15/09/2022
WAY DHACDAA.......
Way dhici Kartaa in adigoo rabitaanka bulshada aan ahayn, dowladu kuu magacawdo jago muhiim ah taas oo dhici karta inaad lahayn aqoonteeda aas aasiga ah (essential knowledge) uu qofka uu u adeegsan lahaa ka mira dhalinta jagadaa.
Way dhici kartaa in tolkaagu qaybo kamid ah ay kusoo magacaabaan kuna soo dhigaan madasha wada tashiga beesha aad saamiga ku qaybsato si laguugu magacaabo jagada, iyadoo markaa inta badan tolku ku rabin, lkn ay kaso qaybgalayaashu aysan ka hadli karin sabbto ah, waxaa ay ka baqayaan in ninkan fikirkoodu waxba ka bedeli karin maadaama hogaaminta besha ay wadato, iyaguna aysan ogoleen markaa in ninkan noqon doono masuulka aysan cadoowtinimo u bilaabanin.
Waxa kaloo dhici karta in masuul deegaanka joogo nacayb uu u qabo shakhsiyaal ka dhisnaa dhanka aqoonta iyo xirfadaba iyaga dartood uu kuu magacaabo.
Hadaba maxaa ka dhalan kara arrinkaa:
š¤Masuulku wuxuu magaalada kala gelinayaa dhalinyara yar yar kuwaas oo usoo aruuriyo cid allaale iyo cidi wax ka sheegto, taas ayuu wakhti badan gelinayaa, wuxuuna il gooni ah ku fiirinaya oo calaamadeesanaya kana hor istaagaya fursadaha ka jira degmada.... iyo arimo kala o badan.
š¤dhanka bulshada, qalbiyada bulshada lagama yaabo inuu ku guuleysto, keliya waxay u arkayaan qof meesha la keensaday oo cid kala u shaqeeysa,xilli kastana waxay aaminayaan in shaqsigaan weligii wax ka bedeli doonin, sidoo kale ay fikir khaldan ka qaadayaan Xisbiga iyo nidaamka dowladeed taas oo ay mid aan ku dhisneyn rabitaan shacab iyo ka qayb gal bulsho..
Bal adba fikirkaaga ka hadal...
W/Q:AMN QALINKA SOO JEEDO