18/07/2025
Wasiirka xafiiska Dakhliga,Mudane Mohamed Abdi ayaa warbaahinta deegaanka lawadaagay warbixinta waxqabadka xafiiska gaar ahaan shaqooyinkii muhiimka ahaa iyo dakhli Ururinta Deegaanka
Xafiiska Dakhliga DDS ayaa soo bandhigay warbixinta qorshaha dakhliga SM 2017 TI kasoo dhanaa 17.6 Billion iyadoo lasoo ururiyey dakhli dhan 18.5 Billion tasoo ka dhigan boqolayda 105% lacag ahaana noqonaysa 900 Million.
Dhinaca kale dakhliga sanadkan lasoo ururiyey marka la barbardhigo SM 2016 waxa kor looqaday dakhliga 36.50% lacag ahan noqonaysa 4.937 Billion oo dheeri ah in lasoo ururiyey.
Shaqooyinkii Ugu Muhumsanaa Ee Uu Xafiisku Qabtay Ayaa Kala Ah :
1. WACYIGALINTA & FULINTA SHUuRUCDA CANSHUURTA
Waxaa la sameeyey wacyigalin balaadhan kasoo ka qayb qaateen heer deegaan, gobol, MM, Dagmo ila heer qabale.
Sidoo kale waxaa la diyaariyey barnaamijyo joogto ah korna loogu qaadayo wacyiga canshuur bixiyeyaasha kuwaaso isugu jirey waraysiyo, majajilo & iwm kana kala baxay bogaga xafiiska & warbaahinta SRTV.
Waxaa la abaalmariyey canshuur-bixiyayaashii hormuudka ahaa ee Dagmooyinka & MM sidoo kale Xafiisyada Dawaldaha Iyo Hayadaha Hormuudka ah kuwaas oo soo uruuriyay canshuurtii loo qorsheeyay iyagoo waliba canshuur dheeri ah soo xareeyay . (7 Gobol, 55 Dagmo, 1 MM, 7 Xafiis HD & 5 Haayadaha Aan Dawliga Ahayn).
Waxaa lasoo sameeyey hanti-dhowrka canshuurta si loo soo xaqijiyo sugnanshiyaha warbixinada dakhliga iyadoo la tagay 7 gobol,
Waxaa baadhis madax taabasho ah lagu soo sameeyey howl-wadeenada dakhliga 4 gobol tasoo lagu soo ururiyey/saaray 101 goobti shaqo sifo aan sharci ahayn uga maqan kuwaaso laga talaabo qaatay.
2. HORUMARINTA CUDUDA SHAQALAHA & CASRIYEYNTA NIDAAMKA DAKHLI URURINTA
Biloowgi SM 2017 waxaa heeshisyo is afgarad lagaga miradhalinayo qorshaha dakhliga lala galay maamulada kala duwan 11ka gobol, 95 dagmo & 6 MM.
Waxaa 20 dagmo loosoo iibiyey qalab cusub kasoo dagmoyinka ka caawin doono nidamka dakhli ururinta wadarta guud ee nidamkan cusub ka dhigaysa in laga hirgaliyey 41 Dagmo & 6da MM.
Waxaa dhamaan qaab-dhisemdka 95 dagmo & 6da MM laga soo taaageerey nidaamka diyarinta iyo jajabinta qorshaha dakhliga il il ah.
Waxaa tababaro kala duwan la siyey Madax- Xafiseedada Dakhliga iyo Agaasinda Xadaynta, Sharicyada, Wacyigalinta & ICT 95ta Dagmo & 6da MM.
Waxaa darasaad indho-indheyn ah lagu soo sameyey nidaamka canshuurta keelayada & saamaynta sixir barabrka ku leyahay iyadoo wada sameeyeen Xafiisyada Dakhliga, Ganacsiga & xafiiska Madaxweynaha.Waxaa 6da MM laga sameyey diwangalinta canshuur bixiyeyasha u qalma mashiinka crmka.
Ugu danbayn wasiirka ayaa xusay in Deegaanka Soomaalida uu rabo in uu gaadho isku filaansho dhaqaale si looga maarmo kabida heer dal ama la yareeyo, Kuma Tiirsanaan karno kaliya kabida dalka inooga timaada si aynu horumar dheeri ah ugaadhno waxaan ubaahanahay in aan dakhli dheeri ah soo saarno.
Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS isagoo si qoto dheer u eegaya masiirka iyo horumarka deegaanka, wuxuu shacabka la wadaagay dardaaran muhiim ah:
“Ogow cashuur bixiye, dakhli yar oo aad bixiso – waa adeeg yar oo ay dawladda awood u hesho iney kuu fuliso. Cashuurta aad bixiso ma aha kaliya waajibaad sharciyeed, waa ballan aad la leedahay mustaqbalka deegaankaaga.”
Umadaha Ilbaxa ah ee hormuudka ka ah horumarka deegaankooda k**a wareegaysataan ama k**a dhuuntaan bixinta cashuuraha ku waajibay
DAKHLI LA’AAN WAA HORMAR LA’AAN