03/04/2025
Isbadalka kadib waxaa deegaank laga hirgeliey mashriic mugleh.oo wax badan ka badashey Nolosha Bulshada.
Isbadalka kadib Waxaa la hirgalisay mashaariic aad u badan oo aas-aasi u ah nolosha bulshada sida dugsiyada waxbarashada, Xarumaha caafimaadka, dhinaca biyaha, jidadka laamiga ah, jidadka jayga ah, Buundooyinka, guryo-wadareedyo, laydhka, isgaadhsiita, waxsoosaar noocyadiisa kala duwan,mashaaricaha,waraabka. Warshadaha iyo maalgelinta.
1. dhinaca sector-ka jidadka.
waxaa la hirgaliyey mashriic mugleh oo lataabankaro. Waxaa xooga la saaray jidadka jayga ah si la isku xidho degmooyinka Gobolada iyo maamul-magaalooyinka deegaanka.
Mashriicda muga leh ee la hirgaliyey sanadkan u dambeeyey shaqo muuqatana laga qabtay islamrkaana wax badan ka badashey nolosha isku socodka helida adeegyada aas-aas-aasiga ah ee horumarka iyo dhisida kaabayaasha dhaqan dhaqaale waxaa kamid dhismaha jidadka jayga ah, kuwa dayactirka lagu sameyey iyo daraasadaha iyo naqshaha dib u habaynta lagu sameeyey
Xukuumada iyo xisbiguba waxay xaqiijiyeen 5tii sano ee isbadalka adeegyada horumarinta jidadka magaalada iyo kuwa miyiga ah
Waxaa magaalooyinka deegaanka laga hirgaliyey jidad laami ah si loo daboolo Heer daboolka isticmaalka adeegyada jidadka magaalo-nimo qaybna uga qaataan Bilicda iyo muuqaalka guud ee deegaanka.
Dhanka kale waxaa xooga la saaray ismarkaana dadaal badan la galiyey sidii la isku xidhi lahaa degmooyinka deegaanka soomaalida ( Road map network ) iskasta, oo ay wali baahi badani ka jirto hadana waxaa laga qabtay shaqooyin muuqda, taasina waxay sahashay in mustaqbalka si fudud loo helo shaxda isku xidhka jidadka deegaanka.
Isbadalka ka Dib waxaa la hirgaliyey jidadka badan oo Jay ah kuwaas wax badana ka badaley nolosha bulshada, fududaysayna isku socodka iyo dhanka soo koobida wakhtigii badnaa ee loo soconayey ismarkaana qayn ka qaadanaysa in si fudud loo gaadhsiin karo adeegyada aas-aasiga ah iyo kaabayaasha horumarinta bulshada waxaana qabsoomay:
1.Isbadalka ka dib 2,46800 Km oo percentage ahaan dhan 52.62%.
2.Laamiyada heer federaal isbdalka kadib 930km.
3.Jidadka Dayactirka Heer deegaan isbadalak ka hor 765km,
isbadalka ka dib waxaa la hirgeliyey 1,540km
4.Isbadalka ka dib waxaa qabsoomay oo la isku xidhay 35 degmo. Oo kamida degmooyinka deegaanka soomaalida.
5.mashaariicda Isbdalka ka dib
Jidadka heer deegaan 51 mashruuc oo jidadka jayga ah Waxaana dhamaaday 19 mashruuc oo kamid mashaariicda jidadkan,halka 32 mashruuc ayaa qali socdaan.
2. Dhinac isbadalka caafimaadka.
Waxaa laga hirgaliyey guud ahaan deegaanka degmooyinkiisa iyo goboladiisa kala duwan horumarka balaadhan oo dhanka caafimaadka ka ah, sida Cusbitaalada heerka koobaad Primary Hospitals,Xarumo caafimaad, tayaynta adeega caafimaadka, kordhinta xirfadlayaasha caafimaadka iyo guud ahaan wax ka badal balaadhan oo lagu sameyey adeega caafimaadka.
3. BIyha
Waxaa la hirgaliyey ismarkaana kor u loo qaaday heer daboolka Guud ee biyaha, iyada oo isbadalka ka Dib deegaanka wax badan laga qabtay Dhinacayada kala ah.
Waxaa dib loo dayactiray ceelashii horay u sii jiray ee saboolmay ( aasmay) kuwaas oo dib looga shaqaysiiyey degmooyin badan wax badan ka badaley dhanka helitaanka biyaha, waxaa la qoday ceelal cusub oo ay bulshadu kaga haqab beeshay baahiyhii dhanka biyaha sidoo kale waxaa biyo galin loo sameeyey magaalooyinka badan oo deegaanka ah si guud waxaa maarayn lagu sameeyey kharyaadka biyaha deegaanka iyada oo taasina keentay in heer fiican gaadho heer daboolka biyaha.
4. Dhinaca Waxbarasahada
Isbadalka kadib Waxaa la hirgeliyey dugsiyo waxbarsho oo badan oo laga hirgeliey degmooyinka deegaanka,waxaa isbadalka la hirgeliyey mashriica dugsida waxbarashadda ah,sidoo kalena waxaa wax ka badal lagu sameyey qaabkii imtixaanaakda loo qaadayey iyada oo lala dagaamay Qishii nidaamkii imtixaanka ee burburiyey aqoontii dhalinyada iyada oo la dajiyey qorshayaal kor loo qaadayo islamarkaana lagu dhisayo tayada taas oo mustaqbalka qayb laxaad leh ka qaadanaysa Helitaanka jiil ku ku gaadhaaman aqoont,anshax iyo in mustaqbalka la helo isbadal baaxad leh oo dhanka aqoonta ah.
4. Dhinaca mashaariicaha waraabka
Isbadalka ka Dib waxaa la hirgeliyey mashriic badan oo dhanka waraabka ah
Waxaa markii ugu horaysay la tijaabiyay,oo laga beeray deeganka bariiska iyada laga fuliyey Degmada beer caano ee Gobolka shabeelle iyo Santarka Gabi ee Degmada Hadhagaale oo uu fuliyey xafiiska waraabku. sidoo kale mashaariic mugleh dhinaca waraabka iyo waxsoosaarka ah ayaa la fuliyey.
5. Sector-ka beeraha ayaa isbadalka ka Dib xooga saaray daraasadaha isaga oo sameeyey cilmi baadhis badan sidoo kale wuxuu xafiisku guulo kasoo hooyey barnaamijkii dalag iyo dareel oo waxsoosaarka lagaga fulinayo Guud ahaan Dalagyada Kaladuwan ee Beeraha oo laga fuliyey Degmooyinka horumuudka wax soosaarkaas oo Qayb ka qaadan doona isku filaanshaha bulshadeena ee dhinaca damaanad qaadka cuntada.
6.gaadiidka iyo Ganacsiga
Isbadalka kadib waxaa furfurnaasho iyo Xoriyad suuq oo balaadhan laga hirgaliyey deegaanka, waxaana fursadan ka faa' iidaystay muwaadiniin badan oo deegaanka u dhaahay oo aan markii h**e Fursadaha ganacsiga suuqa helin taasina waxay kor u qaaday dhaqalaha gudaha iyo korbcinta iyo Abuurista ganacsato kasoo jeeda oo saamayn dhaqaaale ku yeesha suuqyada caalimaga ah.
By abdirahman wali abdi