23/01/2025
Sanadguurada 32-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska deegaanka Soomalida oo si meeqaam SARE leh loogu xusay magaalada Jigjiga.
Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ka dhacday Madasha kulamada ee Suldaan Odowaa Liibaan ee madaxtooyadan deegaanka ayaa loogu dabaaldegay maalintii la Aasaasay deegaanka Soomalida oo ku beegan 23-ka January ama 15-ka bisha Dharabley.
Munaasabadan Waxaa ka Soo qeybgalay Madaxda ugu sareysa deegaanka oo uu ugu h**eeyo Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumer, Madaxweyne ku-xigeenka DDS mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Afhayeenka golaha Xildhibanada DDS Marwo. Ayaan Cabdi, golaha fulinta deegaanka, Afhayeenka golaha Federeshinka Dalka mudane Aganyew Tashaagar, iyo Marti sharaf ka kala Timi Dalalka geeska Afrika ee aan Walaalaha nahay ee Soomaaliya, Krnya iyo Jibuuti.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxumed Cumer oo shacabweynaha DDS ugu hambalyeeyey munaasabadan ayaa xusay in ahmiyada xuska Maalintan Qiimaha badan tahay sidii Shacabka DDS gees ka gees uyeelan lahaayeen dareen midnimo iyo inay isku dan yihiin isla markaana Calanka yahay waxa kaliya ee mideeya Shacabka Deegaanka Soomaalida.
Mudane Mustafe Muxumed Cumer, Madaxweynaha DDS ayaa dhinaca kale sheegay in talisyadii dalka iyo deegaankuba ka soo arimiyay aay dhibaatooyin dhanka isirkabiyo jiritaankooda ah ugaysteen shacabka deegaanka iyadoo dhinaca kale uu jiray bilow dhinaca horumarka ah
GARBA CIISE PAGE