09/08/2025
CILMI DHEERE EE Q, DAHAR
Masjidka Cilmi-dheere Waa mid ka mid ah Masaajidda oogu Taariikhda dheer Deegaanka Soomaalida. Wax ku dhow hal qarni ayuu dhisanyahay (Halka uu ku yaallo waa Magaalada Qabri-daharre ee Xarunta Gobolka Qorraxey ).
Masjidku wuxuu caan ku yahay kuna caanbaxay inuu yahay rugta oogu wayn ee lagu barto Shareecada islaamka.
Waxaa Culuumta kala duwan ee Shareecada Islaamka ku barata Culimo aad u badan.
Dhammaan Funuunta kala duwan ee Shareecada Waa lagu bartaa
1, Qur'aanka Iyo Culuumtiisa Sida {Xifdinta Qur'aanka, Tajwiidka, Tafsiirka, Qiraa'aadka iyo dhammaan Wax kasta oo Qur'aanka ku tacalluqa}.
2, Axaadiithta Iyo Culuumtooda Sida (Cilmiga Musdhalaxa, Sharxidda Xadiith-ka, Iyo dhammaan Culuumta ku tacalluqda Axaadiithta).
3, Caqiidada Islaamka
4, Siirada Rasuulka ﷺ
5, Siirada Saxaabada RC
6, Aadaabta
7, Tasawufka
8, Fiqiga iyo Culuumtiisa Sida [Usuulu fiqiga, Kala saaridda Madaahibta, iyo dhammaan Culuumta ku xeeran Fiqiga]
9, Culuumta Af-carabiga Sida \ Cilmiga Qurxinta Farta Carabiga,(Khadka) Naxwaha, Sarfiga, Balaaqada, Mandhiqa, Curuudka, Qawaafida iyo dhammaan Culuumta ku tacalluqda Afka Carabiga
10, Iyo Dhammaan Noocyada Culuumta diiniga ah
Culimada Cilmi-dheere Wax ku baratay waxay Kutubta ku Akhriyaan dhammaan Deegaanka Soomaalida, Somalia, Kenya iyo meelo kaleba
Jaamacadda Cilmi-dheere Waa jaamacadda oogu Wanaagsan ee Deegaanka ku taalla
Waxaa kaloo xusid mudan in masjidku uu hoy u yahay Ardey aad u tiro badan Markasta ood masaajidka gasho waa buuxaa oo barxadda iyo guduhuba way cammiranyihiin
Cimri Dheer iyo Caafimaad allaw kumanaysto🤲
Shekheena All ustaad Mahad Xaji Shukri
Gabo gabo intaas ayaan meesha kuhaynaa ee xaqa iyo diinta ale hala taageero ,,,, dawlad iyo shacaba
Alaa Mahad leh.
nour