30/12/2022
WAAJIBAADKA MACALLINKA
Macallinku:
1. Waa in uu diyaariyaa cashar Maalin le ama todobaadle ah oo uu u gudbiyo Maamule-ku xigeen kiisa ama Madaxa waxbarashada ee Dugsiga si uu u shaandheeyo una hubiyo ka hor inta aanu casharada dhigin Macalinku.
2. Waa in uu bixiyo ama dhigo tirada xiisadaha loo qoondeeyay jadwalkiisa.
3. Waa in uu hayo diiwaanka xogta waxbarida sida; soo koobida casharka, xaadiriska ardayda ee maadadiisa, buuga qiimayn joogto ah, qorshayaasha shaqada,( Scheme of work) jadwalkiisa xiisadaha, wakhtiga fasalka IWM.
4. Waa in uu u fiirsada nadaafada fasalka iyo agagaarkiisa iyo wanaaga ardayda oo ay tahay in ay u horseedaan hanuun iyo kaalmo.
5. Waa in uu sameeya anshax-marinta ardaydiisa fasalka dhexdiisa iyo dibadiisaba, sidoo kale waa in uu u gudbiyaa kiisaska culus maamulka ku haboon.
6. Waa in uu hubiya oo sameeyaa soo koobid (Note-lesson) ay ardaydu si joogto ah u u akhristaan.
7. Waa in uu diyaariyo, saxo, diwaangeliyo laylisyada fasalka, Assignments-ka iyo imtixaannada isla markiiba.
8. Waa in uu ka qayb qaato sugida ama ilaalinta imtixaanada.
9 Waa in u xaadira oo uu si firfircoon uga qayb qaata shirarka waalidka iyo kuwa Macalmiintaba.
10. Waa in uu masuul ka noqdaa ama si wadajir ah ugala shaqeeyaa macalimiin kale ugu yaraan hal guddi ama Naadi oo dugsiga ah.
11. Waa in uu fuliyaa hawlaha kale ee ay faraan Maamule ku xigeenka dugsiga iyo maamulka kale ee dugsiguba.
Macalimiintu waxay dadaal Joogto ah ku bixiyaan Diyaarinta ardayda Aqoon ahaan iyo akhlaaq ahaanba.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Jimce wanaagsan dhamaan Macalimiinta iyo qof kasta oo raba Macalinimo.
Cabdisalaan faarax
____________________