Xafiska beeraha iyo hor/kheyraadka dabiciga ah ee Deg/BABILI

Xafiska beeraha iyo hor/kheyraadka dabiciga ah ee Deg/BABILI of love 🙏

11/03/2025
Kulankii Dardargelinta Adeegyada Caymiska Caafimaadka oo Lagu Qabtay Xafiiska Maamulka Degmada Babili ee Gobolka Faafan ...
10/03/2025

Kulankii Dardargelinta Adeegyada Caymiska Caafimaadka oo Lagu Qabtay Xafiiska Maamulka Degmada Babili ee Gobolka Faafan DDS.

Maanta waxaa xafiiska Maamulka Degmada Babili lagu qabtay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo adeegyada caymiska caafimaadka. Kulankan waxaa ka soo qayb galay xubno ka socda maamulka gobolka, guddoomiyeyaasha degmooyinka Goljano iyo Mula oo ay jogeen degmada babili 7malmod ay manta ka ambabaxay degmada babili.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xoojiyo wada-shaqeynta u dhexeysa degmooyinka iyo in la dardargeliyo adeegyada caymiska caafimaadka si bulshadu u hesho adeegyo tayo sare leh. Intii uu kulanku socday, guddoomiyeyaasha labada degmo iyo maamulka degmada Babili waxay si qoto dheer uga wada dardarman caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo nidaamka caymiska caafimaadka.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in guddoomiyeyaasha degmooyinka Goljano iyo Mula ay sii joogaan degmada Babili muddo todoba (7) maalmood oo ay jogaan howlaha maamulka, ugana wada shaqeeyaan hirgelinta qorshayaal lagu horumarinayo adeegyada caymiska caafimaadka. Intii ay joogeen, waxay booqdeen xarumaha caafimaadka ee degmada Babili si ay u arkaan tusaalayaasha guuleystay, una dardargeliyaan qorshayaashooda horumarineed.

Guddoomiyaha Degmada Babili ayaa xusay in maamulka degmada uu dadaal badan gelinayo horumarinta adeegyadan, wuxuuna ku dhiirrigeliyay degmooyinka kale in ay la jaanqaadaan nidaamyada casriga ah ee lagu horumarinayo cayniska caafimaadka bulshada.

Dhanka kale, guddoomiyeyaasha degmooyinka Goljano iyo Mula ayaa ka mahadceliyay martiqaadka ay ka heleen maamulka degmada Babili. Waxa ay sheegeen in booqashadoodu ay tahay fursad ay ku baranayaan hab-raacyada horumarka caymiska caafimaadka, isla markaana ay ugu adeegayaan bulshadooda si hufan.

W/Q: Yasin Cabdiqadir

16/02/2025
Masuuliyiinta Gobolka Faafan iyo mamulka Degmada babili oo Daahfuray Barnaamijka U Diyaargarawga Wax-soosaarka BeerahaMa...
16/02/2025

Masuuliyiinta Gobolka Faafan iyo mamulka Degmada babili oo Daahfuray Barnaamijka U Diyaargarawga Wax-soosaarka Beeraha

Masuuliyiinta gobolka Faafan, oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka, mudane Khadiir axamadnur iyo gudomiyaha degmada babili mudane Cabdi Caydid beegsi ayaa sogadhaay santaraka Biiqa ee degmada Baabili si ay u daahfuraan barnaamijka u diyaargarawga wax-soosaarka beeraha ee sannadkan 2017-2018. Barnaamijkan ayaa loogu talogalay in sare loogu qaado wax-soosaarka beeraha, si loo dhiirrigeliyo bulshada beeraleyda ah ugana faa'iidaystaan horumarka dhanka wax-soosaarka.

Mashruucan ayaa diiradda saaraya beeralayda ku hawlan wax-soosaarka hadhuudhka, waxaana qorshuhu yahay in la beero 2,000 hektar oo dhul ah, iyada oo la filayo in laga soo go'o ugu yaraan 42,000 kiintaal oo hadhuudh ah.

Dadaalkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha xukuumadda ee lagu horumarinayo wax-soosaarka beeraha, si sare loogu qaado isku-filnaanshaha dhanka cuntada, loogana faa'iidaysto kheyraadka dabiiciga ah ee gobolka. Masuuliyiinta gobolka Faafan ayaa intii ay joogeen qabalaha Biiqa kula dardaarmay beeraleyda in ay ka faa'iidaystaan fursadan, iyagoo sidoo kale ballanqaaday taageero dhanka agabka iyo farsamada ah.

Barnaamijkan ayaa la filayaa in uu door weyn ka ciyaaro kobcinta dhaqaalaha beeraleyda iyo guud ahaan horumarka degmada Baabili.

Farjano media

Dhaadhicinta Qodobada Baaqi ka Soo Baxay Shirwaynihi 2 aad ee xisbiga Barwaaqo Oo loo Dhadhicinaayo shaqalaha xafiiska B...
14/02/2025

Dhaadhicinta Qodobada Baaqi ka Soo Baxay Shirwaynihi 2 aad ee xisbiga Barwaaqo Oo loo Dhadhicinaayo shaqalaha xafiiska Baraha Degmada Baabili gobolka faafan.

Madaxa xafiiska Baraha Degmada Mudane Adan shekh cabdiqadir oo furay kulankan dood cilmiyeedka ayaa sheegay in qodobbadii ka soo baxay Shirweynuhu wuxuu soo saaray qodobo muhiim ah oo ay tahay in la fahmo, la taageero, lana hirgeliyo.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd dhaadhicinta qodobbada baaqii ka soo baxay shirwaynihii 2aad ee Xisbiga Barwaaqo ayaa loo qabtay shaqalaha xafiiska waxbarashada degmada babili.

Haddaba, iyadoo la raacayo hannaanka dhaqangelinta go'aannada xisbiga, qodobada ugu waaweyn ee baaqa ka soo baxay shirweynaha xisbiga Barwaaqo:

•Xoojinta Adeegyada Dawladda – Shaqaalaha waa in ay si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu adeegaan bulshada, iyagoo xeerinaya cadaaladda, kartida iyo masuuliyadda shaqo.

•Taageerada Barnaamijyada Horumarineed –
Waxaa la farayaa dhammaan xafiisyada in ay si buuxda u taageeraan qorshayaasha xisbiga ee ku salaysan horumarinta deegaanka, adeegyada bulshada iyo kobcinta dhaqaalaha.

•Dhismaha Midnimada iyo Wadajirka – Shaqaalaha waa in ay doorkooda ka qaataan xoojinta midnimada bulshada iyo xisbiga, si loo gaadho yoolalka siyaasadeed iyo horumarineed ee la hiigsanayo.

•La-dagaallanka Musuqmaasuqa – Shaqaalaha oo dhan waa in ay ka fogaadaan wax is-daba marin, laaluush, iyo hab-dhaqan kasta oo wax u dhimaya hufnaanta maamulka.

•Dhismaha Kalsoonida Shacabka – Waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo xiriir dhab ah oo ka dhexeeya dawladda iyo bulshada, si loo helo kalsooni buuxda oo ay dadweynuhu ku qabaan maamulka degmada.

Si loo dardargeliyo dhaqan-galka qodobadan, shaqaalaha xafiiska Baraha waa in ay si rasmi ah uga warqabaan kuna dhaqmaan mabda’yada iyo go’aamada xisbiga, iyadoo la xoojinayo doorkooda ku aaddan horumarka degmada Baabili iyo guud ahaan gobolka Faafan

Dhanka kalena shaqalaha xafiiska ayaa tilmaamay in qodobbada baaqii ka soo baxay shirwaynihii 2aad ee Xisbi

Address

Babile
Harerge

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiska beeraha iyo hor/kheyraadka dabiciga ah ee Deg/BABILI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share