DGM "DGM/ is a digital platform dedicated to delivering reliable news, insightful analysis, and engaging content. We focus on informing,

03/08/2025

Magaalada Harta-Sheekh waxay u baahan tahay isbeddel maamul oo laa Jaanqaada M.M.Harta

Magaalada Harta waxay soo martay shan sano oo waxqabad la'aan iyo maamul xumo baahsan ah. Waxaa la yaab leh in masuulkii shantaas sano waxba ka qaban magaalada uu hadda mar kale uu tafa xaydan yahay inuu mar kale..M.M Harta

Wuxuu bulshada lasoo hor istaagay inuu shanta sano ee soo socota Harta horumar gaarsiin doono, halka uu shantii sano ee h**e waxba ka qaban waayay. Hada intuu bulshada soo hor fadhisto uu kaa hadlo waa waax laalaa yaabo

Waxaa waax laalaa yaabo ah qofka noocaas ah inuu mar labaad guucloo oraad ugu jiro nuu mar kale ku noqdo duqa magaalada Harta.

Magaalada Harta-Sheekh waxay u baahan tahay maamul wanaagsan oo ka shaqeeya horumarka magaalada Maanta, uma baahna shan sano oo kale oo lagu lumiyo horumar la'aan.

Hartu Waxaay uu bahan tahay hogaamiye leh aragti fog, waxqabadna muujin kara.Waa inaan dib u eegno waxqabadkii h**e ee mas'uuliyiinta si aan uga fogaanno inaan ku celinno khaladaadkii h**e.Aqoonyahanka, waxgaradka & haldoorka bulshadu waxay leeyihiin mas'uuliyad weyn oo ah inay horseedaan isbeddel kadhaca magaaladu inay hesho cidda u qalanta inay hogaamiso magaalada.

Waa inaan ka shaqeyno sidii Harta-Sheekh ay u noqon lahayd magaalo horumarsan oo ay bulshadu ku noolaato nolol wanaagsan. Tani waxay ku imaan kartaa oo kaliya maamul daacad ah oo leh qorshe cad.

5 Sano oo Maamul Xumo ah – Mukhtar Hassan, Duqa Magaalada Harta SheekhMuddo shan sano ah waxaa xilka duqa magaalada Hart...
03/08/2025

5 Sano oo Maamul Xumo ah – Mukhtar Hassan, Duqa Magaalada Harta Sheekh

Muddo shan sano ah waxaa xilka duqa magaalada Harta Sheekh hayay Mukhtar Hassan, hase yeeshee muddadaasi waxay noqotay xilli ay shacabka magaaladaasi la kulmeen cabashooyin joogto ah, musuqmaasuq baahsan, iyo cadaalad-darro siyaasadeed.

1. Waxqabad La'aan iyo B**b Hantiyeed

Intii uu xilka hayay Mukhtar Hassan, magaalada Harta Sheekh k**a jirin wax horumar muuqda oo lagu faani karo. Waxaa luntay adeegyo muhiim ah sida:

Intaa waxaa dheer, waxaa isa soo tarayay eedeymaha ku saabsan boobka hantida shacabka, gaar ahaan xoolaha dadka danyarta ah oo si aan sharci ahayn looga qaaday.

2. Dhaqan Kali-talisnimo iyo Cabudhin Dadweyne

Mukhtar Hassan waxaa lagu tilmaamaa inuu yeeshay dhaqan kali-talisnimo, isagoo aan u dulqaadan aragtiyo kale ama dhaliil siyaasadeed. Dad badan oo kasoo horjeestay maamulkiisa ayaa la kulmay:

Cabsigelin joogto ah

Xadhig aan sharciyeysnayn

Garaacis iyo tacadi ciidan

Waxa uu dhistay ciidamo u gaar ah (malayshiyo), kuwaas oo si gaar ah u beegsada dadka mucaaradka ah.

3. Isticmaalka Odayaal magaalada Harta Sheekh

Si uu u sii haysto kursiga, Mukhtar Hassan wuxuu la shaqeystay koox odayaal ah oo uu lacago gaar ah siiyo, si ay u difaacaan maamulkiisa. Odayaashaasi waxaa lagu eedeeyay:

Inay marin habaabiyaan codka shacabka
Inay taageero been ah u muujiyaan maamulka
Inay jabiyaan doorkii dhaqanka ee dhexdhexaadnimada

4. Musuqmaasuq Baahsan iyo Hanti urursi Dalka Debeddiisa ah

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Mukhtar Hassan si aan gabasho lahayn u galay musuqmaasuq xad dhaaf ah, iyadoo:

Qandaraasyada mashruuca lagu bixiyo si gaar ah
Lacagaha degmada loo adeegsado dano shaqsi ah

Hanti gaar ah uu ka iibsaday magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga, taasoo aan la garanayn halka ay kasoo baxday

Maamulka Mukhtar Hassan ee Harta Sheekh wuxuu ku sifoobay cadaalad darro, musuq, cabsi gelin, iyo waxqabad la’aan. Shacabka magaalada waxay u baahan yihiin isbeddel dhab ah oo lagu xoreeyo nidaamka maamulka degmada si loogu hiiliyo xuquuqda muwaadiniinta.

Xogtan waxaa lagu saleeyay warar sugan oo ka soo baxay dadka magaalada iyo ilo-wareedyo rasmi ah

Xigasho MADER MEDIA

Mayer Mukhtar Hassan oo Lacago Badan Ku Bixiyay Raadinta Xil WasiirnimoWarar la isku halayn karo ayaa sheegaya in Mukhta...
21/07/2025

Mayer Mukhtar Hassan oo Lacago Badan Ku Bixiyay Raadinta Xil Wasiirnimo

Warar la isku halayn karo ayaa sheegaya in Mukhtar Hassan, oo ah Mayerka magaalada Harta-Sheekh, uu ilaa hadda ku bixiyay lacag
Dhan 3 milyan oo Birr dadaallo uu ku raadinayo
in loo magacaabo Wasiir heer deegaan ah.

Mukhtar ayaa lagu war helay in Wasiirka Madaxtooyada DDS, Mudane Xuseen Qaasim, uu yahay qofka uu isku dayayo inuu ka helo magacaabista xilka Wasiirnimo. Balse xogaha la helayo waxay tilmaamayaan in Xuseen Qaasim uusan awood u lahayn inuu Mukhtar ka dhigo Wasiir.

Dadaallada Mukhtar Hassan ee xil raadinta ah ayaa si weyn loo hadal hayaa, maadaama lacagaha uu arrintaasi geliyay la sheegay inay ka yimaadeen dakhliga magaalada, gaar ahaan cashuuraha laga qaado shacabka danyarta ah.

Bulshada deegaanka ayaa su’aalo iska Weydiinaysa weydiinaysa sababta uu Mayerka xilkiisii shaqo uga mashquulay, xilli lacagihii shacabka uu si gaar ah ugu isticmaalayo danihiisa siyaasadeed. Waxaa la filayaa in arrintan laga horgeeyo isla xisaabtan rasmi ah mustaqbalka dhow.

Codka shacabka HARTA-SHEEKHA🌾

Harta Sheekh: Magaalo Taariikhi ah oo Wajahaysa Caqabado DhaqaaleMagaalada Harta Sheekh waxay ku taal Itoobiya, gaar aha...
20/07/2025

Harta Sheekh: Magaalo Taariikhi ah oo Wajahaysa Caqabado Dhaqaale

Magaalada Harta Sheekh waxay ku taal Itoobiya, gaar ahaan Dowlad Deegaanka Soomaalida, Gobolka Faafan. Waxay xuduud la wadaagtaa afar degmo: Xarshin dhinaca bari, Qabribayax dhinaca galbeed, Ararso dhinaca koonfur, iyo Awbarre dhinaca waqooyi-galbeed.

Magaca iyo Taariikhda Magaalada

Magaalada Harta Sheekh waxaa loogu magac daray Sheekh Axmed Boon (AHN), oo ahaa sheekh weyn oo caabid ahaa, kuna soo degay dhulkan ka hor intii aanay magaalo noqon.

Macluumaad Guud iyo Joogitaanka

Tirakoobkii dadka ee la sameeyay sanadkii 2015-kii, dadweynaha magaalada Harta Sheekh waxay gaarayeen 86,645 qof. Juquraafi ahaan,

Magaaladu waxay dhacdaa isku-duwaha 9°9' Waqooyi iyo 43°21' Bari. Waxayna ka sarreysaa heerka badda 1590 mitir.

Dhaqaalaha iyo Caqabadaha Hadda Jira

Dhaqaale ahaan ah, magaalada Harta Sheekh waxay markii h**e ku tiirsanayd saylada xoolaha, gaar ahaan kala iibsiga xoolaha, iyo xarumaha loo yaqaan birata birat

Saylada xoolaha ee Harta Sheekh waxa ay ahayd suuqa ugu weyn ee xoolaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo dhan, waxaana la qiyaasaa in sanadkii lagu kala iibsan jiray 5 ilaa 6 milyan oo neef. Xoolaha ugu badan ee loo dhoofin jiray Somaliland ayaa iyagana laga soo iibsan jiray halkan.

Nasiib darro, magaalada Harta Sheekh ayaa maanta wajahaysa xaalad dhaqaale xumo baahsan.Tan iyo markii uu Duqa Magaalada, Mukhtaar Xassan, xidhay sayladii xoolaha ee magaalada. Shan sano oo uu xilka hayay, Duqa Mukhtaar Xassan waxa uu gebi ahaanba curyaamiyay ishii dhaqaale ee ugu weynayd magaalada, isaga oo joojiyay xoolihii magaalada loo keeni jiray ee ka iman jiray gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee DDS.

Arrintan ayaa sababtay in magaalada Harta Sheekh ay muddo dheerba wajahdo caqabado dhaqaale oo culus, taasoo si weyn u saamaysay nolosha dadka deegaanka.

Codka shacabka Magaaladda HARTA-SHEEKHA🌾

  Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa usbuucii h**e magaalada Tog-Wajaale kasoo afduubay Will dhallinyaro ahWill-kaan ayaa ...
20/07/2025

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa usbuucii h**e magaalada Tog-Wajaale kasoo afduubay Will dhallinyaro ah

Will-kaan ayaa kasoo jeeda beesha Samaroon oo kasoo tallaabay dhanka Somaliland Ayaa lagaso Afduubay Danta Ethiopia ee Tog-Wajaale

Ninka la afduubay ayaa ah muwaadin u dhashay Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in afduubkan ay fududeeyeen Taliyaha Ciidanka Booliska M M Tog-Wajaale & Guddoomiyaha Maxk**adda M M Tog-Wajaale.

Fashilka Xukuumadda Somaliland oo ilaa hadda An Ka hadlin dhacdadan foosha xun ee lagu afduubay mid ka mid ah muwaadiniinteeda, taas oo toddobaad ka hor dhacday. Tani waxay muujinaysaa fashil weyn oo dhinaca ilaalinta muwaadiniinta iyo kaa waar hayn la'aanta xuduudaha,

Waxaa muuqata in xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalidu Aay kaa Adeegsanayso Somaliland iyana any waar uu haynin

Xigasho: OGAAL MEDIA

Xuseen Qaasim: Wasiirka madaxtooyada DDS ahna Dhaxal-suge Mustafe Cagjar Xuseen Qaasim oo ahaa shakhsiga labaad ee lahaa...
05/07/2025

Xuseen Qaasim: Wasiirka madaxtooyada DDS ahna Dhaxal-suge Mustafe Cagjar

Xuseen Qaasim oo ahaa shakhsiga labaad ee lahaa masuuliyadda xasuuqii dadka rayidka ah ee xoolo-dhaqatada ahaa ee ka dhacay deegaanka Dacawalay taariikhdu markay ahayd 25-ka September 2024.

Xilliga ay dhacaysay hawushasi Dhimashada iyo barakaca sababay, Madaxweyne Mustafe Cagjar wuxuu ku sugnaa magaalada Addis Ababa, taasoo fursad siisay Xuseen Qaasim inuu si toos ah u maamulo hawlgalkii lagu beegsaday shacabka aan waxba galabsan. Sida ilo-wareedyo rasmi ah sheegayaan, Xuseen Qaasim ayaa telefoon toos ah kula xiriiray Janaraal Gafaydhe oo markaa ku sugnaa Dacawalay, isagoo siiyay amar ah in la qaado weerarka.

Dagaal Siyaasadeed oo loo Adeegsaday Hayb iyo Awood Dowladeed

Ma ahayn dhacdadii Dacawalay mid ku koobnayd hal maalin iyo hal tuulo. Waxaa sii xigtay weerar siyaasadaysan oo qorshaysan oo lagu beegsaday Wasiirka Dakhliga DDS, Mudane Maxamed Cabdi — oo ka soo jeeda beesha Isaaq, hayb ahaan la hayb-wadaagta dadka dhibaatada loo geystay Dacawalay.

Iyada oo laga duulayo duruufahaasi, Xuseen Qaasim ayaa adeegsanaya taliyaha ciidanka booliska DDS (Gadh-feedha) iyo ku-xigeenka sirdoonka DDS oo uu ilmo-adeer la yahay, Abdirahman, waxayna si bareer ah u qaadeen weerar ka dhan ah xarunta dakhliga ee Qoloji, halkaas oo shaqaalihii lagu afduubay si sharc idarro ahna goobtii loogu wareegay awood ciidan.

Sidoo kale, weerar lamid ah ayaa lagu qaaday Xafiiska Dhexe ee Dakhliga DDS, waxaana halkaasi lagu arkay khal-khal amni, hanjabaado iyo gacan-dhaaf lala beegsaday mas’uuliyiinta shaqada u joogay.

Sidee ayuu nidaam dowladeed u sii shaqayn karaa marka hay’adihii amniga loo adeegsado dagaal siyaasadeed iyo aargoosi qabiil?

Ficilada Xuseen Qaasim waxay dhaleen su’aalo culus oo ku saabsan sharcinimada nidaamka maamulka DDS, isla markaana waxay astaan u yihiin marxalad halis ah oo lagu tumanayo kala dambeynta hay’adaha dowliga ah. Waxaa muhiim ah in la helo baaritaan madax-bannaan iyo in la hor keeno caddaaladda cid kasta oo ku lug leh xadgudubyadaas bani’aadantinimo iyo siyaasadeed.

Qaybaha dambe ayaan ku fah fahin donaa warbixin dheeraad ah

Xigasho OGAAL MEDIA

Dhacdo ugub ku ah Dawlad Deegaanka Soomaalida taas oo ku kacay madax maleeshiyaada DDS Xirsi Maxamed Dool Maxay tahay aw...
29/06/2025

Dhacdo ugub ku ah Dawlad Deegaanka Soomaalida taas oo ku kacay madax maleeshiyaada DDS Xirsi Maxamed Dool

Maxay tahay awoodda intaa le’eg ee Madaxa Maleeshiyaadka DDS, Xirsi Maxamed Dool, u siinaysa inuu si toos ah lacago sharci darro ah ugu khasbo muwaadiniin? Ganacsato yaal ah inay
Lacag laba milyan oo birr kusoo shubaan akoonkiisa gaarka ah, iyada oo aan jirin wax sharci ah oo sidaa u oggolaanaya.

Arrintan waxay muujinaysaa nidaamka xukuumadda DDS oo inta badan masuul walba uu awood aan xadidnayn ku yeesho xilkiisa, kuna dhaqmo si uu isagu jecel yahay. Xirsi Maxamed Dool ma aha qofka keliya ee sidaa u dhaqma – waa sawirka guud ee nidaamka ka jira maamulka Mustafe Cagjar.

Sida wararka lagu kalsoon yahay tilmaamayaan, gaadhigii iyo hantidii saarnayd marxuumka la dilay isla maalintii ayaa si deg-deg ah loogu wareejiyay xarunta Jibriga ee magaalada Jigjiga. Ilaa iyo hadda, dadka ehelka la ahaa marxuumka oo naf iyo maalba laga qaaday ayaa lagu khasbayaa inay lacag sharci darro ah ugu shubaan akoontiga gaarka ah ee Xirsi Maxamed Dool.

💬 Su’aasha taagan Ayaa ah Haddii madaxa maleeshiyaadku sidaa yeelayo, maxaa laga filan karaa hay’adaha kale ee amniga ee deegaanka?

Xigasho ➤ OGAAL MEDIA

20/06/2025

Reer Yoocaale

Gabadha hadlaysa waxaa dhashay islati birbira ee Madaxweyne Mustafe Eedadi

Waxaa ay ku hadlaysa
Afka dhabta ah ee reerkooda. reer Isaaq ee Ogaden xukuumadda DDS maanta kaa talisa

  marka (Villa Jigjiga) laga mamulayo waa iskaa sidaan uun Dhab Madaxwayne Mustafa Cagjar oo amar ku siiyay Ahmed yasin ...
08/06/2025

marka (Villa Jigjiga) laga mamulayo waa iskaa sidaan uun Dhab

Madaxwayne Mustafa Cagjar oo amar ku siiyay Ahmed yasin dhab tv inuu ka saaro muuqaal uu ka soo duubay TULIGUULEED shacabka ayaa sheegay cabasho badan iyo in hagrasho inay jirto sidoo kale Ciidanka Oromia ay xasuuq ku hayaan shacabka.

Dowlada turkiya ayaa Ka xanaaqday Diyaarado Xukumada Somalia ay siisay oo Xoogaga AS soo rideen,
04/06/2025

Dowlada turkiya ayaa Ka xanaaqday Diyaarado Xukumada Somalia ay siisay oo Xoogaga AS soo rideen,

Hartasheekh oo Xaalad Murugo Leh Ku Sugan:Maamulxumo Magaalada Harta Sheekh Waxay la daalaa-dhacaysaa xaalad maamul xumo...
03/06/2025

Hartasheekh oo Xaalad Murugo Leh Ku Sugan:
Maamulxumo

Magaalada Harta Sheekh Waxay la daalaa-dhacaysaa xaalad maamul xumo iyo adeeg la’aan baahsan, iyada oo shacabka magaalada ay ku jiraan duruufo adag oo laga dhowrsan waayay.

Muddo shan sano ah ayuu xilka hayay Mayer Mukhtar Hassan, tan iyo markii loo magacaabay xilka May 11, 2020. Waxaase dadka deegaanka badankood ay su'aal gelinayaan waxqabadka muddadaas dheer, iyaga oo ku tilmaamaya maamulka hadda jira mid aan wax muuqda qaban.

Waxaa isa soo taraya cabashooyin la xiriira in maamulka magaalada uu si ba’an u uruuriyo cashuuraha shacabka, iyadoo aan la arkin wax adeeg ah oo la fuliyay. Meelaha dadka ay si gaar ah uga cabanayaan waxaa kamid ah:

Cashuur urursi baahsan oo shacabka la saaro iyadoo aan laga fikirin duruufaha nololeed ee ay ku sugan yihiin.

Adeegyada aasaasiga ah sida nadaafadda, biyaha, iyo jidadka oo ah kuwo aan la horumarin.
La’aanta daahfurnaan maamul, taasoo sababtay kalsooni darro bulshada dhexdeeda ah.
Ciidan Maleeshiyaad ah oo lagu cabburiyo shacabka

Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in duqa magaalada uu samaystay ciidan gaar ah oo maleeshiyaad u eg, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay si toos ah u bartilmaameedsadaan dadka aragtida siyaasadeed ee ka duwan. Qaar kamid ah shacabka ayaa sheegay in lagu hayay jidh-dil, cabsi gelin, iyo xarig sharci darro ah.

Dan gaar ah oo laga hormariyay tan shacabka

Intaa waxaa sii dheer in lacagaha laga uruuriyo shacabka ay u wareegaan Maamulka Gobolka Faafan, halkii dib loogu celin lahaa adeegyada magaalada. Waxaa la sheegay in Mukhtar Hassan uu hadda u ololeynayo sidii uu ugu gudbi lahaa xilal sare sida Xildhibaan ama Wasiir heer deegaan ah, taasoo lagu tilmaamay dadaal dan gaar ah ku saleysan, halkii uu danta guud ka hormarin lahaa.

Waxaa sidoo kale jira eedeymo sheegaya in uu xiriir toos ah la leeyahay mas'uuliyiin sare oo katirsan Madaxtooyada DDS iyo Xisbiga — taasoo dhalisay dareen ah in hoggaanka deegaanka uu noqday mid loogu adeegayo dano gaar ah, halkii uu matali lahaa rabitaanka shacabka.

Shacabka Hartasheekh waxay mudan yihiin in la maqlo codkooda, la daryeelo baahidooda, lana xaqiijiyo maamulka daahfuran ee hufan. Ma aha wax la aqbali karo in maamulka hadda jira uu yeesho ciidan gaar ah oo dadka caburiya, isla markaana uu lacagaha shacabka ugu adeegsado olole iyo dano siyaasadeed oo gaar ah.

Maamul wanaag wuxuu ka bilowdaa daacadnimo, daryeel, iyo u adeegid shacabka — waana taas hoggaamiye wanaagsan lagu garto.

La-soco qaybaha dambe

Code-ka Shacabka

MAxaa Kaso Kordhey Qabalaha Dacawaley Maxey arken  Kormeerkii Ciidanka Federaalka e Gaadhey Dud Biyaale Qabalaha Dacawal...
15/05/2025

MAxaa Kaso Kordhey Qabalaha Dacawaley Maxey arken Kormeerkii Ciidanka Federaalka e Gaadhey Dud Biyaale

Qabalaha Dacawaley ee degmada Xarshin waxaa si bareer ah loogu qaaday weerar hubeysan oo ay fuliyeen ciidamo deegaanka Soomaalida ah intii u dhaxaysay 21-kii ilaa 25-kii bisha Koobaad (Dec), sanadkan 2025 Weerarkaas ayaa sababay khasaare ba'ao nafeed iyo mid hantiyeed, waxaana si gaar ah loo beegsaday bulshada deegaanka, iyada oo lagu eedeeyay in si bareer ah loo xasuuqay dad shacab ah.

Ka dib dhacdooyinkaas, dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa soo dirtay ciidan federaal ah oo dhexdhexaadinaya, ujeedkooduna yahay inay ilaaliyaan nabadgalyada ayna ka hortagaan isku dhacyada dambe. Ciidankaasi waxay si ku meel gaar ah u sugeen nabadgelyo, inkastoo aysan wali gaarin heer dhammeystiran.

Ciidanka federaalka ayaa sidoo kale qaaday tallaabo ay ku hubka kaga dhigayaan dadka deegaanka ee ka gadoodsan xasuuqii dhacay, taasoo qayb ka ah dadaallada nabad-dhisidda. Maanta, oo ay taariikhdu tahay 15-ka May, 2025, ciidanka federaalka waxay kormeer ku tageen Qabalaha Dacawaley iyo deegaanka Dudbiyaale.

Markii ay ciidanku u dhawaadeen Dudbiyaale, waxaa si lama filaan ah rasaas ugu furay koox hubeysan oo u muuqata inay colaad hurinayaan. Rasaastaasi waxay khatar gelisay dadaallada nabadeed ee socda, iyadoo dhaawac u geysatay sumcadda howlgalka nabad ilaalinta ee federaalka.

Qabalaha Dudbiyaale Ayaa Ah Mid Laga Maleegayo nabad Galyo Daro.Sababto ah Waa Taa Maanta Ciidanki Fadaraalka Ee Nabad Sugayey Rasasta Nool Lala Beegsadey Waxaney Taasi U Eegtey In nabad Diid Ku Jiro

Degmada Yoocaale Iyo Qabaleyada Hoos Taga.
Xabadi Xal Maaha Lakin Nabad Ayaa U Nolola Nabada Oo Laga Wada Shaqeeya Waa Deegaanka Oo La Dhisey Tiirarka Waxana Ka Masuula Nabada Deegaanka Ciidanka Fadaraalka Ethobia

Ha La Ilaaliyo Nabad Galyada Cidii Abuurta Nabad Galyo Darana Ciidanka Ayaa Isha Ku Haya.

Deegaan Media

Address

Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DGM posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to DGM:

Share

Category