Xafiiska war-faafinta ee Ismaamulka dir dhaba

Xafiiska war-faafinta ee Ismaamulka dir dhaba ku xidhnaw boggani waa ka xafiiska war-faafinta iyo xidhiidhka dawladda ee ismaamulka dir dhaba

 |  Barnaamij si heer sare ah loo soo agaasimay oo abaal marin lagu gudoonsiiyay canshuur bixiyayaasha sida daacadda u b...
26/08/2026

| Barnaamij si heer sare ah loo soo agaasimay oo abaal marin lagu gudoonsiiyay canshuur bixiyayaasha sida daacadda u bixiyay.

| Naaf 20/2018

Barnaamijkani oo usoo diyaariyay wakaaladda dakhliga ismaamulka dir dhaba ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta ismaamulka oo uu hor kacayo duqa ismaamulka dir dhaba mudane khadiir jawhar, ku xigeenkisa mudane xarbi buux, af-hayeenka barlamaanka ismaamulka dir dhaba mudane cabdi mukhtar iyo ku xigeenadiisa marwo kariima cali iyo waliba madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo laantiisa dir dhaba mudane ibaraahim yuusuf.

Sido kale barnaamijkani ayaa waxaa kasoo qayb galay aabayaasha dhaqanka iyo maalqabeenada heerarkooda kala duwan ee la gudoonsiiyay abaal marinta.

Barnaamijkani oo marki 5aad la qabtay ayaa waxaa markani lagu abaal marinayaa 121 ganacsade oo ah kuwa canshuueta sidi loogu talagalay u bixiya.

ugu horaynti waxaa barnaamijka ka hadlay duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar oo sheegay in ay maal-qabeenada iyo ganacsatada sida sharciga waafaqsay ay yihiin laf dhabarka dalka canshuurta ay bixiyaana dib loogu celiyo horumarka dalka.

Mudane khadiir jawhar ayaa intaasi ku daray in abaal marinta caynkani oo kale ku beerayso hididiilo gaar ah canshuur bixiyayaasha loona baahan yahay kuwa kale ee is-daba marinaya canshuurta in ay sideeda u bixiyaan.

Geesta kale Wakiilka Wasiirka Dakhliga Federaalka ahna Agaasimaha waaxda Sharciga iyo Maareynta Nidaamka canshuuraha Marwo Mahlet Amdhe ayaa sheegtay in canshuurto la bixiyo ay tahay ilbaxnimo aad ku xoojinaysid jiritaanka dalkaaga ayna waajib buuxa ku tahay cid kaste oo muwaadin ah.

Mudane cabdisalaam maxamad oo ah maareeyaha wakaaladda dakhliga ismaamulka ayaa sido kale sheegay in sannadba sannadka ka danbeeya ay isasoo tarayso tirada ganacsatada sida daacadda ah u bixoya dakhligi loo qoondeeyay iyago si aaminaad leh u bixinaya canshuuraha sannadlaha.

 | Ismaamulka Dir Dhaba ayaa sii xoojinaya hirgelinta hindisaha “Ku-tiirsanaanta gargaarka ilaa wax-soo-saarka”, kaas oo...
26/08/2026

| Ismaamulka Dir Dhaba ayaa sii xoojinaya hirgelinta hindisaha “Ku-tiirsanaanta gargaarka ilaa wax-soo-saarka”, kaas oo uu ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, ujeeddadiisuna tahay in bulshada laga gudbiyo ku-tiirsanaanta gargaarka, loona gudbo wax-soo-saar iyo isku-filnaansho.

| Naaf 20/2018

Hindisahan oo Dir Dhaba si rasmi ah uga bilowday 18-ka Naaf 2018 T.I isla markaana qorshuhu soconayo ilaa 30-ka Meskerem 2019 T.I ayaa hadda si toos ah looga wadaa ismaamulkani dir dhaba

Duqa Ismaamulka Dir Dhaba Mudane Khadir Johar ayaa sheegay in si hindisaha looga dhigo mid midho-dhal ah ay muhiim tahay in dhammaan dhinacyadu ay si masuuliyad leh, isku-duubni iyo dadaal wadajir ah uga shaqeeyaan.

Ku-xigeenka Duqa, Mudane xarbi Buux ayaa sheegay in la xoojinayo laguna ballaadhinayo kaabayaasha beeraha waraabka si beeralaydu ay u awoodaan inay sannadkii laba ilaa saddex jeer wax usoo saaraan.

Arrintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo isku-filnaanshaha cuntada iyo kayd cunto oo ku filan bulshada.

Waxa kale oo uu sheegay in lala kaashanayo hay’adaha aan dowliga ahayn sidii loo xoojin lahaa isku-filnaanshaha cuntada iyo diyaar garowga xaaladaha khataraha iyo masiibooyinka.

Geesta kale madaxa Xafiiska xisbiga barwaaqo laantiisa Dir Dhaba Mudane Ibrahim Yusuf ayaa sheegay in hawshani aysan ku koobnayn hal waax oo keliya, balse ay u baahan tahay iskaashi iyo isku-duwid buuxda oo dhex marta dhammaan qaybaha kala duwan.

Mudane Ibrahim ayaa sidoo kale xusay in iyadoo la xoojinayo wax-soo-saarka iyo isku-filnaanshaha cuntada isla markaana la kobcinayo dhaqanka iskaashiga iyo is-caawinta beeralayda ay suurtagal tahay in laga gudbo saboolnimada iyo ku-tiirsanaanta gargaarka.

Kulanka ayaa ugu dambayn lagu adkeeyay in dhammaan dhinacyadu ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta wax-soo-saarka, isku-filnaanshaha cuntada iyo yareynta ku-tiirsanaanta gargaarka, si loo gaaro bulsho iyo dal isku filan.

  | Wakkaladda Dakhliga ee ismaamulka Dir Dhaba ayaa  qabataay Barnaamijka  dhirta beerista  oo qayb ka ah adeegyada sam...
26/08/2026

| Wakkaladda Dakhliga ee ismaamulka Dir Dhaba ayaa qabataay Barnaamijka dhirta beerista oo qayb ka ah adeegyada sama falka ee bilahani xagaga.

| naaf 20/2018.

Barnaamijkani dhir beerista ayaa waxaa ka soo qayb galay Duqa ismaamulka Dir Dhaba Mudane Khadir Juhar Ku-xigeenka Duqa Mudane Xarbi Buh, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee laantisani dir dhaba Mudane Ibrahim Yuusuf, Wakiilka Wasiirka Dakhliga Federaalka ahna Agaasimaha waaxda Sharciga iyo Maareynta Nidaamka canshuuraha Marwo Mahlet Amdhe mas'uuliyiin sare iyo shaqaale ka tirsan wakkaladda iyo sidoo kale canshuur bixiyayaasha sare.

Dhirta oo ka koban, geedo yaryar oo noocyo kala duwan leh, oo ay ku jiraan khudaar ama laga goosto midhaha la cuno ayaa lagu beeray xarunta Xisbiga Barwaaqada.

Cabdiahi Cabdo
Sawirka:- agenyew Shewarega.

Xuska Mawliidka Rasuulka (NNKH) oo si weyn looga xusay Ismaamulka Dir-DhabaMunaasabad ballaaran oo lagu xusay Mawliidka ...
25/08/2026

Xuska Mawliidka Rasuulka (NNKH) oo si weyn looga xusay Ismaamulka Dir-Dhaba

Munaasabad ballaaran oo lagu xusay Mawliidka Rasuulka Muxammad (NNKH), Mawliidka sannadkiisa 1501-ka, ayaa si weyn loogu qabtay magaalada Dir-Dhaba.

Mawliidka Rasuulka Muxammad (NNKH) waa munaasabad ay Muslimiintu ku xusaan dhalashadii iyo nolosha Rasuulka Muxammad (NNKH), iyagoo dib u xusuusta taariikhdiisa, akhlaaqdiisa, fariintii Islaamka iyo kaalintii uu ku lahaa hanuuninta ummadda.
Munaasabadaha Mawliidka ayaa inta badan lagu qabtaa qur’aan akhris, salaan iyo salawaat loo diro Rasuulka (NNKH), muxaadarooyin diini ah, wacdi iyo waano, iyadoo culimadu bulshada xusuusiyaan muhiimadda ay leedahay ku dayashada akhlaaqda iyo dhaqanka wanaagsan ee Rasuulka (NNKH).

Munaasabadda oo uu soo qabanqaabiyay Golaha Arrimaha Islaamka ee Ismaamulka Dir-Dhaba, ayaa lagu muujiyay qiimaha weyn ee ay maalintani ku leedahay quluubta Muslimiinta, iyadoo xusku astaan u yahay jacaylka loo qabo Rasuulka (NNKH), farxadda, isugu imaatinka iyo xoojinta wadajirka iyo midnimada bulshada Muslimiinta.

Munaasabadan waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka Ismaamulka Dir-Dhaba, oo uu kamid yahay Ku-xigeenka Maayarka Ismaamulka Dir-Dhaba mudane Xarbi Buux, hoggaanka Golaha Arrimaha Islaamka ee Ismaamulka, culimaa’udiin, waalidiin, hooyooyin iyo aabbayaal, dhallinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Dir-Dhaba.

Sheekh Khadir Cabaas oo kamid ah hogaaminta Gollaha Arrimaha Islaamka ee Ismaamulka Dir-Dhaba ayaa sheegay in mawliidku uu muslimiinta oo dhan ugu suntan yahay maalin ay ku muujiyaan jacaylka iyo maxabada faraha badan ee ay u qabtaan Rasuulka S.C.W ayna ka turjumayso maalin si weyn u midaysa islaamka yar iyo weyn. Maalin siirada nabiga, nashiidooyin, qasiidooyin iyo kalgacaylkiisa la weyneeyo.
Sheekh Khadir Cabaas ayaa sidoo kale sheegay In kalgacaylkiisa uun lagu koobnaan ee ay ugu muhiimsan tahay in kalgacalka loo qabo lagu ladho in la raaco sunnada Rasuulka taas oo ummada ka badbaadinaysa dhibaatooyinka iyo halaaga aduun iyo aakhiro. Looguna dhawaanayo naxariista iyo raali ahaanshaha Alle iyo Janadiisa.

Mudane Xarbi Buux Warsame ayaa sheegay in Mawliidka Nabigu S.C.W uu yahay mid bulshadu dhexdeeda iyo cid kasta ay ku weyneeyaan si wada-jir ahna ugu dabaal dagaan. Maantana ay tahay maalin kaalin weyn ku leh dunida Islaamka taas oo ah maalinkii uu dunida yimiday Rasuulkeena Muxamed S.C.W. loona baahan yahay in wax badan laga barto hogaamintiisii, midayntiisii iyo kaalinta uu bulshada Islaamka ugu dhex abuuray nidaam cadaaladeed, amni iyo maamulka suuban.

Munaasabadda ayaa sidoo kale fursad u ahayd bulshada Muslimiinta inay ku muujiso jacaylka iyo qaddarinta ay u hayaan Rasuulka Muxammad (NNKH), iyadoo lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta midnimada, walaaltinimada iyo wadajirka bulshada.
Waxa halkaas lagu soo bandhigay nashiidooyin, qasiidooyin iyo madadaalo ku suntan halgankii uu Rasuulku dunida ugu gaadhsiiyay diinteena suuban ee Islaamka.

24/08/2026

Subax wanaagsan arooryo suuba ummadda soomaaliyeedey

Ururka Taksiyada Habeenka ee Dir Dhaba, oo ay xubno ka yihiin 500 qof, ayaa barnaamijka Raadka Cagaaran  ee beerista gee...
20/08/2026

Ururka Taksiyada Habeenka ee Dir Dhaba, oo ay xubno ka yihiin 500 qof, ayaa barnaamijka Raadka Cagaaran ee beerista geedaha ka fuliyay Kilasterka Biyo Cawale gaar ahaan qabalaha , Ijanani
Mudane Ibraahim oo ah madaxa xisbiga barwaaqo ee Dir Dhaba ayaa sheegay in xubnaha ururku, iyagoo dhinac ka wada, adeegga gaadiid ee ay bulshada siiyaan, ayay sidoo kale beerayaan geedo kala duwan oo wax ka tari kara sugnaanta cuntada.
Wuxuu xusay in tallaabadani aysan kaliya qayb ka ahayn wax ka qabashada caqabadaha ka jira waaxda gaadiidka, balse ay sidoo kale muujinayso mas’uuliyadda bulshada iyo sida ay uga go’an tahay ka qaybqaadashada barnaamijka Raadka Cagaaran .
Dhankiisa, komishinka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Ismaamulka Dir Dhaba, komishiner Khaalid Maxamed, ayaa bogaadiyay ururka oo iskiis u bilaabay ka qaybqaadashada adeegga tabarucaadda.
Wuxuu sidoo kale ku booriyay bulshada inay si joogto ah u daryeesho geedaha lagu beerayo deegaanada kala duwan, si ay u koraan oo ay u yeeshaan faa’iidoyin waara.
Guddoomiyaha Ururka Taksiyada Habeenka ee Dir Dhaba , Qalkidan Tsahey, ayaa isna sheegay in dhallinyaradu ay si firfircoon uga qaybqaadanayaan hawlaha tabarucaadda xilliga xagaaga, oo ay ka mid yihiin beerista geedaha, dayactirka guryaha dadka danyarta ah iyo dhiig bixinta.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in adeegyada tabarucaadku ay door weyn ka qaataan isku soo dhawaanshaha dhallinyarada, isla markaana ay ka caawiyaan inay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha qiyamka iyo masuuliyadda qaranka.

  | Waxaa laa sheegay in dir dhaba,aay ka socdan horumar baxaad leh, oo lataaban karo si magalada loga dhigo Xarunta Dal...
19/08/2026

| Waxaa laa sheegay in dir dhaba,aay ka socdan horumar baxaad leh, oo lataaban karo si magalada loga dhigo Xarunta Dalxiiska.

| Naaf 13/2018.

Ku xigeenka Duqa Magaalada Dir Dhaba,ahna Madaxa Xafiiska Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, mudane Xarbi Buh,oo maanta kormeer indha indhayna ku marayaay dhismaysha qaybta dalxiske hodheelada maglada diridhaba, ayaa sheegay in hodheellada la dhisayo ay yihin kuwo la jan qadi kara horumarka magalada kasocda sii loo hubiyo in qayb dalxiis oo wanaagsan u noqdan.

Ku xigeenka Duqa Magaalada Dir Dhaba ahna Madaxa Xafiiska Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga,mudane xarbi bux, ayaa sido kale, sheegay in shaqooyin badan oo dhanka malgashiga la qabanayo si loo horumariyo Dir Dbaba, oo ah magaalo ganacsi iyo warshadeed.

Mudane, xarbi,oo hadalkisa wata ayaa sheegay in dalxiisayaal badan oo gudaha iyo dibadda ah ay kuso qulqulayan imaanay magalada iyo ka qayb qadnaya horumarka dhanka dalxiska.

Dhankisa,Madaxa Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska ee is Maamulka Dir dhaba, mudane Wondhasen Abay, ayaa sheegay in tirada dalxiisayaasha imanaya Dir dhab, ay soo hagaagayso mar mar kasi danbaysa,wuxuuna inta kudaray inay si gaar ah u tixgalinaya sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa muwaadiniinta ka qayb qaadanaysa mashruuca dhanka horumarka dalxiska.

Cabdilahi Cabdo
Sawirka: Agenevew Shewarega.

GUDIGA WADATASHIGA QARANKA OO BERRI DHAMMAAN ERGOOYINKA SI WADAJIR AH UGU SOO BANDHIGAYA DUKUMENTIGA K**A DAMBAYSTA AH  ...
19/08/2026

GUDIGA WADATASHIGA QARANKA OO BERRI DHAMMAAN ERGOOYINKA SI WADAJIR AH UGU SOO BANDHIGAYA DUKUMENTIGA K**A DAMBAYSTA AH

Guddiga Wadatashiga Qaranka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in dukumentiga k**a dambaysta ah, oo lagu soo ururiyey talooyinkii lagu soo bandhigay Golaha Wadatashiga Qaranka, berri oo ku beegan 14-ka Nehasa 2018 T.I. si wadajir ah loogu soo bandhigi doono dhammaan ergooyinka wadatashiga.

Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Wadatashiga Qaranka Hirut Gebreselassie oo shir jaraa’id qabatay ayaa xustay in kooxda isku-dubbaridka oo ka kooban 120 xubnood, taas oo loo xilsaaray isku-waafajinta talooyinka ay soo jeediyeen siddeedda kooxood, ay si taxaddar leh u soo shaqeyeen, isla markaana ay ilaa xalay soo diyaarisay hal dukumenti oo mideysan.

Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa xusay in dukumentiga mideysan saaka loo soo bandhigay siddeedda kooxood, iyadoo koox walba ay ka bixinayso talooyin iyo faallooyin k**a dambays ah.

Waxay sidoo kale tilmaantay in kooxda isku-dubariddu ay caawa ku dari doonto faallooyinka iyo talooyinka la ururiyey, kadibna ay dhammaystiri doonto oo diyaarin doonto dukumentiga k**a dambaysta ah.

Sidaas darteed, berri oo ku beegan 14-ka Nehasa 2018 T.I. dukumentiga k**a dambaysta ah ee la isku-dubariday ayaa si wadajir ah loogu soo bandhigi doonaa 4,000-Ergooyinka Golaha Wadatashiga Qaranka, taasoo muujinaysa in geeddi-socodku gaaray marxalad muhiim ah.

Ugu dambeyn guddoomiye-ku-xigeenka Guddida Wadatashiga Qaranka ayaa shacabka ugu baaqday inaysan ku jahawareerin wararka qalloocan, balse ay si joogto ah ula socdaan bayaannada rasmiga ah ee Guddiga Wadatashiga Qaranka.

Wasaaradda Nabadda ee JDFI oo kaashanaya Garabka dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo laantiisa Ismaamulka Dir-Dhaba ayaa tabab...
18/08/2026

Wasaaradda Nabadda ee JDFI oo kaashanaya Garabka dhalinyarada Xisbiga Barwaaqo laantiisa Ismaamulka Dir-Dhaba ayaa tababar ku saabsan barnaamijka tabarucaadka xagaaga iyo adeegyada bulshada u qabtay xubno ka tirsan garabyada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga Barwaaqo.

Ujeeddada tababarka ayaa ahayd in dhallinyarada ka qaybqaadanaysa hawlaha tabarucaadka xagaaga lagu xoojiyo wacyigooda ku aaddan ka hortagga dhibaatooyinka caafimaad, shilalka gaadiidka, dhaqamada waxyeellada leh iyo isticmaalka maandooriyaha. Sidoo kale, dhallinyarada waxaa lagu dhiirrigelinayaa inay bulshada gaarsiiyaan aqoonta iyo wacyiga ay ka heleen tababarka marka ay ku guda jiraan hawlaha adeegga bulshada.

Wakiilka Wasaaradda Nabadda, Dr. Biruk Mekonnen, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay heer qaran ka waddo isku-dubbaridka barnaamijka tabarucaadka xagaaga, iyadoo xoogga saaraysa sidii barnaamijku uga gudbi lahaa taageerada bulshada oo keliya, isla markaana uu dhallinyarada ka qaybqaadanaysa u noqon lahaa fursad lagu kobciyo aqoontooda iyo wacyigooda.

Dr. Biruk ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dhallinyaradu, ka hor inta aysan dadka kale taageerin, ay marka h**e muhiim tahay inay naftooda ka ilaaliyaan falalka waxyeellada leh, isla markaana ay si wanaagsan u ilaashadaan caafimaadkooda. Waxa uu tilmaamay in tababarkan loo diyaariyay iyadoo arrimahaas si gaar ah loo tixgelinayo.

Dr. Biruk ayaa intaa ku daray in hawlaha samafalka iyo tabarucaadku ay door muhiim ah ka qaataan xoojinta isku-xirka bulshada, is-aaminaadda iyo dhismaha qiyamka nabadda, maadaama ay abuuraan fursado ay bulshada qaybaheeda kala duwan si wadajir ah ugu adeegaan.

Dhankeeda, Agaasimaha Agaasinka Dhismaha Dhaqanka Dimuqraadiyadda iyo Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Dir-Dhaba, marwo Sabaax Mahdi, ayaa sheegtay in intii lagu guda jiray barnaamijka tabarucaadka xagaaga la abaabulay dhallinyaro badan, isla markaana la fuliyay hawlo bulsho oo wax-ku-ool ah.

Barnaamijka tabarucaadka xagaaga ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhiirrigelinayo ka qaybqaadashada dhallinyarada ee adeegyada bulshada, kor loogu qaadayo wacyiga bulshada, laguna xoojinayo doorka dhallinyarada ee nabadda, wadajirka iyo horumarka bulshada.

18/08/2026

waxa la sheegay in mashaariicaha waddooyinka isku xidha qabaleeyada miyiga ismaamulkani dir dhaba ay bulshada u soo kordhisay is-dhex gal dhaqaale iyo mid arrimaha bulshada ah.

Cabdiraxmaan cuamaan
Sawir qaade:- tedhiros li'uul-sagadh

Address

Dire Dawa
Dire Dawa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska war-faafinta ee Ismaamulka dir dhaba posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share