14/07/2026
MAXAY SOOMALIDU KA BIYO DIIDAY?
Xisbiyada mucaaradka ee Soomalida ayaa wallaac ka muujiyay geedi-socodka Shirwaynaha waddatashiga Qaran.
Ergooyinka guud ee ka qayb galaya waa 4000 qof. Soomalidu 206 qof ayay ku leedahay. Ergooyinka marka h**e waxaa loo qaybin doona 8 koox oo midkasta ka kooban 500 Qof. Hadana waxaa loo sii jajabinaya 250 koox kasta. Markale kooxaha ayaa loo qaybinaya 50 Qof ila tiro ka hooseysa.
Koox kasta marka la dooddo go'aanka ay qaadanayso waa loo coddeynayaa. 70% codka ugu bata ayaa la qaadanayaa.
Arrintas waxay keenaysa in Deeganada mataladoodu yarayd codkoodu kooxaha ku baaho. Waxay keeni in tiro yar aad ku yeellato kooxaha hoose qaarkood, koox walbana codka aqlibiyada maadama go'aankodu noqonayo waxay sababi karta in saameyntadu koobnato. Koox 250 qof oo aad 12 qof ku lahayd maxaa laga filan karaa? Waa doodda ay keenen xubno mucaaradka Deeganka ah.
Qowmiyadaha kale mucaarad, iyo shacaba mawduucan ayay hadal hayaan. Siyaasiyinta Deegannaduna maadama xisbigii tallada hayay ka tirsan yihiin oo ay horrey mawqif u qaaten hoostay ka riixayaan; iyagoon darreenkoda bannaanka keenin ayay meelo dhex marinayaan.
Fallanqayno ayaa bishan-ba laga sameeya, doonistoda ayay muujinayan shirka kahor; laakin Soomalidu mawduucan ma hadal hayso.
Waddatashiga sababta loo qabtayna waa in la dooddo, ergooyinku darrenkoda bannanka keenan. Laakin Soomalida koox walba cabsi rabaaniya haysata.
La soco qaybaha kale ee dooddaha kulanka.