XARLA KOMBE

XARLA  KOMBE WARBAHINTA WARARKA PEGKA XARLA KOMBE KASOCO WARARKA ADUUNKA
(3)

23/10/2025

Marabta inuu ilahay Dambikaga Dhaafo Ku Sali Nabigeni Maxamed
Scw. Scw. Scw

Khaliil Al-Xaya: "Heshiiska Qasa wuu sii jiri doonaa, annagana waxaa naga go'aan inaan ku taagnaanno
21/10/2025

Khaliil Al-Xaya: "Heshiiska Qasa wuu sii jiri doonaa, annagana waxaa naga go'aan inaan ku taagnaanno

⚖️ Taariikhda ayaa berri la qorayaa.22 Oktoobar 2025, Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) waxay soo saari doontaa ...
21/10/2025

⚖️ Taariikhda ayaa berri la qorayaa.
22 Oktoobar 2025, Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) waxay soo saari doontaa ra’yigeeda ku saabsan waajibaadka Israa’iil, Qaramada Midoobay, iyo dalalka saddexaad ee ku lugta leh gumeysiga dhulka Falastiin.
Sharciga caalamiga ah waa mid aan la muran gelin:

Qabsashada dhul xoog lagu haysto waa sharci darro – sida ku cad Qodobka 2(4) ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo go’aannada Golaha Ammaanka (242, 478).

• Ma jirto dawlad sharci ah oo dhul la qabsatay la wareegi karta – sida uu dhigayo Qodobka 47 ee Heshiiska Afraad ee Geneva.
• Cid kasta oo aqoonsata ama ka faa’iidaysata dhul la haysto waa la wada mas’uul ka ah xadgudubka.

Ma jiro cudurdaar dambe. Cid kasta oo weli heshiisyo la gasha Israa’iil, la macaamisha, ama safiir u dirta dhulka la haysto waxay ka mid noqon doontaa dambiga. Tani ma aha “arrin siyaasadeed” – waa dambiyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Cadaaladdu waxay timaaddaa si gaabis ah, balse way imaanaysaa. Berri ICJ waxay dunida u sheegi doontaa cidda la safan xadgudubka iyo cidda la safan xuquuqda bani’aadamka.

19/10/2025

Madaxii h**e ee Golaha Islaamka Itoobiya, M***i Xaaji Cumar Idiriis ayaa ku geeriyooday magaalada Addis Ababa allaha Qabri u waaciyo

18/10/2025

Cawa Maxaa jira

𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼Waxaan hambalyo u dirayaa xubnaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee kakooban sagaalka xibnood ee ku matali...
15/10/2025

𝗛𝗮𝗺𝗯𝗮𝗹𝘆𝗼

Waxaan hambalyo u dirayaa xubnaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee kakooban sagaalka xibnood ee ku matali doona Barlamaanka Bulshada Bariga Afrika, (East African Community), oo maanta ay doorteen labada aqal ee Barlamaanka BJFS.

waxaan hambalyo iyo duco gaar ah u diraya adeer prof Faisal Roble , oo aqoon durugsan u leh maamulka iyo diblomaasiyadda caalamka, gaar ahaan geeska africa.

Raila Odinga ayaa hadda la xaqiijiyey geeridiisa, Raila ayaa mudaba xanuunsanaa. Waxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta Kenya i...
15/10/2025

Raila Odinga ayaa hadda la xaqiijiyey geeridiisa, Raila ayaa mudaba xanuunsanaa. Waxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta Kenya iyo Afrikaba ugu caansan.

Madaxda caalamka ayaa magaalada Sharma el Sheikh re waddanka Masar ku saxeexay heshiiska nabadda ee GZ, iyadoo maantana ...
13/10/2025

Madaxda caalamka ayaa magaalada Sharma el Sheikh re waddanka Masar ku saxeexay heshiiska nabadda ee GZ, iyadoo maantana lasii daayey maxaabiis labada dhinac ku kala xidhnayd

Waa kuwee ragga caanka ah ee laga reebay liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee Israa'iil sii deyn doonto iyo Xamaas oo ...
11/10/2025

Waa kuwee ragga caanka ah ee laga reebay liiska maxaabiista Falastiiniyiinta ee Israa'iil sii deyn doonto iyo Xamaas oo cadaadis wada

Xamaas ayaa cadaadis ku saareysa Israa'iil in ay ku darto magacyada maxaabiis Falastiiniyiin caan ah liiska dadka la sii daynayo — taasoo qayb ka ah heshiis xabad-joojin ah oo sidoo kale lagu soo celinayo la haystayaasha Israa'iil ee laga hayo Qasa.

Dalabka adag ee Xamaas ayaa yimid kaddib markii wasaaradda cadaaladda Israa'iil ay shaacisay magacyada 250 maxbuus oo la sii dayn doono, balse laga reebay toddobo maxbuus oo caan ah, oo ay ku jiraan Marwan Barghouti iyo Ahmad Sa'adat.

Raggan oo xukuno lagu riday ayaa waxaa lagu helay dambi ah inay ku lug lahaayeen weeraro lagu hoobtay oo ka dhacay Israa'iil, waxaana dadka reer Falastiin ay muddo dheer u arki jireen calaamado iska caabin ah.

Waxaa la filayaa in 20 la hayste Israa'iiliyiin ah la sii daayo ka hor 12:00 duhurnimo maalinta Isniinta, iyada oo qayb ka ah heshiiska uu soo jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sarkaal sare oo Falastiini ah oo si dhow ula socda wadahadallada ayaa u sheegay in ergayga Mareykanka, Steve Witkoff, uu ballan qaaday in uu arrinta ka saaridda maxaabiista Falastiiniyiinta kala hadli doono Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu. Laakiin Israa'iil ayaa si adag u diiday in ay ku darto.

Mushaarka cusub ee macaliniinta Jaamicadaha Itoobiya.Macaliniinta darajada Lecturer:Mushaarka guud waa 25,285 Birr, cash...
03/10/2025

Mushaarka cusub ee macaliniinta Jaamicadaha Itoobiya.

Macaliniinta darajada Lecturer:Mushaarka guud waa 25,285 Birr, cashuurta kadib waxaa macalinka gaadhaysa 16,715 Birr

Assistant Professor: Mushaarka guud wuxuu qaadanayaa 32,809 Birr. cashuurta kadib waxaa gaadhaysaa 21,079 Birr

Associate Professor: mushaarka guud waa 35,778 Birr, cashuurta kadib waxaa gaadhaysa 22,801Birr

Professor-ka mushaarka guud waa 39,000 Birr, cashuurta kadib waxaa gaadhaysa 24,670 Birr

Ogaden  Natural Gas
02/10/2025

Ogaden Natural Gas

Address

Somali Riogian
Addis Ababa
348

Telephone

+251915238621

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when XARLA KOMBE posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to XARLA KOMBE:

Share