06/07/2022
Khudbadii U Dambaysay ee Nabi Muxamed (NNKH)Ka jeediyay Carafa..Khudbadiiuu Rasuulku Maalintaas jeediyay waxay ahayd, fariin muhiim ah oo ay waajib tahay in qof walba oo muslim ah oo ugu yaraan hal mar akhriyo kalmadihii Rasuulku maalintaas sheegay. Waxaan idiin soo turjumay Khudabadii Rasuulka (NNKH) Akhri ilaa dhammaadka deedna la wadaag asxaabtaada.โโ Dadyohow i dhagaysta, ma garanayo in sanadkaan kadib aanmar dambe halkaan soo istaagi doono. Sidaa daraadeed si fiican u dhagaysta warka aan idiin sheegayo, una sii gudbiya kuwa aysan u suurto galin inay halkaan nala joogaan. Meeshaan barakaysan, maalintaan barakaysan iyo bishaan barakaysan darteed, xasuusnaada inaad dhabtii Rabbigiina lakulmi doontaan, acmaashiinana laydinka xisaabin doono, hadaba digtoonaada. Dadyohow dhiiggiina iyo maalkiinu, waa idinka xaaraansanyahay. Midkii idinka mid ah ee ammaano haya, ha u celiyo qofkii iskalhaa. Ribbo ( Dulsaar) dhammaanteed waa mamnuuc, ha yeeshee faaidadiin idinkaa iskaleh. Qofna ha dulmiyin adigna laguma dulmin doonee. Ha iska aargoosanina, Dhiiggii aad iska daadiseen waqtigii jaahilyadda.Dadyohow iska ilaaliya shaydaanka, wuxuu isku dayi doonaa in uu idinku khaldo waxyaalo yar yar, uga digtoonaada shaydaanka diintiina darteed. Raggoow ogaada in dumarkiinu xaq idinku leeeyihiin, idinkuna aad iyaga xaq ku leedihiin. Xasuunow in aad ku guursatay, Ogolaanshaha ilaahay iyo rumaysnaantiisa. Haweenkiinu waxay xaq idiinku leeyihiin, inaad si naxariisleh u quudisaan uguna labistaan. Ula dhaqan marwadaada si wanaagsan oo naxariis leh, sababtoo ah waa lammaanaagii nolosha iyo mid mar walba ku caawin doonta.Dadyohoow si wanaagsan ii dhagaysta. Caabud Allah (SWT) oo kaliya, si joogta ah u tuko shantaada salaaddood, Soon bisha barakaysan ee soonqaad,ka bixi hantidaadda sakko, soo gudo waajibaadka xajka hadiiaad awoodid.BiniAadamka oo dhammi waxay ka yimaadeenAdam iyo Xaawo, Carabtu k**a sarayso kuwa aan carabta ahayn, kuwan aan carabta ahayna k**a sareeyaan carabta. Dadka Caddaanka ahi k**a sareeyaan kuwa Madoow, Dadka madoowga ahina k**a sareeyaan kuwa cad. kaliya waxaa lagu kala sareeyaa waa camaladiina. Ogaada Muslimiinta oo dhammi waa walaalo, IslaamniMaduna waxay ku dhisantahay walaaltinimo.Dadyohoow Ogaada ma jiro Rasuul ama Nabi aniga gadaashayda imaan doona, sidaadaraadeed si fiican U dhuuxa warkayga, waxaan idiinka tagaylaba waxyaalood oo kala ah, Quraanka iyo Sunnadayda. haddii aad labbadas ku dheganaataan waligiin lumi maysaan. Intiina i dhegaysanaysaaywarkayga usii gudbiya inta aan nala joogin, waxaa laga yaabaa kuwa warkaygu gaaro inay ka fahmi ogyihiin kuwa toos u dhagaysanaya.Intaas kadib Rasuulka ( NNKH ) wuxuu khudbadiisii raaciyay Aayaad Quraan ah oo markas toos ugu soodegay oo ay kamid ahaayeen (Maantaan idiin kaamilay Diintiinna, waxaana idiin taamyeelay korkiina nimcadayda, waxaana idiinka raali noqday islaamka diin ahaan)Ugu dambayna gabagabadii khudbadiisa ayuu Rasuulkeenii Suubannaa (NNKH) isagoo Codka kor u qaaday, wuxuu yiri โiLaahayoow Markhaati ka ahoow inaan fariintaadii u gudbiyay Dadakaagaโโโ
DHAMAATEEN AAN IS CAFINO.
RUUX KASTAA WALAALII HA SAAMAXO..
Wq/ Aisha Ahmed Hassan