Mustafa Dhoobaale

Mustafa Dhoobaale Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mustafa Dhoobaale, Digital creator, Aware, Harerge.

11/01/2026

Myamar!

30/12/2025

Beri samaadkii iyo beri daamaskii

Beri samaadka luuqada lagu wada hadli jiray waxay ahayd gabay, gabayguna soomaalida wuxuu ku lahaa miisaan culus, inta badana waxaa lagu gudbin jiray xog dhab ah, wardoon iwm..

Waayadii h**e marka wax laysu sheegayo ama fariin laysu dirayo, waxaa lagu cabiri jiray gabay, xogtu uu gabaygu xambaarsanaa inta badan waxay ka tarjumi jirtay xaqaa'iq jira, muhiimad malahaan jirin maalinkay kugu jiifto iyo maalinkay ku wadato labada gabayga waa lagu astayn jiray, waxaanu gabaygu daaranaan jiray kolba xaalka lagu jiro, samaan, xumaan, dhibaato, dagaal ama maalmaha barwaaqada.

Beryihii h**e reeraha ama qolooyinka iskasoo horjeeda waxaana u gabyi jiray nin gabyaa ah kaas oo inta badan ahaan jiray nin caqli badan oo dadka kale xikmad iyo aragti dheer kaga h**eeyay, markasta oo reer hebel lasoo xasuusto ama la xuso waxaa lagu astayn jiray ninkaas gabyaaga ah ama sheekh diinta u hayay umada. Laakiin imaka waxaa korka soo maray kuwii reeruhu afka qaban jireen ee ay odhan jireen hebelow adigu gartaa ma galaysid ama k**a hadli kartid waanu ku qanacsanaa sidaas maxaa yeelay wado kalaba uma furnayn taasina waxay ahayd farsamo umad badan kala hagtay.

Maanta waxaa dusha soomaray kii afka la hayn jiray, ninkii waxgarad noqon lahaa wuu haftay oo oxygenta ayaaba dirqi ku ah, soomaalidu waxaa halkaas dhigay waa caadifad ay hoogaaminayaan qoladii fursada h**e ka maqnayd oo xoriyad helay, waxay maqlayaan waxaasaa la yidhi kuligood dagaal bay wada galayaan, hadana markay mudo socoto waxay noqonaysaa wax aan dhib lahayn, walow uu qalad wayn yahay.

Soomaalidu waa umada kaliya ee isagoo dhibaataysan oo dhibaatada uu ka dagaalamayo isaga haysato hadana u bu'aya mid kale, waxaanay isugu gargaaraan qaladka intooda badan, waanay yartahay intay wanaaga isugu gargaaraan waa markay qadiyad guud tahay, amarka ilaa xaga qoyska waa tu taas kasoo horjeeda

Marka uu qof hadlayo waa sadex ujeedo mid uun.

1. Caadifi hadal:- maanta halkaa ku duul berina difaac hadana..
2. Caqliga:- kan oo ah in dadka lala hadlo caqligooga.
3. Si cilmi baadhis ku salaysan

Soomaalida intooda badan waxay doorteen ka koowaad, dadow marka h**e adigu iska bilaw oo isasax kadibna kuwa kale ugudub...

26/12/2025

xuub caaro ninkii cuskaday isaga iyo yeelkii!!!

10/12/2025

Soomaaliya uma dumin shakhsi shakhsi ee waxay u duntay wadar ahaan!

trump dooda uu u adeegsanayo shakhsiyaad ka siyaasada maraykanka ku jira wuxuuna fahmin meesha ay wax jiraan, waa dhab qof ka soomaaliga ahi shakhsi ahaan waa qof horumarineed, firfircoon oo hawl kar ah intooda badan.

dhibaatadu waxay ka bilaabanaysaa markay dhawr qof, dhawr qoys, dhawr jufo iyo dhawr qabiil noqdaan, halkii la rabay inay marka shakhsi shakhsigii laysku daro waxsoosaarkoodu bato waxay noqotay kasoo horjeedka taas waxayna awoodii shakhsigu lahaa u adeegsadaan inay kuu wiiqaan awooda ka kale leeyahay.

Soomaaliya dhibaatada taalaa waa wax si dhib yar lagu xalin karo laakiin ka waran hadii labadii isku luuqada ahaa loogu kala tarjumo luuqad qalaad oo laga yaabo labada loo kala tarjumayaa inaanay fahmaynba ninka ukala dabqaadaya oo isla kaas tarjumaan kale u haystaan!!!

geela ayaa aakhiro xoogiisa la tusaa ayay odhan jireen soomaalidii h**e!!

30/09/2025

Announcement

We are pleased to announce that registration for the 2018 NGAT has now started!

Register here: https://ngat.ethernet.edu.et

Please take note of the following important points:

1. Ethiopian applicants must have a National ID (Fayda) to complete the registration process.

2. There will be no specialty categories this year. The exam will be the same for all candidates, regardless of educational background.

3. Your username and password will be provided on your profile dashboard after the registration period closes. We will also share an update here.

4. If you are having difficulty with the registration steps, please refer to the video guide provided.

5. The registration deadline will be announced soon.

All updates and announcements will be posted here. Stay tuned!

Registration guide :
Video: https://www.youtube.com/watch?v=FXlZ9qlRuv8

Ministry of Education Ethiopia

27/08/2025
27/08/2025

Hambalyo Maamulka magaalada Awaare, degmadii faca waynayd ee ahaan jirtay xaruntii laga maamuli jiray dhulkii la odhan jiray "hawd and reserve area" xiligii isticmaarkii ingiriiska.

Awaare waxay soo martay marxalado kala duwan, xiligii isticmaarka, boqortooyinkii itoobiya iyo itoobiyada maanta, runtii maamul magaalada awaare way soo raagtay waanay u qalantay mar h**eba ismaamul magaalo.

Ilaa boqol sano ayay ahayd qaabdhismeed dawli ah, mar labaad hambalyo Maamulka magaalada Awaare

24/08/2025

Soomaaliya dhalinyara tahriibka halaga joojiyo ayay maraysaye imaka ma xildhibaanadii iyo wasiiradii baa dayrkii la sheegayay ka dhacaya!

24/08/2025
Todoba sano oo madaxwayne Mustafe u buuxsantay, maxaa kuugu xasuus badnaa hogaamintiisa.
21/08/2025

Todoba sano oo madaxwayne Mustafe u buuxsantay, maxaa kuugu xasuus badnaa hogaamintiisa.

21/08/2025

Iska hor imaadka danaha Bani Aadamka!

Dantu waa waxa kaliya ee laysku hayo aduunyada, danahani hajoogaan heer qof, heer qoys, heer gobol, heer qaran, heer qaaradeed iyo heer aduunka oo dhan ah, inaga soomaali waxaa inoo dheer dano reero.

Danuhu inay iska horyimaadaan waa dabiici, oo wax dhib u ah qof inay adiga kuu wanaagsan tahay ayaa laga yaabaa sidaas daraadeed, xikmadu waa sida laysugu soo dhaweeyo danaha kala duwan sida ugu macquulsan.

Danaha iska soo horjeeda waligood isma waafaqayaan laakiin muhiimadu waa in dhinac tanaasulo ama meel dhexaad noqoto, hadii intaas laysku fahmi waayo waa in looga gudbaha danaha kale, tan laysku diidan yahayna dib loo dhigaa ilaa waayaha aduun yadu waaqica markaas jira badalayaan.

Xikmadu ugu wanaagsan ee danaha laysugu soo dhaweeyo waa wax is dhaafsi, midba kan kale wax kaga badasho si isku dheeli tiran "win- win", waa xikmada ugu haboon.

19/08/2025

Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye

* Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e

* Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e

* Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu

* Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e

* Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray

* Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene

* Umaddaan shabaabkeedu hanan waa ayaan xuma e

* Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye

* Itaal gabe dadkiinii h**e waydin aragtaane

* Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye

* Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye

* Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane

* Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye

* Ayaantii ku dhaaftaana waa waxaan la eegayne

* Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.

Abwaan Xaaji Aadan Afqalooc eebe haw naxariisto

Address

Aware
Harerge

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustafa Dhoobaale posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mustafa Dhoobaale:

Share