09/11/2020
"Maxaa ku soo kordhay xaalada Ethiopia"?
《Wararkii ugu danbeyay ee Ethiopia.》
■Madaxweynaha Tigray region, Debretsion Gebremichael. ayaa dawladda dhexe ka dalbaday xabad joojin iyo wada hadal
■Debretsion Gebremichael, oo dhawaan la hadlay warbaahint Reuters ayaa sheegay in ay wajahayaan duqaymo xaga cirka oo badan, balse ay isdifaacayaan inta karaankooda ah, Debretsion Gebremichael oo hadalka sii wata ayaa yidhi waxaan jeclaan lahaayen wada hadal u furma iyyaga iyo dawladda dhexe, ee Ethiopia,
■Hadalkan ka soo yeedhay hogaanka Tigrai ayaa loo badinayaa uu culayis weyn gaadhay oogadeyna in ay arrintu isaga iyo maamul"kiisaba jiq ku tahay.
●Kusimaha Madaxweynaha deeganka Soomaalidda Mudane Mustafe oo la hadlay warbaahinta Aljazeera, ayaa sheegay in uu mar h**e la xajooday Dr. Abiy Ahmed, kana dalbaday in sharciga la hor-keeno xubnihii TPLF ee dhibka badan ka gayistay dalka gaar ahaan deeganka Soomaalida, balse aan codsigiisa dhag jalaq loosin, balse waa sida uu hadalka u dhigaye hada la ogaaday xumaantii "TPLF", iyo waxa ay maganaayen.
"Sheegashadda Mudane Mustafe Cumar ayaa ah mid dhagaha shacabka Somali State, ku cusub oo uusan horay shacabka Somali State ugu soo bandhigin, balse waxaa run ah oo marag madoonto ah in 21 sano ee ugu danbeyay ay TPLF deeganka Soomaalida xasuuq ba,an ka gaystay kaas oo aan wali lagala xisaabtamin".
●Dawladda Sudan oo sheegtay in ay askar badan oo Ethiopian ahi isku soo dhibeen, kana dalbadeen nabadgalyo siyaasadeed, waxay wararka gudaha Sudan sheegayaan in ay jiraan dad bilow ah oo ku soo qulqulaya xuduudaha Sudan kana imaanaya Ethiopia, taasina sida ay sheegan hadii ay siisocto in ay dhibaato laxaadleh u gaysan karto Sudan oo aan iyyadu hada cago badan ku taagneyiin
●Lamaha amaanka Ethiopia oo xidhay war Medihane Ekubamichael oo ah Editor-at-large Addis Standard ahna war fidiyaha ugu afka dheer wargeyisyadda wax ka qora arrimaha Ethiopia, ninkan ayaa sida lagu soo warmayo lagala baxay gurigiisa, lamana oga meesha lagu xidhay.
Maxamud Jigre