Halgama ibnu azhari

Halgama ibnu azhari waa in laga qayb qaata wacyiga umada. umadi waa maxay? su.aal taagan weeyi.

19/11/2022

....
Qormada Koowaad
●●●
Sooyaalka: Qormo-nololeedka
●●●
Garaad Suleymaan Garaad Maxamed (AHUN)
●■●

Qormadan koowaadi waxa ay ildaha u furi doonta qormooyin taxane noqonaya oo aan ku soo tebin doono haddii Alle idmo sooyaalkii nololeed ee uu lahaa Alle ha u naxariistee Garaad Suleymaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud Garaad Maxamed Garaad Cali oo habeenkii Khamiista 17-kii bishii 11-aad 2022-kii ku geeryooday magaalada Garoowe.

Maaddaama taariikh-nololeedka Garaadku uu yahay mid aad u balaadhan, haddii aynu milicsanno qayb ka mid ah, waxa ay ka soo bilaabmaysaa yaraantiisii, heerkiisii barbaarnimo iyo waxqabadkiisii dhaqan ee uu gutay tan iyo goortii loo caleema-saaray looguna caano-shubay xilka Garaadnimada.
Garaad Suleymaan Garaad Maxamed oo ka mid ahaa isimada Soomaaliyeed ee ugu magac iyo facaba weyn soo jireennimada hoggaanka dhaqan, qiyaastii 1947-kii waxa uu ku dhashay agagaarka magaalada Taleex. Ka dibna Garaadku isaga oo yar waxa uu Quraanka ka bilaabay magaalada Taleex. Garaadka yaraantiisii waxaa lagu arkay mucjisooyin ay qoyskiisu la yaabeen, kuwaas oo markii dambe sababay in geela Aabbihii Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo gaadhay dhawr Kadin (boqollaal) in isaga mas’uul looga dhigo maamulkiisa.
Garaadku isaga oo jira 35 sanno ayaa Aabbihii Garaad Maxamed Garaad Maxamuud ku geeryooday magaalada Sarmaanyo sannadkii 1982-kii, isla kobtaas markii Aabbihii lagu aasay, waxaa lagu caleema-saaray Garaad Suleymaan Garaad Maxamed.

Waxqabadkii Dhaqan Ee Garaad Suleymaan
●●●
Ilaahay ha u naxariistee, Garaad Suleymaan waxa uu leeyahay waxqabadyo dhaqan oo fara badan oo nabadayn ah oo sooyaalka Soomaalida baal dahabiya ka galay ayaa uu Garaadku ku fooganaa afartanki sanno ee uu hayey xilka garaadnimada. Hadda ba innaga oo aan ka geyoon karayn waxqabadyadii dhaqan ee foollaadsanaa ee uu soo gutay Garaadku, waxaa aynu ka soo qaadan karaynaa dhawr ay xusidoodu mudnaan leedahay kuwaas oo kala ah:

Shirkii ugu Horeeyey
Ee Nabadaynta Beelaha Waqooyi
●●●
5-kii bishii Febraayo (Labaad) 1991-kii waxaa magaalada Oog lagu qabtay shirkii ugu h**eeyey ee ah nabadaynta beelaha Waqooyi, Garaadku kaalin weyn ayaa uu ka qaatay. Haddaba raggii ahaa jabhaddii SNM oo aad ugu ammaanay Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac (AHUN) inuu ahaa Garaadkii Naabadda. Garaad Suleymaan oo hormuud ka ahaa raggii gogoshaas dhigay ayaa goobta ka caddeeyey “in Garaad Suleymaan ahaan Anigu aan ahaa kii lahaa wax iska celiya ee qoriga sitay Garaad Cabdiqanina uu ku ammaannan yahay kaalinta nabadda Aniguna aan qaatay kaalintaydii.”Ereyadaas oo ahaa kuwo ay weli ay hadal hayaan raggii goobtaas joogtay ee jabhaddii SNM ahaa.

Shirkii Burco Ee Loo Tixraaco
Nabadaynta Beelaha Waqooyi
Iyo Yagleelka Soomaalilaan
(Bishii May 1991-kii)
●●●
Bishii 5-aad 1991-kii shirkii lagu qabtay magaalada Burco ee gobolka Togdheer, Garaad Suleymaan waxaa uu ka mid ahaa Isimadii lagu soo casumay ee ka qayb-galay shirkaas. Bilawgii shirka, waxaa shirka laga saaray ergo Garaad Suleymaan Garaad Maxamed uu watay oo ka koobnayd 35 xubnood. Waxa lagu duray in ay ka soo jeeddaan hadhaagii Maxamed Siyaad Barre (AHUN). Waxaa na taas ku qancayey SNM-ta oo meesha maamulaysey, xubno ay gacan saar h**e la lahaayeen oo reer Sool ah oo mucaaradkii dawladda ka mid ahaan jiray. Ergadii Garaad Suleymaan oo isimka iyo cuqaashiisa kaleba ahaa waxa ay deganaayeen guriga Cabdi Shaybe oo laamiga badhtamaha saaran. Halka Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac isna uu degganaa guri u dhow midka Ismaaciil Suldaan oo Bariga Burco ku yaal. Waftiga badan ee Dhulbahante ee uu watay Garaad Cabdiqani oo u badnaa mucaaradkii Dawladdii Kacaanka Soomaaliyeed oo ka koobnaa 73 xubnood waxa ay degganaayeen hudheelka Ina Faarax Gawe ee saldhigga booliiska u dhow, kaas oo qudhiisa burbursanaa dedkiisuna uu ahaa shiraacyo.

Arbacadii saddexdii May 1991-kii, waxaa guriga martida loogu yimi oo gaadhi lagaga qaaday toban xubnood oo reer Sool ah, kuwaas oo ahaa garabkii ay SNM gacan saarka lahayd, waxaa na la geeyey guri buundada u dhow oo ku naban daarta loo yaqaan Ina Qulumbe. Isla daartaas waxa ku sugnaa odayaal kala metelayey beelaha Ciise, Gedabuursi, Warsengeli, iyo qolo sheeganaysay guurtida reer Shiikh Isxaaq, guurtidaas oo ahayd gole-siyaasaddeed beeleed oo ay jabhaddii SNM ay ku soo dhistay dhulkii Itoobiya ee ay jabhaddu ku sugnaan jirtay.

Waa sidaas e’, daarta hoolkeeda weyn, waxa dhex-yaalay labo jawaan oo qaadka hereriga ah. Kaftan iyo haasaawe gacaltooyo oo tuuro-tuuro gooyo ah, markii la isku jalbeebay, ayaa cabbaar ka dib waxa shirkii furay raggii ahaa guurtida Isaaq. Waxa ay sheegeen in shirkii Febraayo 1991-kii ee Berbera ee Guddoomiyihii SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) uu la yeeshay ergooyinkii koob-koobnaa ee ka kala socday beelaha reer Waqooyiga kale ah, kaas oo la isku raacay afar iyo toban qodob, oo midkii ugu muhiimsanaa uu ahaa; “in dib loogu noqdo axdigii midawga Soomaaliyeed ee 1960-kii (taas oo macnaheedu ahayd in awood qaybsi lala galo koonfur)". Hadda ba waxa ay sheegeen in shirkaas ka dib ay Hargeysa kulan reer Shiikh Isxaaq u gaar ah ay ku soo qaateen, kaas oo ay ka soo baxeen go’aanno ay ka mid yihiin:

1- In lala soo noqdo dawladnimadii lixdankii.
2- In dawladda cusub lagu maamulo shareecada Islaamka.
3- In si caddaalad ah loo qaybsado golayaasha dawladda.

Saddexdaas qodob ayaa ay Guurtidii Reer Shiikh Isxaaq ka codsadeen in beelahan kale ay la qaataan ku na raacaan go’aannadaas.

Haddaba maalintaas waxaa magaalada Burco ku sugnaa ergooyin tiradoodu boqol xubnood ku dhowdahay oo ka tirsan beesha Dhulbahante, kuwaas oo ka kala yimi dalka gudihiisa iyo dibaddaba. Waxaa na ergadaas ku jiray labo garaad oo ah; isimada ugu faca-weyn sooyaalka talada Dhulbahante. Hase-yeeshee tobanka xubnood ee galabtaas laga soo kexeeyey aqalka martida, waxa ku jiray saddex caaqil, labo dhallinyaro ah iyo shan nin garbeedda oo kale, waxa ay na kala ahaayeen:

1- Caaqil Axmed Xirsi Cawl
2- Caaqil Askar Jaamac Yuusuf
3- Samadoon Cawil Xirsi Ciise (Cawil-toodho)
4- Gaashaanle Sare Abshir Saalax Maxamed (ammintaas Garaad ma uu ahayn)
5- Xaaji Cabdi Maxamuud Cabdi (Cabdi-sholoh)
6- Hurre Barre Dirir
7- Shiikh Daahir Xaaji Xasan
8- Cabdi Xasan Dawaarre (Ina Xasan Caamiye)
9-Maxamed Iimaan Maxamed (Baal Cirro) iyo
10- Xasan Cali Jaamac

Tobankan xubnood ayaa sagaalka h**e ka soo-jeedaan beelaha Faarax iyo Maxamuud Garaad, halka ninka ugu dambeeya uu ahaa nin dhallinyaro ah oo ka soo-jeeday beesha Hayaag, waxa uu na ahaa ninka keliya ee beelaha Baho Nugaaleed ka fadhiyey madashaas.

Shiikh Daahir Xaaji Xasan oo ka mid ahaa tobankii oday ee Dhulbahante ayaa hadalkii qaatay, waxa uu na xusay in qodobbadani ay yihiin kuwii ku habboonnaa in shir-weynaha Sabtida furmi doona lagaga hadlo ayna awoood u lahayn inta madasha joogta in ay go’aannadaa masiiriga ah wax ka yidhaahdaan. Hase-ahaate, xubnihii reer Awdal ee kulankaa qayilaadda ah goob-joogga ka ahaa waa ay taageereen. Qoladii warsangeli waxa ay yidhaahdeen waftigayagii ma dhamma, xaajadanna waxa aan ku simaynaa wakil suldaan Ismaaciil Suldaan Maxamuud Cali Shire oo aan markaa kulanka fadhiyin, laakiin isla xilligaas ku sugnaa magaalada Burco.

Isla arbacadaa waxaa beyaan qeexaya mawqifka Harti waqooyi (Dhulbahante iyo Warsangeli) soo saaray toddoba xubnood oo ay ka mid ahaayeen:

1- Pro. Cali Khaliif Galeydh
2- Xeeryaqaan Muuse Xaaji Diiriye (Muuse Idaar)
3- Baayar Mahdi Ducaale iyo xubno kale.

Fiidnimadii ayaa qoraalkaas midba aqalkiisa lagaga soo saxeexay labada Garaad ee Dhulbahante (Garaad Suleymaan Garaad Maxamed iyo Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac) iyo wakiilka Suldaanka Warsangeli oo aynu magacyadoooda kor ku soo xusnay. Shaqadan midaynta mawqifka Hartiga Burco, waxa u hawl-galay Ilaah ha u naxariiste Yaasiin Axmed Xaaji Nuur oo Dhulbahante ahaa, xubinna ka ahaa golaha dhexe ee SNM, isaga oo isla arbacadaa ka soo galay safar uu kaga yimid Dirir-dhabe.

Haddaba Garaad Suleymaan Garaad Maxamed iyo afar oday oo kale oo Garaadka la socday, waxa ay kulan la yeesheen Guddoomiyihii Jabhadda SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo noqdayna madaxweynihii ugu h**eeyey maamulka Soomaalilaan. Kulanka oo ka dhacay isla guriga Cabdiraxmaan-tuur, labada dhinac waxa ay isku af-garan waayeen in la isla qaato go’aanka masiiriga ah ee gooni-goosadka ee gosha ujeedkiisu ahaa in la yagleelo dawlad ka go’da Soomaalida kale. Garaadkuna k**a laba-labayne runta ayaa uu ugu sheegay inaanay taas aqbalayn kana mid noqonayn arrinkaas Soomaali lagu kala goynayo. Odeyaashii Garaad Suleymaan la socday ee shirkaas kala qayb-galay ee goob-jooggana u ahaa waxaa ay ahaayeen:
1- Yuusuf Ciise Cabdi (AHUN)
2- Cismaan Garaad Maxamuud (AHUN)
3- Fu’aad Aadan Cadde (AHUN)
4- Iyo Maxamuud Fool-madoobe hadda ku dhaqan dallalka Iskaandaneefiyaanka

Isla ayaamahaas bishii 5-aad (May), Garaad Suleymaan markii uu arkay in ay SNM-tu rabto inay ku dhawaaqdo “Gooni-isu-taag ka Dhanna Midnimada Soomaalida” ayaa uu Garaadku ka soo tegay Burco oo uu yimi Laasscaanood. Waxaa na xaqiiqo ah maalintii lagu dhawaaqayey gooni-isu-taagga inaanu joogin subaxdaa Suldaan ama Garaad keliya oo beelaha Harti Waqooyi ah.
Haddaba kolkii Garaad Suleymaan uu maalmo joogay magaalada Laascaanood, Idaacadda BBC-da ee Laanta Af-soomaaligu waxa ay soo dirtay weriye gaara oo soo sal-xaadha xaqiiqada waxa ay aaminsan yihiin dadka ku dhaqan mandaqadda Sool, Sanaag iyo Cayn.
Nin dhalinyaro ah oo la oran jiray Jonatan Bertel oo BBC-da ka socda ayaa magaalada Laascaanood yimi, kaas oo bah-warbaahineed ahaan ay ugu soo dhoweeyeen gabadh la yiraahdo Ayaan iyo suxufiga weyn ee Cismaan Cabdi Nuur Xaashi (Khaliifka) oo berigaas soo saari jiray Wargeyskii Nugaal. Suxufi Cismaan iyo Ayaan waxa ay Weriye Jonatan la kulmiyeen Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Garaad Suleymaan Garaad Maxamedba.
Haddaba weraysigii uu Jonatan ku warsanayey Garaad Suleymaan, waxa uu Garaadka weydiiyey inay raalli ka yihiin iyo inay ka ahayn gooni-goosadka lagaga dhawaaq shirkii Burco. Ilaahay ha u naxariistee Garaad Suleymaan waxa uu u sheegay “inay ka wada hadleen nabadaynta beelaha oo kaliya hase-yeeshee aanay jirin wax gooni-isu-taag iyo dawladnimo ah oo ay isku af-garteen”.

Shirkii Nabadaynta Beelaha
Wada Dega Gobolka Sanaag
●●●
Garaad Suleymaan Ilaahay ha u naxariistee waxaa uu ka qaybgalay shirrarkii lagu nabadaynayey beelaha wada dega gobolka Sanaag. Shirrarkaas oo koodii ugu h**eeyey 1992-kii ka bilaabmay magaalada Kullaal, markii dambena loo soo wareejiyey magaalada Awrbowgeys, ka dibna Dararweyne ilaa Gar-adag, kolkii dambena la isugu tegay magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, halkaas oo 1995-kii lagu soo gebagabeeyey in beelihii deegaankaasi ay heshiis rasmiya ku gaadheen, heshiiskaas oo ahaa in cid walbaaba geedkii, goobtii iyo gurigii ay lahayd inay si nabad ah u soo degto, nabad waartana dadka la dhex dhigo.
Shirkan ayaa markii dambena waxaa Garaad Suleymaan kala qayb-galay Ilaahay labadoodaba ha u naxariistee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac iyo Garaad Ismaaciil Ducaale iyo rag kale oo fara badan, kuwaas oo ahaa maqaawiir iyo qadhadhayti mug iyo miisaanba leh oo ka soo jeedday mandaqadda Sool, Sanaag iyo Cayn.
Waxqabadkan dhaqan ee ahaa nabadaynta iyo heshiisiinta beelaha Sanaag, dhab ahaantii waxa uu ahaa mid uu Garaadku guul weyn ka gaadhay oo baal-dahabiyana ka galay sooyaalkiisii waxqabad ee ku suntan hoodaarnimadiisii iyo xilkasnimadiisii guurtinimo ee lagu xasuusan doono.

......
Ilaaha naxariistii janno Fardawzaad
Ha ka waraabiyo Garaadkeennii

.....
La soco Qormada Labaad
•••
Waxaa Qoray
Qaryaan Maanmaal Buureed

Chelsea has only played 2 times in the Europa League, and won the cup 2 times.Chelsea may make you mad or upset you but ...
28/10/2022

Chelsea has only played 2 times in the Europa League, and won the cup 2 times.

Chelsea may make you mad or upset you but she never fails you, which is the main reason why most of us support this team. 💙

22/09/2022

GUUBAABO DAGAAL U QAADO;

Maadaama uu si xoog leh u socdo dagaalka xoreynta Deegaannada ku jira gacanta cadowga uuna ku bilowday qaab reero gadooday oo gunnimada iska diiday, ka dibna guluf qaaday oo guul ku geeraaray, halkaas markeey mareeyso waxaan tabay awood gaashaandhigga, Dhaqaale, dad, iyo daljaceyl ee reeraha hoos ku qoran.

1. Waxaan tabay Governo Sacad oo aan tayo, tigaad iyo tikniko badan ku tabayay waxaanse xasuustay in aanay taariikhdooda galin dagaal aanay hoggaankiisa iyagu heyn, sidaasna ay ugu wacan dib isku-dhigidda aanse ka codsan lahaa in hal maalin ay walaalahood reer Xaaji ku dabo-feylaan haddii kale subaxa xiga waa Shabaab oo Wisil haweysto markale.

2. Waxaan tabay Mudulood oo ah awoodda Soomaali weyn oo dhan, marka laga hadlayo dad, deegaan iyo duunyo, waxaanse igu soo dhacday in muddada ay qaadaneyso in Mudulood la fahamsiiyo in cadowga la dagaalo ay qaadaneyso muddo ka badan waqtigii la qorsheeyay in Shabaab dalka oo dhan looga xoreeyo.

3. Majeerteen oo ah Irishka Soomaalida markii laga hadlayo Siyaasadda iyo farsamooyinkeeda heerka caalami gaarsiisan, ayay kaalintoodii ii muuqan waysay inkastoo ay wiilashoodii ku dhimanayaan Booco oo Hiiraan ah, waxaanse ugu garaabay 4 qadiyadood oo kala ahaa; Hoggaankooda maanta oo aan dhaqan Majeerteen laheyn, Abdullahi Yusuf oo ka geeriyooday, Saciid Dheere oo dhanka Howlgab ku sii siqaya iyo Aag dagaal oo Galgala uga furan, aanse is lahaa waa reer intaas ka sii baac dheer mase ogi Cumarkii dariska ahaa hadduu sidii Sanyare gaadiid iyo gurmad uu wadada noogu soo jiro.

4. Mareexaan oo aan u aqoonsanahay dadka Soomaalida ugu wadanisan, rag dagaalamana ah 3 Arrimood ayaan u qaatay inaan gurmadkoodu weli soo gaarin waliba aanu soo muuqan; Saameyn ka dhalatay Doorashadii 15 May, Isbarbardhigga Saleebaan iyo Alshabaab oo Saleebaan la darnaaday iyo Xifaaltanka dhexdooda ah oo dhaafay kan Ruushka iyo Mareykanka ka dhexeeya ayna dhiig ay Shabaab ka daadiyaan ka jeclaan lahaayeen mid ay dhexdooda iska daadiyaan ama dariskooda iyo iyagu kala daadiyaan.

5. Dhulbahante oo Laascaano iyo Buuhoodle ay Shabaab ku laayeen haldoorkoodii weli ma aanay heleelin Ookiyaalaha aragga argagixisada lagu arkayay, waxayse dagaalka soo gali doonaan maalinka uu cadowgu carro Dhulbahante ku weeraro wiil ay abti u yihiin taasina ma muuqato, oo waa niman dhur iyo dhaqan leh dhugtooduse kala dhantaalantahay (Somaliland/Puntland)

6. Warsangeli oo ah reerka ugu taariikhda iyo Saldanadda dheer Soomaali idilkeed, hadana ah halka cadowgu hadda fadhiyo qaraxyadana ka geysto, horayna ay Al-Itixaad u fadhiisteen 1992, caqabadda ugu weyn ee heysata waa Ilbaxnimadooda Shanta Boqol oo sano ah, oo in ay cadowga wajahaan waxaa uga sahlan in ay Cadan Coffee u doontaan ama ay Cardiff ka furtaan File maxk**adeed oo ay magdhow ku waydiisanayaan awoowgeed 3-aad oo dagaalkii koowaad ee Adduunka ku dhintay.

Sannadkii 2015 ayaan Wasiir Jamaal oo markaas ka tirsanaa safaaradda Mareykanka ee Nairobi aan ka codsaday inuu ila taageero Ahlusunnah oo dagaal kula jirtay Dowladda, aad ayuu ii dhageystay, markii aan warkii dhameystay oo aan ka sugayo inuu gurmad i siiyo markii h**e iiga sheekeeyay taariikh aan ka xasuusto in ayeeydiis 4-aad ay Cadan ku dhalatay inuu awoogiis labaad ku dhintay Myanmar (Burma)Burma/Naymar ka dibna igu yiri "Cali i dhageyso, innaga Warsangeli ah 1988 xilligii jabhadaha la sameysanayay ayaan Canada ku shirnay mar aan xaalkaan oo kale dareenay, dood dheer ka dib, waxaan ku go'aan ku gaarnay inaan halkii aan Jabhad hubeysan ka sameysan laheyn oo Forum iyo think tank marka waxaan jeclaan lahaa inaad Think tank iyo Fooramyo sameysataan oo aad sidaas wax u wajahdaan - waxaan xasuustaan inaan Uber wacday iyo inaan farmashiye ka sii gatay kaniini Paracetamol ah.

Aniga oo ah in dhammaan qabiilka Soomaaliyeed uu hadaba ku jiro dagaalka oo ay wiilashoodu ku dhimanayaan hadana guubaabadaan waxay u gaar reeraha Soomaaliyeed oo aan ku tabayo wiilal dirira, Waayeel taliya iyo waxdheef lagu dagaal galo.

31/08/2022

Waxaan Xusayaa Wax Qabadkii Kacaankii Bare

1. Dhaqan gelinta Farta Soomaaliga ee Afka-qorista oo loo arkayay guulihii ugu waynaa ee soo mara taariikhda Soomaalida.
2. Ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa, caajisnimada, qabyaaladda iyo nadaafadda.
3. Qorshayaasha iskaa-wax-u-qabsiga iyo barnaamijyada shilalka, oo u dhexeeya xasilinta bacaadka ilaa geedo beerista. Qof kasta oo Soomaali ah waxa uu ku qasbanaaday in uu ku tabaruco ugu badnaan todobadii saacadood todobaadkii wakhtiga firaaqada ah si loo dhiso mashaariic dawladeed sida wadooyin, hudheelo, dhismayaal xafiisyo, dugsiyo iyo guryo.
4. Aasaasidda Jaamacaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed.
5. In 70% Soomaalida wax lagu baro muddo shan sano gudahood ah ka dib curashadii Kacaanka. Qaramada Midoobay waxay u aragtaa mid ka mid ah ololihii akhris-qoris ee magaalooyinka ee ugu guulaha badnaa ee abid la diiwaan geliyo. 6. In la qarameeyo soo dejinta badarka, shidaalka.

daawo, filimaan, Dhoofinta Muuska, Hargaha iyo Hargaha oo cirka gilgilay dhaqaalihii Soomaaliyeed ee liidatay.
7. In la dhex dhigo nidaamka miisaaniyada markii ugu h**eysay taariikhda Soomaaliya taasoo horseedaysa in la helo miisaaniyad mideysan, laguna daro miisaaniyadii h**e ee dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.
8. In ay la wareegaan iskuulo shisheeye, lagana mamnuuco dadka ajaanibka ah in ay ka shaqeystaan ​​boosas ay Soomaali buuxin karaan.
9. Qaboojinta qiimaha
10. Dhimista kirada
11. Gelinkii Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta 1974kii
12. Abuurista maxk**ado amni oo xaliya dagaal beeleedyada
13. In la balaadhiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo markii h**e ahaa 10,000 Kacaanka ka hor, lana gaarsiiyo 60,000.
14. Casriyeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed
15. Dhisidda Ciidanka Badda Soomaaliyeed
16. Waxaa la sameeyay Bankigii ugu h**eeyay ee Soomaaliyeed 1971kii
17. Baabi'inta waxbarashada gaarka ah taas oo horseedaysa balaadhinta la taaban karo ee ardayda dugsiyada hoose, sare, iyo heer jaamacadeed.
18. Joojinta dhammaan daawooyinka gaarka loo leeyahay iyo bilaabista barnaamijka tallaalka ee dalka oo dhan. 19. Aas aaska kuliyadii ugu h**eysay ee caafimaadka taasoo macnaheedu ahaa in dhaqaatiirta Soomaaliyeed ay hadda u qalmi karaan guryahooda.
20. Kordhinta iyo casriyaynta adeegyada cusbitaalka.
21. Waxaa la sameeyay dadaal wadajir ah oo lagu horumarinayo daryeelka caafimaadka xoolaha. Tani waxay horseedaysaa in la sameeyo xarumo lagu daweeyo xoolaha si loo sameeyo loona hagaajiyo xaaladda xoolaha reer guuraaga. Tallaalka ka dhanka ah cudurrada xoolaha waxaa si xor ah u bixin jirtay dowladda, sida uu sheegay goobjooge ka tirsan Midowga Soofiyeeti, tallaalka lo'da ayaa kordhay 100% Kacaankii kadib.

22. Samaynta machadyo tababar oo caawiyayaasha caafimaadka xoolaha. Tallaabo uu si weyn u bogaadiyay Julius Nyerere, oo maamule u ahaa hantiwadaagga Afrika, kaasoo yiri 1974: "Soomaalidu waxay ku dhaqmayaan waxa aan Tansaaniya ku wacdinno."
23. Soomaaliya oo markii ugu horreysay noqotay guddoomiyihii ugu horreeyay ee Midowga Afrika
24. Casriyeynta garoomada diyaaradaha ee Kismaayo, Berbera iyo Muqdisho.
25. In aanu hogaaminay dagaal lagu xoraynayo dhulkeena 1977-kii halkaas oo aanu kaga adkaanay Itoobiya oo aanu ku qabsanay bilo gudahood ilaa Ruushka iyo Kuuba ay soo farageliyeen.
26. Waxa la asaasay Mac-hadkii ugu h**eeyey ee Somali Institute of International Studies, halkaas oo uu ka bixiyo koorasyo ​​ku saabsan Geeska Afrika iyo xidhiidhka Afro-Carbeed ee ku saabsan daraasaadka siyaasadda caalamiga ah, sharciga iyo diblomaasiyadda.
27. Waxaa la asaasay Akademiyada Cilmiga Fanka, Cilmiga iyo Suugaanta Qaranka Soomaaliyeed, taasoo ahayd mac-hadka labaad ee ugu muhiimsan marka laga reebo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Akadeemiyadani waxay bixisay qaamuusyo af-soomaali ah, buugaag naxwe ahaaneed, Sooyaalka Soomaaliga, baadhista qoraallada iyo dhaqanka Soomaaliga.
28. Waxa la asaasay Maktabaddii Qaranka Soomaaliyeed ee ugu horreysay.
29. Horumarinta iyo balaadhinta Madxafka Qaranka Soomaaliyeed.
30. Waxaa la siiyay deeqo waxbarasho oo ardayda iman karta
31. In la siiyo ardaydii doonaysay inay galaan ciidamada waxbarashada ugu wanaagsan, iyadoo loo dirayo dalalka ugu wanaagsan ee loo yaqaanno aqoonta ciidamada. iyo qaar kaloo badan.

20/08/2022

Hargaysa Laba qof bes ayaa lagu dilay habeen madaw waliba qof madaxa soo duubtay, ku darsoo Hargayso waa magaalo afar jeer ka wayn Laascanood. Isla aroortiiba waa lasoo qabtay gacan dhiiglihi. Laascanood 18 sano ayaa subax galab casar habeen dadkeeda la lalaynay Mana jirto hal qof oo loo soo qabtay caawa ayaana u ugu danabysay oo dil ka dhacay saacado ka hor!

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maalinta berri la isugu yeedhay Kulanweynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federa...
19/08/2022

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maalinta berri la isugu yeedhay Kulanweynihii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Ajandaha kulanka berri la isugu yeedhay ayaa waxaa ka mid ah dhaarinta Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Xildhibaan Abadiya noqonaya.

Ajandaha kulanka:-

1. Dhaarinta Madaweynihii h**e M.ne Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Adv Dahir - Xubin Guddiga Madaxa Banaan ee Hirgalinta Dastuurka
2. Doorashada Guddoonka Guddiyadda Golaha Shacabka.

Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa
Wakhtiga - 09.00 Subaxnimo

18/08/2022

Waxaa Ma gaalda Laascaanod La qabsaday Octobe 15 2007 maamulka Hargaysa ee SNM/Somaliland oo adeegsanaya dad ka soo jeeda SSC ayaa Degmada Laascaanood La wareegay ilaamaantana Gacanta ku haya.

Madaxda dhaqan ka Deegaanka SSC waxay si’buuxda uga soo horjeesteen Qabsashada Laascaanood iyo Duulaanka lagu soo qaaday.

Shirkii Boocame #3 waxay isimada isla qaateen in ay si’wada jir ah ula dagaalamaan uga horyimaadaan maamulka Hargaysa oo ay abaabulaan kacdoon ka dhan ah SNM.

Waxaa kaloo ay isla Qaateen in aysan Laascaanood tegin inta SNM gacanta ku hayso ,maxaa yeelay haday tagaan waxay muujinaysaa kala qaybsanaan iyo in ay Raali ku yihiin magaaladoodiiyoo Lahaysto in ay marti ku noqdaan.

Go’aan Madaxda dhaqanka Gobollada SSC waxay muujiyeen dadaal kasta oo ay Laascaanood ku soo noqonayso .

Maanta oo Taariikhdu tahay 16/07/2022 waa lafilayaa in shir uga furmo Magaalada Widhwidh oo uu gogol iyo martiqaad ku casumay Madaxda dhaqanka Garaad Abshir Wiilkiisii oo Hadeer Garaad ah.

Walaaca dad badani Qabaan baa ah,Jiilkii h**e ee Madaxda dhaqanka Dhulbahante/Ragii h**e hadii ay meesha ka baxaan suuragal matahay in Rag umadan Samabixin Rara ay soo baxaan ma helidoonaa Garaado umadan kumatala Dhaqanka kana shaqeeya Xasiloonida iyo Nabada.



Qadiyadu waa mihiin nolasha aadamaha Garaadadu manoqon doonaan ku yeesha Aragti meel mar ah oo ka madax Banaan Siyaasada .



Garad Abdullah Garaf Soofe Durraan 19/July 2014

Garaad Abshir Salex wuxuu geeryooday July 02/2016 Dalka Sweden

Ugaas Abdilaahi Ciise Nuur wuxuu Geeryooday 17/August 2016 Dalka Turkey

Garaag Cali Buraale 02/2018

Garaad Maxamuud Cismaan Mashqare Abril 2022

Ugaas Farah Dheere July 15/2022

""🇸🇴 Dhamaantood waxay Geeryoodeen ayagoo gobanimo Doon ah Laascaanood na aan akrin ayadoo xor"". 🇸🇴

Ilaaahay dambigooda hadhaafo naxariistiisana hagu deeqo Madaxdii Dhaqan ka ee SSC inta noolna ilahay ha waafajijo Towfiiqda iyo Talada umda.

Geerida Hadraawi baan maqlay mardhawayd. Oday murtida iyo garaad-wadareedka bulshada wax ku darsaday buu ahaa. Alle naxa...
18/08/2022

Geerida Hadraawi baan maqlay mardhawayd. Oday murtida iyo garaad-wadareedka bulshada wax ku darsaday buu ahaa. Alle naxariista ha ugu deeqo.

I am sending a message of congratulations to the elected President of the Government of Kenya Mr. William Samoei Ruto an...
15/08/2022

I am sending a message of congratulations to the elected President of the Government of Kenya Mr. William Samoei Ruto and his Deputy Mr. Rigathi Gachagua, who won the Presidential elections in that country. Wishing you peace, prosperity and stability.

17/07/2022

Ku soo dhawaadaa

Address

Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halgama ibnu azhari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Halgama ibnu azhari:

Share