Maxamuud ku geeryooday magaalada Sarmaanyo sannadkii 1982-kii, isla kobtaas markii Aabbihii lagu aasay, waxaa lagu caleema-saaray Garaad Suleymaan Garaad Maxamed.
Waxqabadkii Dhaqan Ee Garaad Suleymaan
●●●
Ilaahay ha u naxariistee, Garaad Suleymaan waxa uu leeyahay waxqabadyo dhaqan oo fara badan oo nabadayn ah oo sooyaalka Soomaalida baal dahabiya ka galay ayaa uu Garaadku ku fooganaa afartanki sanno ee uu hayey xilka garaadnimada. Hadda ba innaga oo aan ka geyoon karayn waxqabadyadii dhaqan ee foollaadsanaa ee uu soo gutay Garaadku, waxaa aynu ka soo qaadan karaynaa dhawr ay xusidoodu mudnaan leedahay kuwaas oo kala ah:
Shirkii ugu Horeeyey
Ee Nabadaynta Beelaha Waqooyi
●●●
5-kii bishii Febraayo (Labaad) 1991-kii waxaa magaalada Oog lagu qabtay shirkii ugu h**eeyey ee ah nabadaynta beelaha Waqooyi, Garaadku kaalin weyn ayaa uu ka qaatay. Haddaba raggii ahaa jabhaddii SNM oo aad ugu ammaanay Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac (AHUN) inuu ahaa Garaadkii Naabadda. Garaad Suleymaan oo hormuud ka ahaa raggii gogoshaas dhigay ayaa goobta ka caddeeyey “in Garaad Suleymaan ahaan Anigu aan ahaa kii lahaa wax iska celiya ee qoriga sitay Garaad Cabdiqanina uu ku ammaannan yahay kaalinta nabadda Aniguna aan qaatay kaalintaydii.”Ereyadaas oo ahaa kuwo ay weli ay hadal hayaan raggii goobtaas joogtay ee jabhaddii SNM ahaa.
Shirkii Burco Ee Loo Tixraaco
Nabadaynta Beelaha Waqooyi
Iyo Yagleelka Soomaalilaan
(Bishii May 1991-kii)
●●●
Bishii 5-aad 1991-kii shirkii lagu qabtay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, Garaad Suleymaan waxaa uu ka mid ahaa Isimadii lagu soo casumay ee ka qayb-galay shirkaas. Bilawgii shirka, waxaa shirka laga saaray ergo Garaad Suleymaan Garaad Maxamed uu watay oo ka koobnayd 35 xubnood. Waxa lagu duray in ay ka soo jeeddaan hadhaagii Maxamed Siyaad Barre (AHUN). Waxaa na taas ku qancayey SNM-ta oo meesha maamulaysey, xubno ay gacan saar h**e la lahaayeen oo reer Sool ah oo mucaaradkii dawladda ka mid ahaan jiray. Ergadii Garaad Suleymaan oo isimka iyo cuqaashiisa kaleba ahaa waxa ay deganaayeen guriga Cabdi Shaybe oo laamiga badhtamaha saaran. Halka Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac isna uu degganaa guri u dhow midka Ismaaciil Suldaan oo Bariga Burco ku yaal. Waftiga badan ee Dhulbahante ee uu watay Garaad Cabdiqani oo u badnaa mucaaradkii Dawladdii Kacaanka Soomaaliyeed oo ka koobnaa 73 xubnood waxa ay degganaayeen hudheelka Ina Faarax Gawe ee saldhigga booliiska u dhow, kaas oo qudhiisa burbursanaa dedkiisuna uu ahaa shiraacyo.
Arbacadii saddexdii May 1991-kii, waxaa guriga martida loogu yimi oo gaadhi lagaga qaaday toban xubnood oo reer Sool ah, kuwaas oo ahaa garabkii ay SNM gacan saarka lahayd, waxaa na la geeyey guri buundada u dhow oo ku naban daarta loo yaqaan Ina Qulumbe. Isla daartaas waxa ku sugnaa odayaal kala metelayey beelaha Ciise, Gedabuursi, Warsengeli, iyo qolo sheeganaysay guurtida reer Shiikh Isxaaq, guurtidaas oo ahayd gole-siyaasaddeed beeleed oo ay jabhaddii SNM ay ku soo dhistay dhulkii Itoobiya ee ay jabhaddu ku sugnaan jirtay.
Waa sidaas e’, daarta hoolkeeda weyn, waxa dhex-yaalay labo jawaan oo qaadka hereriga ah. Kaftan iyo haasaawe gacaltooyo oo tuuro-tuuro gooyo ah, markii la isku jalbeebay, ayaa cabbaar ka dib waxa shirkii furay raggii ahaa guurtida Isaaq. Waxa ay sheegeen in shirkii Febraayo 1991-kii ee Berbera ee Guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) uu la yeeshay ergooyinkii koob-koobnaa ee ka kala socday beelaha reer Waqooyiga kale ah, kaas oo la isku raacay afar iyo toban qodob, oo midkii ugu muhiimsanaa uu ahaa; “in dib loogu noqdo axdigii midawga Soomaaliyeed ee 1960-kii (taas oo macnaheedu ahayd in awood qaybsi lala galo koonfur)". Hadda ba waxa ay sheegeen in shirkaas ka dib ay Hargeysa kulan reer Shiikh Isxaaq u gaar ah ay ku soo qaateen, kaas oo ay ka soo baxeen go’aanno ay ka mid yihiin:
1- In lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii.
2- In dawladda cusub lagu maamulo shareecada Islaamka.
3- In si caddaalad ah loo qaybsado golayaasha dawladda.
Saddexdaas qodob ayaa ay Guurtidii Reer Shiikh Isxaaq ka codsadeen in beelahan kale ay la qaataan ku na raacaan go’aannadaas.
Haddaba maalintaas waxaa magaalada Burco ku sugnaa ergooyin tiradoodu boqol xubnood ku dhowdahay oo ka tirsan beesha Dhulbahante, kuwaas oo ka kala yimi dalka gudihiisa iyo dibaddaba. Waxaa na ergadaas ku jiray labo garaad oo ah; isimada ugu faca-weyn sooyaalka talada Dhulbahante. Hase-yeeshee tobanka xubnood ee galabtaas laga soo kexeeyey aqalka martida, waxa ku jiray saddex caaqil, labo dhallinyaro ah iyo shan nin garbeedda oo kale, waxa ay na kala ahaayeen:
1- Caaqil Axmed Xirsi Cawl
2- Caaqil Askar Jaamac Yuusuf
3- Samadoon Cawil Xirsi Ciise (Cawil-toodho)
4- Gaashaanle Sare Abshir Saalax Maxamed (ammintaas Garaad ma uu ahayn)
5- Xaaji Cabdi Maxamuud Cabdi (Cabdi-sholoh)
6- Hurre Barre Dirir
7- Shiikh Daahir Xaaji Xasan
8- Cabdi Xasan Dawaarre (Ina Xasan Caamiye)
9-Maxamed Iimaan Maxamed (Baal Cirro) iyo
10- Xasan Cali Jaamac
Tobankan xubnood ayaa sagaalka h**e ka soo-jeedaan beelaha Faarax iyo Maxamuud Garaad, halka ninka ugu dambeeya uu ahaa nin dhallinyaro ah oo ka soo-jeeday beesha Hayaag, waxa uu na ahaa ninka keliya ee beelaha Baho Nugaaleed ka fadhiyey madashaas.
Shiikh Daahir Xaaji Xasan oo ka mid ahaa tobankii oday ee Dhulbahante ayaa hadalkii qaatay, waxa uu na xusay in qodobbadani ay yihiin kuwii ku habboonnaa in shir-weynaha Sabtida furmi doona lagaga hadlo ayna awoood u lahayn inta madasha joogta in ay go’aannadaa masiiriga ah wax ka yidhaahdaan. Hase-ahaate, xubnihii reer Awdal ee kulankaa qayilaadda ah goob-joogga ka ahaa waa ay taageereen. Qoladii warsangeli waxa ay yidhaahdeen waftigayagii ma dhamma, xaajadanna waxa aan ku simaynaa wakil suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud Cali Shire oo aan markaa kulanka fadhiyin, laakiin isla xilligaas ku sugnaa magaalada Burco.
Isla arbacadaa waxaa beyaan qeexaya mawqifka Harti waqooyi (Dhulbahante iyo Warsangeli) soo saaray toddoba xubnood oo ay ka mid ahaayeen:
1- Pro. Cali Khaliif Galeydh
2- Xeeryaqaan Muuse Xaaji Diiriye (Muuse Idaar)
3- Baayar Mahdi Ducaale iyo xubno kale.
Fiidnimadii ayaa qoraalkaas midba aqalkiisa lagaga soo saxeexay labada Garaad ee Dhulbahante (Garaad Suleymaan Garaad Maxamed iyo Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac) iyo wakiilka Suldaanka Warsangeli oo aynu magacyadoooda kor ku soo xusnay. Shaqadan midaynta mawqifka Hartiga Burco, waxa u hawl-galay Ilaah ha u naxariiste Yaasiin Axmed Xaaji Nuur oo Dhulbahante ahaa, xubinna ka ahaa golaha dhexe ee SNM, isaga oo isla arbacadaa ka soo galay safar uu kaga yimid Dirir-dhabe.
Haddaba Garaad Suleymaan Garaad Maxamed iyo afar oday oo kale oo Garaadka la socday, waxa ay kulan la yeesheen Guddoomiyihii Jabhadda SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo noqdayna madaxweynihii ugu h**eeyey maamulka Soomaalilaan. Kulanka oo ka dhacay isla guriga Cabdiraxmaan-tuur, labada dhinac waxa ay isku af-garan waayeen in la isla qaato go’aanka masiiriga ah ee gooni-goosadka ee gosha ujeedkiisu ahaa in la yagleelo dawlad ka go’da Soomaalida kale. Garaadkuna k**a laba-labayne runta ayaa uu ugu sheegay inaanay taas aqbalayn kana mid noqonayn arrinkaas Soomaali lagu kala goynayo. Odeyaashii Garaad Suleymaan la socday ee shirkaas kala qayb-galay ee goob-jooggana u ahaa waxaa ay ahaayeen:
1- Yuusuf Ciise Cabdi (AHUN)
2- Cismaan Garaad Maxamuud (AHUN)
3- Fu’aad Aadan Cadde (AHUN)
4- Iyo Maxamuud Fool-madoobe hadda ku dhaqan dallalka Iskaandaneefiyaanka
Isla ayaamahaas bishii 5-aad (May), Garaad Suleymaan markii uu arkay in ay SNM-tu rabto inay ku dhawaaqdo “Gooni-isu-taag ka Dhanna Midnimada Soomaalida” ayaa uu Garaadku ka soo tegay Burco oo uu yimi Laasscaanood. Waxaa na xaqiiqo ah maalintii lagu dhawaaqayey gooni-isu-taagga inaanu joogin subaxdaa Suldaan ama Garaad keliya oo beelaha Harti Waqooyi ah.
Haddaba kolkii Garaad Suleymaan uu maalmo joogay magaalada Laascaanood, Idaacadda BBC-da ee Laanta Af-soomaaligu waxa ay soo dirtay weriye gaara oo soo sal-xaadha xaqiiqada waxa ay aaminsan yihiin dadka ku dhaqan mandaqadda Sool, Sanaag iyo Cayn.
Nin dhalinyaro ah oo la oran jiray Jonatan Bertel oo BBC-da ka socda ayaa magaalada Laascaanood yimi, kaas oo bah-warbaahineed ahaan ay ugu soo dhoweeyeen gabadh la yiraahdo Ayaan iyo suxufiga weyn ee Cismaan Cabdi Nuur Xaashi (Khaliifka) oo berigaas soo saari jiray Wargeyskii Nugaal. Suxufi Cismaan iyo Ayaan waxa ay Weriye Jonatan la kulmiyeen Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Garaad Suleymaan Garaad Maxamedba.
Haddaba weraysigii uu Jonatan ku warsanayey Garaad Suleymaan, waxa uu Garaadka weydiiyey inay raalli ka yihiin iyo inay ka ahayn gooni-goosadka lagaga dhawaaq shirkii Burco. Ilaahay ha u naxariistee Garaad Suleymaan waxa uu u sheegay “inay ka wada hadleen nabadaynta beelaha oo kaliya hase-yeeshee aanay jirin wax gooni-isu-taag iyo dawladnimo ah oo ay isku af-garteen”.
Shirkii Nabadaynta Beelaha
Wada Dega Gobolka Sanaag
●●●
Garaad Suleymaan Ilaahay ha u naxariistee waxaa uu ka qaybgalay shirrarkii lagu nabadaynayey beelaha wada dega gobolka Sanaag. Shirrarkaas oo koodii ugu h**eeyey 1992-kii ka bilaabmay magaalada Kullaal, markii dambena loo soo wareejiyey magaalada Awrbowgeys, ka dibna Dararweyne ilaa Gar-adag, kolkii dambena la isugu tegay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, halkaas oo 1995-kii lagu soo gebagabeeyey in beelihii deegaankaasi ay heshiis rasmiya ku gaadheen, heshiiskaas oo ahaa in cid walbaaba geedkii, goobtii iyo gurigii ay lahayd inay si nabad ah u soo degto, nabad waartana dadka la dhex dhigo.
Shirkan ayaa markii dambena waxaa Garaad Suleymaan kala qayb-galay Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Garaad Ismaaciil Ducaale iyo rag kale oo fara badan, kuwaas oo ahaa maqaawiir iyo qadhadhayti mug iyo miisaanba leh oo ka soo jeedday mandaqadda Sool, Sanaag iyo Cayn.
Waxqabadkan dhaqan ee ahaa nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha Sanaag, dhab ahaantii waxa uu ahaa mid uu Garaadku guul weyn ka gaadhay oo baal-dahabiyana ka galay sooyaalkiisii waxqabad ee ku suntan hoodaarnimadiisii iyo xilkasnimadiisii guurtinimo ee lagu xasuusan doono.
......
Ilaaha naxariistii janno Fardawzaad
Ha ka waraabiyo Garaadkeennii
.....
La soco Qormada Labaad
•••
Waxaa Qoray
Qaryaan Maanmaal Buureed