Mohamed Darwish

Mohamed Darwish 📺

Urur cusub JSP oo caawa Muqdisho shirwayne ku qabsaday ayaa lagu doortan xubnahan hoose:1. Xasan Sheekh MaxamuudGuddoomi...
13/05/2025

Urur cusub JSP oo caawa Muqdisho shirwayne ku qabsaday ayaa lagu doortan xubnahan hoose:

1. Xasan Sheekh Maxamuud
Guddoomiyaha ahna Musharraxa Ururka JSP

2. Xamza Cabdi Barre
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda, Istaraatiijiyadda iyo Qorsheynta

3. Cabdicasiis Xasan Maxamed
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada

4. Saalax Axmed Jamac
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhaqaalaha

5. Sacdiyo Yasiin Samatar
Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Horumarinta Bulshada iyo Wacyigalinta

6. Cabduraxmaan Maxamed Xuseen
Xoghayaha Guud

05/05/2025

Agaabtaan Magaceedaa la iska rabaa!

CAAWA FIIDKA XILIGA BARIGA AFRICA 7:00 FIIDNIMO IYO NATIIJADA DV-LOTTERY 2026Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Wasaaradda ...
03/05/2025

CAAWA FIIDKA XILIGA BARIGA AFRICA 7:00 FIIDNIMO IYO NATIIJADA DV-LOTTERY 2026

Dowladda Mareykanka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa maanta oo ah 3 May 2025 si rasmi ah u shaacisay natiijooyinka barnaamijka sanadlaha ah ee fiisaha kala-duwanaanshaha (Diversity Visa – DV) ee sannadka maaliyadeedka 2026. Tani waxay fursad dahabi ah siineysaa kumannaan qof oo doonaya inay helaan deganaansho rasmi ah (Green Card) oo ay ku tagaan Mareykanka si sharci ah.

Maxaa Laga Rabaa Codsadayaasha?
Dhammaan dadka horey uga qaybgalay barnaamijka DV-2026 ayaa laga codsanayaa inay si gaar ah ugu guntadaan inay natiijadooda ka eegaan bogga rasmiga ah ee dvprogram.state.gov iyadoo la adeegsanayo lambarkii xaqiijinta (confirmation number) ee ay heleen markii ay codsiga gudbinayeen.

Waxaa muhiim ah in qof kasta si taxaddar leh u hubiyo xogta uu gelinayo, maadaama aan la soo dirin emayl ama fariin si toos ah kuu ogeysiinaysa guuleysiga. Kaliya bogga rasmiga ah ayaa xaqiijin kara in qofku guuleystay.

Guuleystayaasha Maxaa Sugaya?
Haddii aad tahay mid ka mid ah guuleystayaasha, tallaabooyinka xiga waxaa ka mid ah:

• Buuxinta foomka codsiga fiisaha (DS-260).

• Inaad la kulanto baaritaan caafimaad iyo waraysi rasmi ah oo laguu qabanayo.

• Inaad buuxiso dhammaan shuruudaha u qalma fiisaha socdaalka.

Waxaa xusid mudan in guuleysiga DV uusan dammaanad qaadayn fiisaha – waxaa loo baahan yahay in qofku si buuxda u qanciyo dhammaan shuruudaha sharciyeed ee socdaalka.

Digniin: Ka Digtoonow Khiyaanooyinka!
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay si adag uga digtay khiyaanooyin badan oo ay adeegsadaan kooxo doonaya inay dadka lacag kaga qaadaan been abuur. Dowladda Mareykanka marnaba ma dalbato lacag si loo helo natiijada, mana dirto fariimo si toos ah oo sheegaya guuleysiga.

Gunaanad:
Barnaamijka DV-2026 waa mid sannadle ah oo la doonayo in lagu kordhiyo kala-duwanaanshaha muwaadiniinta Mareykanka. Soomaaliya sanad walba waxay leedahay boqolaal qof oo ka qeybqaata. Haddii aad codsatay, waa waqtigii aad hubin lahayd nasiibkaaga. Waxaa muhiim ah in la raaco habraacyada rasmiga ah si aan fursadaada u lumin.

Somali Galbeed TV

25/04/2025

Waxan leenahay Maxamedow; Maantay weli talo kugu sugan tahay e Geedu Tendhada Afisyoni yey dhaafin, haddii Kale Kampala Accord aa dhacooya. Belo ar Birmade HSM waa is "gohaamay, oo waa is gunaanadey".

15/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Xamse Cabdi Barre ayaa maanta laga sagootiyay gagida diyaaradaha ee Laascaanood

WAR MURTIYEEDKA WADA JIR AH OO AY SOO SAAREEN XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA IYO SSC KHAATUMO
15/04/2025

WAR MURTIYEEDKA WADA JIR AH OO AY SOO SAAREEN XAFIISKA RA’IISUL WASAARAHA IYO SSC KHAATUMO

Ra’iisul Wasaaraha XFS Hamze Cabdi Barre ayaa si diiran oo meeqaamkeedu aad u sareeyo loogu soo dhaweeyay Magaalada Laas...
12/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS Hamze Cabdi Barre ayaa si diiran oo meeqaamkeedu aad u sareeyo loogu soo dhaweeyay Magaalada Laascaanood.

DEG DEGRa’iisul Wasaaraha XFS Hamza Abdi Barre ayaa hada ka dagay Magaalada Laascaanood
12/04/2025

DEG DEG

Ra’iisul Wasaaraha XFS Hamza Abdi Barre ayaa hada ka dagay Magaalada Laascaanood

12/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa hada kasoo duulay Garoonka Aadan Cadde wuxuuna daqiiqado kadib ka dagi doonaa Maagalada Laascaanood

Wafdi sare oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Md Xamse Cabdi Barre ayaa daqiiqado kadib soo gaadhi doona Magaalada...
11/04/2025

Wafdi sare oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Md Xamse Cabdi Barre ayaa daqiiqado kadib soo gaadhi doona Magaalada Laascaanood ee caasimada Maamulka SSC-Khaatumo.

Qayb kamid ah ilaalada gaarka ah ee Xafiiska RW ayaa hada ka dagay Garoonka Diyaaradaha Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lataliyihiisa arimaha Bariga Africa u magacaabay Getachaw K Reda oo maalmo k...
11/04/2025

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lataliyihiisa arimaha Bariga Africa u magacaabay Getachaw K Reda oo maalmo ka hor laga qaaday Madaxweynenimada Deegaanka Tigray.

Taariikh nololeedkii S/GuutoAxmed Suleyman  Cabdalla "Dafle"S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burc...
10/04/2025

Taariikh nololeedkii S/Guuto
Axmed Suleyman Cabdalla "Dafle"

S/Guuto Axmed Suleyman Dafle wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii 1937dii.

Hooyadiis Arda Xussein isaga oo 13 jir ayay geeriyootay, aabihiisna wuxuu geeriyooday sanadkii 1974tii

Quraanka wuxuu ku bartay dugsi ku yaallay magaalada Burco, sanadkii 1949kiina wuxuu dugsi waxbarasho ka galay magaalada Hargeysa.

Sida ku qoran buugga Taariikhdii Golihii Sare ee Kacaanka ee soo baxay bishii Oktoobar sanadkii 1977dii Axmed Suleymaan Dafle wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee xisbigii SYL xafiis ay leedahay ka fura magaalada Hargeysa sanadkii 1944tii. Axmed Suleyman Dafle wuxuu ka qeyb galay bannaanbaxyadii looga soo horjeeday wareejintii dhulka Soomaalida ee Reserve Area lagu wareejiyay dalka Ethiopia ee dhacay 1954tii.

Sanadkii 1955tii wuxuu Axmed Suleymaan Dafle wuxuu dhammeystau waxbarashadii dugsiga Sheikh, wuxuuna ka mid noqday arday dhowr ah oo la siiyay waxbarasho Machadka Farsamada ee Cadan. Axmed Suleymaan Dafle waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii wax ka hirgelisay dhaqdhaqaaqii la oran jiray Naasariya ee dalka Masar oo ahaa kacaan ay ka shidaal qaataan ummado badan.

Axmed Suleymaan Dafle wuxuu dalka dib ugu soo laabtay sanadkii 1958dii, wuxuuna macallin ka noqday dugsiga dhexe ee magaalada Camuud. Sanadkii 1959kii waxaa waxbarasho dhinaca militeriga loogu diray “Royal Military Academy” ee dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu tacliinta sare ee ciidamada lugta ku baranayay muddo 3 sanadood ah.

Wuxuu dalka dib ugu soo laabtay 1962dii isaga oo 1 xiddigle ah, wuxuuna tababare ka noqday dugsigii saraakiisha ee magaalada Muqdisho. Sanadkii 1963dii ayaa loo dallacsiiyay derajada 2 xiddigle wuxuuna taliye ku xigeen ka noqday urur magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkii ay Ethiopia ku soo qaadday dalka Soomaaliya sanadkii 1964tii wuxuu ciidamo ay hoggaaminayeen dagaal ka galeen magaalada Feerfeer, dagaalkaas oo lagu guddoonsiiyay bilad geesinimo.

Sanadkii 1965tii waxaa uu u dallacay derajada 3 xiddigle ama dhamme, waxaana loo magacaabay taliyihii ururka ee magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu dhammeystay tababar uu u galay qabashada taliyaha ururkaas.

1967dii Axmed Suleymaan Dafle waxaa uu taliye urur ka noqday ciidamadii fadhigoodu ahaa magaalada Seylac oo ku began waqtigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti.

Bishii September sanadkii 1967dii wuxuu madax ka noqday xafiiskii wardoonka ee ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu waqtigaas ahaa taliyaha xoghayaha taliyihii ciidankii Xoogga dalka ee Max’ed Siyaad Barre.

Axmed Suleymaan Dafle 1968dii wuxuu u dallacay derajada Gaashaanle, sanadkii xigay ee 1969kii wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee talada dalka kula wareegay Kacaan aan dhiig ku daadan.

Sanadihii 1970kii -1971dii Axmed Suleymaan Dafle waxaa uu 2 jeer loo dallacsiyyay derajooyinka G/Dhexe & G/Sare

8dii bishii January sanadkii 1971dii Axmed Suleymaan Dafle wuxuu noqday taliyihii ciidankii nabadsugidda Qaranka, ka dib markii la isu geeyay labadii xafiis ee la oran jiray;-

1. Special Branch

2. Wardoonkii sirta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Axmed Suleymaan Dafle intii uu taliyaha ka ahaa ciidamadii Nabadsugidda Qaranka waxaa uu ku guuleystay shirqoolladii & mu’aamaraadkii marar badan imbiriyaaliyadda la doonayeen in ay ku kufiyaan Kacaankii 21kii Okroobar.

Sanadkii 1974tii wuxuu xubin ka noqday guddigii Golaha Sare ee Kacaanka isla markaana u qaabilsanaa dhinaca nabadgelyada.

1976dii ka dib markii la dhisay Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed waxaa loo dallacsiiyay derajada S/Guuto, isla markaana ah taliyihii ciidankii Nabadsugidda Qaranka.

Allah ha u naxariisto caawa ayuu geeriyooday!

Address

Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Darwish posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Darwish:

Share