The Africa+ SOMALI

The Africa+ SOMALI Ku soo dhawaawada The Africa Plus+ laanteeda Afka Soomaaliga.

Meel aad ku heli karto xogo dhab ah, warar waxtar leh, iyo wararkii ugu dambeeyay ee Qaaradda Afrika iyo guud ahaan Caalamka.

28/03/2026

| Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo Xeer Madaxweyne ku soo saaray Dhismaha Guddiyada Xil-wareejinta Qaranka.

24/03/2026

: Madaxweynaha Soomaaliya oo Cafis 90 Maalmood u Fidiyey Dhallinyarada Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cafis 90 maalmood ah u fidiyey dhallinyarada ku lug lehaa falalka kooxaha khawaarijta ah.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada la cafiyey u ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto abuurista fursado iyo mustaqbal ay uga qeyb qaadan karaan horumarka iyo dib u dhiska dalkooda.

Dowladdu waxay tilmaantay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo ka hortagga dhallinyarada inay ku biiraan kooxaha argagixisada.

 : Wadahadallo Muhiim ah oo Gobolka ah ayaa Ka Bilaabmay Jabuuti, Iyadoo Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay La ...
11/03/2026

: Wadahadallo Muhiim ah oo Gobolka ah ayaa Ka Bilaabmay Jabuuti, Iyadoo Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya ay La Kulmeen Madaxweyne Ismail Omar Guelleh .

Madaxda gobolka ayaa maanta gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti si ay uga qaybgalaan kulamo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo arrimaha gobolka iyo xoojinta iskaashiga dalalka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Itoobiya, Abiy Ahmed, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, ayaa si wadajir ah u gaadhay magaalada caasimadda ah ee Jabuuti, halkaas oo ay kulamo muhiim ah kula leeyihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Ismail Omar Guelleh.

Kulamadan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarinta wadajirka ah ee dalalka gobolka. Sidoo kale, madaxdu waxay ka wada hadli doonaan xaaladda guud ee Geeska Afrika iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Imaanshaha madaxdan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay doorka Djibouti ee ku aaddan isu keenidda wadahadalada iyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga dalalka deriska ah.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa inay kasoo baxdo kulamada ay yeeshaan madaxda saddexda dal saacadaha ama maalmaha soo socda.

04/03/2026

| Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tallaabada ay ku ansixiyeen Dastuurka dalka,

 # : Dawladda Federaalka Somalia ayaa xidhay Lataliye sarre oo ka tirsan Lataliyayaasha Madaxweynaha Dawlad gobaleedka P...
04/03/2026

# : Dawladda Federaalka Somalia ayaa xidhay Lataliye sarre oo ka tirsan Lataliyayaasha Madaxweynaha Dawlad gobaleedka Puntiland Somalia .

Police ka Federaalka Somalia ayaa sheegay inay baadhis ku wadda Ahmed Abdi H**e oo ku edaysan falal amni darro sida ay sheegeen

28/02/2026

LASOCO: CASHARKA 11: Darsiga maanta wuxuu ku saabsan yahay magaca Allaah SWT ee Al Salaam (السلام).

  "Waxaan haystaa siyaabo badan oo aan uga bixi karo dagaalka Iiraa, waan dheerayn karaa, waana soo gaabin karaa.."Donal...
28/02/2026

"Waxaan haystaa siyaabo badan oo aan uga bixi karo dagaalka Iiraa, waan dheerayn karaa, waana soo gaabin karaa.."Donald Trump.

26/02/2026

LASOCO: CASHARKA 09: Magaca Allaah SWT ee Almalik ( الملك).

25/02/2026

LASOCO: CASHARKA 08: Casharkan wuxuu ku saabsan yahay magacyada Allaah SWT ee Al Raxmaan iyo Al Raxiim (الرحمن الرحيم).

25/02/2026

: Somaliland iyo Madasha House of Commons: Fursad Istiraatiiji ah

Address

The Africa Plus
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when The Africa+ SOMALI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share