Peace Media

Peace Media 'Peace Media is your news, analysis, features and entertainment media. We provide you the latest.

"Peace Media/ is a dynamic and independent media news company committed to delivering accurate, timely, and relevant information to our audience. We focus on bringing you in-depth news, insightful analysis, and stories that matter – covering politics, society, culture, development, and current affairs across Ethiopia and beyond.

Shaqo wacan 🙌 H.E Mohamed Abdi
18/07/2025

Shaqo wacan 🙌 H.E Mohamed Abdi

በ2017 በጀት ዓመት 18.5 ቢሊዮን ብር ገቢ ተሰብስቧል - የሶማሊ ክልል ገቢዎች ቢሮ
*****************************

በሶማሊ ክልል በ2017 በጀት ዓመት 17.6 ቢሊዮን ብር ገቢ ለመሰብሰብ ታቅዶ፤ 18.5 ቢሊዮን ብር መሰብሰብ መቻሉን የክልሉ ገቢዎች ቢሮ ኃላፊ መሀመድ አብዲ ኡመር ለኢቲቪ ተናግረዋል።

የእቅዱን 105 በመቶ ማሳካት መቻሉን ያነሱት ኃላፊው፥ ቀልጣፋና ዘመናዊ የአገልግሎት አሰጣጥ ስርዓትን በመዘርጋት፤ የገቢ አሰባሰብ ሥርዓቱን ከጊዜ ወደ ጊዜ ማሻሻል መቻሉንም ነው ያነሱት።

በ2017 በጀት ዓመት የክልሉን ዓመታዊ ወጪ 44 በመቶ የሚሆነውን በውስጥ ከሚሰበሰብ ገቢ መሸፈን የተቻለ ሲሆን፤ በ2018 በጀት ዓመት ይህን አሀዝ ወደ 50 በመቶ ለማሳደግ እቅድ ተይዞ ወደ ሥራ መገባቱንም ነው ኃላፊው የጠቆሙት።

በ2017 በጀት ዓመት የተሰበሰበው ገቢ በ2016 በጀት ዓመት ጋር ሲነፃፀር የ 36.5 በመቶ (የ4.9 ቢሊዮን ብር) ጭማሪ ማሳየቱን አንስተዋል።

በክልሉ በ95 ወረዳዎችና በ6 የከተማ አስተዳደሮች ለህብረተሰቡ የግንዛቤ ማስጨበጫ ሥራዎችን ማከናወን መቻሉን ያነሱት ኃላፊው፤ በዚህም አበረታች ውጤቶችን ማስመዝገብ መቻሉንም የተናገሩት።

ዜጎች የ2018 በጀት ዓመት ግብራቸውን በወቅቱና በታማኝነት እንዲከፍሉ ያሳሰቡት ኃላፊው፥ ቢሮው ተገቢውን አገልግሎት ለመስጠት ዝግጅቱን ማጠናቀቁን ተናግረዋል።

በቴዎድሮስ ታደሰ

Wasiirka xafiiska Dakhliga,Mudane Mohamed Abdi ayaa warbaahinta deegaanka lawadaagay warbixinta waxqabadka xafiiska gaar...
18/07/2025

Wasiirka xafiiska Dakhliga,Mudane Mohamed Abdi ayaa warbaahinta deegaanka lawadaagay warbixinta waxqabadka xafiiska gaar ahaan shaqooyinkii muhiimka ahaa iyo dakhli Ururinta Deegaanka

Xafiiska Dakhliga DDS ayaa soo bandhigay warbixinta qorshaha dakhliga SM 2017 TI kasoo dhanaa 17.6 Billion iyadoo lasoo ururiyey dakhli dhan 18.5 Billion tasoo ka dhigan boqolayda 105% lacag ahaana noqonaysa 900 Million.

Dhinaca kale dakhliga sanadkan lasoo ururiyey marka la barbardhigo SM 2016 waxa kor looqaday dakhliga 36.50% lacag ahan noqonaysa 4.937 Billion oo dheeri ah in lasoo ururiyey.
Shaqooyinkii Ugu Muhumsanaa Ee Uu Xafiisku Qabtay Ayaa Kala Ah :

1. WACYIGALINTA & FULINTA SHUuRUCDA CANSHUURTA

Waxaa la sameeyey wacyigalin balaadhan kasoo ka qayb qaateen heer deegaan, gobol, MM, Dagmo ila heer qabale.

Sidoo kale waxaa la diyaariyey barnaamijyo joogto ah korna loogu qaadayo wacyiga canshuur bixiyeyaasha kuwaaso isugu jirey waraysiyo, majajilo & iwm kana kala baxay bogaga xafiiska & warbaahinta SRTV.

Waxaa la abaalmariyey canshuur-bixiyayaashii hormuudka ahaa ee Dagmooyinka & MM sidoo kale Xafiisyada Dawaldaha Iyo Hayadaha Hormuudka ah kuwaas oo soo uruuriyay canshuurtii loo qorsheeyay iyagoo waliba canshuur dheeri ah soo xareeyay . (7 Gobol, 55 Dagmo, 1 MM, 7 Xafiis HD & 5 Haayadaha Aan Dawliga Ahayn).

Waxaa lasoo sameeyey hanti-dhowrka canshuurta si loo soo xaqijiyo sugnanshiyaha warbixinada dakhliga iyadoo la tagay 7 gobol,
Waxaa baadhis madax taabasho ah lagu soo sameeyey howl-wadeenada dakhliga 4 gobol tasoo lagu soo ururiyey/saaray 101 goobti shaqo sifo aan sharci ahayn uga maqan kuwaaso laga talaabo qaatay.

2. HORUMARINTA CUDUDA SHAQALAHA & CASRIYEYNTA NIDAAMKA DAKHLI URURINTA

Biloowgi SM 2017 waxaa heeshisyo is afgarad lagaga miradhalinayo qorshaha dakhliga lala galay maamulada kala duwan 11ka gobol, 95 dagmo & 6 MM.
Waxaa 20 dagmo loosoo iibiyey qalab cusub kasoo dagmoyinka ka caawin doono nidamka dakhli ururinta wadarta guud ee nidamkan cusub ka dhigaysa in laga hirgaliyey 41 Dagmo & 6da MM.

Waxaa dhamaan qaab-dhisemdka 95 dagmo & 6da MM laga soo taaageerey nidaamka diyarinta iyo jajabinta qorshaha dakhliga il il ah.
Waxaa tababaro kala duwan la siyey Madax- Xafiseedada Dakhliga iyo Agaasinda Xadaynta, Sharicyada, Wacyigalinta & ICT 95ta Dagmo & 6da MM.

Waxaa darasaad indho-indheyn ah lagu soo sameyey nidaamka canshuurta keelayada & saamaynta sixir barabrka ku leyahay iyadoo wada sameeyeen Xafiisyada Dakhliga, Ganacsiga & xafiiska Madaxweynaha.Waxaa 6da MM laga sameyey diwangalinta canshuur bixiyeyasha u qalma mashiinka crmka.

Ugu danbayn wasiirka ayaa xusay in Deegaanka Soomaalida uu rabo in uu gaadho isku filaansho dhaqaale si looga maarmo kabida heer dal ama la yareeyo, Kuma Tiirsanaan karno kaliya kabida dalka inooga timaada si aynu horumar dheeri ah ugaadhno waxaan ubaahanahay in aan dakhli dheeri ah soo saarno.

Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS isagoo si qoto dheer u eegaya masiirka iyo horumarka deegaanka, wuxuu shacabka la wadaagay dardaaran muhiim ah:

“Ogow cashuur bixiye, dakhli yar oo aad bixiso – waa adeeg yar oo ay dawladda awood u hesho iney kuu fuliso. Cashuurta aad bixiso ma aha kaliya waajibaad sharciyeed, waa ballan aad la leedahay mustaqbalka deegaankaaga.”

Umadaha Ilbaxa ah ee hormuudka ka ah horumarka deegaankooda k**a wareegaysataan ama k**a dhuuntaan bixinta cashuuraha ku waajibay

DAKHLI LA’AAN WAA HORMAR LA’AAN

Hagaajinta lagu Sameeyey Xeerka Canshuuraha wuxuu tixgalinayaa Isbadalka Xaalada Dhaqaale wuxuuna balaadhiniyaa Saldhigg...
18/07/2025

Hagaajinta lagu Sameeyey Xeerka Canshuuraha wuxuu tixgalinayaa Isbadalka Xaalada Dhaqaale wuxuuna balaadhiniyaa Saldhigga Cashuuraha - Golaha Shacabka

Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in xeerka la hagaajiyey ee Canshuuraha Dowladda Federaalka uu tixgalinayo isbedellada dhaqaale iyo ballaarinta saldhigga canshuuraha.

Golaha ayaa kulankoodii 2-aad ee deg degga ahaa ee maanta ay ku ansixiyeen wax ka bedelka ku dhawaaqista Canshuuraha Dakhliga.

Desalegn Wedaje, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Qorsheynta, Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Golaha ayaa soo jeediyay warbixinta iyo qaraarka hagaajinta lagu sameeyay xeerkan.

Waxa uu sheegay in wax ka bedelka hadda lagu sameeyay Xeerka uu abuuri doono nidaam canshuureed oo casri ah oo la jaan qaadi kara dhaqaalaha dhijitaalka ah.

Waxa kale oo uu sheegay in haddii la balaadhiyo saldhiga cashuuruhu ay kaalin mug leh ka qaadan doonto kor u qaadida awooda dakhli ururinta dawladda iyo yaraynta musuqmaasuqa cashuuraha.

Xubnaha Golahaasi ayaa soo bandhigay qodobo ay ku cadaatay in wax laga bedelo, isla markaana ay codsadeen in la faahfaahin laga bixiyo.

Jawaabta iyo sharraxaadda uu ka bixiyay wasiirka maaliyadda, Iyoob Tekaliny (Dr.) wuxuu xasuusiyay in xeerkan la diyaariyay ka dib cilmi-baaris iyo doodo socday in ka badan laba sano ah oo lala yeeshay dhinacyada ay khusayso ee heerarka kala duwan.

Waxa uu xusay in Canshuurta Dakhliga oo tixgalineysa is bedelka dhaqaalaha ay muhiim u tahay kobaca dhaqaale ee la qorsheeyay ee dalka, sababtaas darteedna in hagaajinta lagu sameeyo xeerkan ay tahay mid ku haboon oo lagama maarmaan ah.

Waxa kale oo uu sheegay in xeerkani uu door muhiim ah ka qaadan doono soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiga Itoobiya iyo yaraynta cashuuraha la lunsado.

Golaha Wakiilada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka wax ka bedelka cashuuraha dakhliga 12 xubin, waxa diiday 12 xubin.

Peace Media

Waxaa magaalada Jigjiga lagu soo gabo'gabeeyay qiimaynta warbixinta waxqabadka S.M 2017-ka T.I iyo dhaadhicinta qorshaya...
18/07/2025

Waxaa magaalada Jigjiga lagu soo gabo'gabeeyay qiimaynta warbixinta waxqabadka S.M 2017-ka T.I iyo dhaadhicinta qorshayaasha sanadka cusub ee 2018-ka T.I ee 11-ka gobol iyo 6-da maamul magaalo ee Deegaanka.

Kulankan oo socday afartii maalmood ee u dambaysay islamarkaana maanta la soo gabo'gabeeyay waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka oo ay ugu h**eeyaan Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida Eng. Maxamed Shaale.

Shirkan qiimaynta warbixinta waxqabadka S.M 2017-ka T.I. iyo dhaadhicinta qorshayaasha sanadka cusub ee 2018-ka T.I. ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay dib-u-eegista guulihii la soo hooyay sanadkii h**e iyada oo la sii xoojinayo dadaaladaasi, caqabadihii lala kulmay sanadkaasi si loo saxo gal'daloolooyinkii jiray iyo dardargelinta geeddi-socodka shaqo ee sanadka cusub si loo gaadho yoolalka xisbiga.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu lafo'gurayay qaab dhaadhicinta qorshayaasha iyo awaamiirta sanadka 2018-ka T.I. ee Xisbiga Barwaaqo, si loo xoojiyo geeddi-socodka iyo hannaanka shaqeed ee laamaha xisbiga iyada oo laga midho'dhalinayo qorshayaasha horumarineed ee deegaanka.

SRTV Somali

Xukuumada DDS, ayaa keentay agabka loogu talo'gallay dhismaha Xarunta Casriga ah ee dhaqashada xoolaha oo Xafiiska horum...
16/07/2025

Xukuumada DDS, ayaa keentay agabka loogu talo'gallay dhismaha Xarunta Casriga ah ee dhaqashada xoolaha oo Xafiiska horumarinta xoola dhaqatadu ka hirgalinayo duleedka Xaadaw ee Degmada Shabeelay.

‎Agabka dhismaha Xarunta Casriga ah ee dhaqashada xoolaha ee laga dhisaayo duleedka Xaadaw ee Degmada shabeelay ayaa la keenay baabuurta waday 20 koontineer oo ah qalab kala-duwan oo lagu dhisayo xaruntan casriga ah oo ay kamid yihiin guryaha casriga ah ee dhaqashada Geela iyo Lo,da iyo mashiinada lagu liso, guryaha casriga ah ee digaaga iyo mashiinada lagu tarmiyo digaaga iyo qalab-kale oo badan. Xarunta oo ayey qorshaysan tahay in mudo kooban lagu soo gabo'gabeeyo

‎Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo Dhaqatada DDS Cabdiqaadir Iimaan (Ph.D) ayaa sheegay in xaruntan ay tahay midii ugu horaysay ee dalka laga hirgaliyo, si wayna kor ugu qaadaysa nolosha dadka xoolo dhaqatada, iyo xoolo dhaqato beeralayda, xaruntan ayay sidookale shaqo abuur,ka heli-doonaan Muwaadiniin tiro badan.


SRTV Somali

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan iyo Wasiirka madaxtooyada DDS hu...
14/07/2025

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar iyo Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan iyo Wasiirka madaxtooyada DDS hussein Xaashi Qaasim Ayaa gurigiisa ku
Booqday Gudoomiye kuxigeenka Maxk**adda Guud Mudane Cabdikarim Axmed Aadan oo aabihii Dhawaan geeriyooday. Hogaaminta ayaa Gudoomiye kuxigeenka iyo qoyskiisa ka tacsiyadeeyay Geerida Xaaji Axmed Aadan oo dhawaan geeriyooday iyagoo marxuumka ilaahay u weydiiyay inuu janada ka waraabiyo ehelkana samir iyo iimaan ka siiyo.

Shirka Qiimeynta Waxqabadka Xisbiga Barwaaqo ee Sannadka 2017-ka Ayaa Ka Furmay Diridhabe.Magaalada Diridhabe ayaa maant...
14/07/2025

Shirka Qiimeynta Waxqabadka Xisbiga Barwaaqo ee Sannadka 2017-ka Ayaa Ka Furmay Diridhabe.

Magaalada Diridhabe ayaa maanta martigalisay shirka qiimeynta warbixinta waxqabadka ee sanad-miisaaniyadeedka 2017 T.I ee Xisbiga Barwaaqo. Shirka oo lagu lafagurayo waxqabadka xisbiga iyo qorshayaasha sanadka cusub ee 2018-ka ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda sare ee xisbiga oo uu hormuud u yahay Madaxweyne kuxigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna madaxa xarunta dhexe Mudane Aadan Faarax Ibraahim iyo masuuliyiin ka socda xafiisyada xisbiga ee dawlad deegaanada iyo magaalooyinka Diridhabe iyo Addis Ababa.

Qodobbada ugu waaweyn ee shirka lagu soo bandhigayo waxaa ka mid ah: Warbixin guud oo ku saabsan waxqabadka xisbiga ee sanadkii 2017 iyo Warbixin kormeer iyo taageero Xisbiga, Qorshaha hogaaminta iyo horumarinta xisbiga ee sanadka 2018-ka.

Shirka ayaa ujeeddadiisu tahay dib u eegis dhab ah oo lagu qiimeeyo heerka ay gaadhsiisan yihiin qorshayaashii la dajiyay, caqabadaha la kulmay iyo guulaha la gaadhay, si ay xisbiga uga caawiso horumarinta jihada siyaasadeed ee sanadaha soo socda.

"Wasaaraddu guulo waaweyn ayay gaadhay sannadihii is xigay ee lasoo dhaafay."– Mudane Cabduraxmaan Ciid Taahir (Wasiiru-...
13/07/2025

"Wasaaraddu guulo waaweyn ayay gaadhay sannadihii is xigay ee lasoo dhaafay."
– Mudane Cabduraxmaan Ciid Taahir (Wasiiru-Dowlaha Dakhliga JDFI

Shirkii lagu ansixinayey Istiraatiijiyadda Dib-u-habaynta Maamulka Canshuuraha
Gudaha ayaa si rasmi ah u soo gabagaboobay.

Ugu dambeyntii, Wasiiru-Dowlaha Dakhliga Mudane Cabduraxmaan Ciid Taahir ayaa hadal xiritaan ah ka jeediyay shirka. Hadalkiisii, wuxuu ku sheegay in Wasaaradda Dakhliga ay ku hawlan tahay dib-u-habeyn salka ku haysa qaab-dhismeed qaran iyo mid hay’adeed, iyadoo waafaqsan heerarka ugu wanaagsan ee gudaha iyo caalamkaba.

Isagoo arrintaas xusay, wuxuu sheegay in wasaaraddu ay guulo la taaban karo gaadhay sanadihii is xigay ee lasoo dhaafay, isla markaana doorka ay ciyaareen la-hawlgalayaasha caalamiga ahi uu ahaa mid muhiim ah, wuxuuna u mahadceliyay si qoto dheer.

Dhinacooda, ka-qaybgalayaashii shirka waxay sheegeen in dowladda Itoobiya ay sidoo kale xooga saarayaan dib-u-habeynta dhismaha dhaqaalaha, si loo kala-duwo ilaha dhaqaalaha, looga yareeyo ku-tiirsanaanta beeraleyda, lana xoojiyo warshadaha iyo adeegyada. Talaabooyinkaas ayaa lagu sheegay in ay fure u yihiin riyada weyn ee dalka uu hiigsanayo.

Intii lagu guda jiray shirka, waxaa la soo bandhigay lana falanqeeyay qoraalka qabyada ah ee Istiraatiijiyadda Dib-u-habaynta Dakhliga Gudaha iyo Khariiradeeda.

Peace Media

Itoobiya oo Daah-furtay Suuqa Sarifka Amniga ee Taariikhiga ah: Horumar weyn oo Dhinaca Maaliyadda ahItoobiya ayaa maant...
11/07/2025

Itoobiya oo Daah-furtay Suuqa Sarifka Amniga ee Taariikhiga ah: Horumar weyn oo Dhinaca Maaliyadda ah

Itoobiya ayaa maanta oo ah Luulyo 11, 2025, si rasmi ah u bilawday Suuqa Sarifka Amniga Itoobiya (Ethiopian Securities Exchange - ESX), iyada oo billowday ganacsiga Biilasha

Maaliyadda ee Dowladda (Government Treasury Bills). Tani waa guul taariikhi ah oo looga dan leeyahay in lagu casriyeeyo nidaam k**aa liyadeed ee dalka, la kordhiyo daah-furnaan iyo Ka-qaybgal ballaadhan oo maalgashadayaasha ah.

Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa sheegay in guushan ay ka dhalatay sannado badan oo dib-u-habayn ah iyo isku-duwidda siyaasadaha. Waxa uu xusay in diiwaan-gelinta agabyada maaliyadeed ee dowladda ay muhiim u tahay casriyeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda iyo xoojinta dadaallada dib-u-habaynta ee lixdii sano ee la soo dhaafay.

Guddoomiyaha Baanka Qaranka Itoobiya (NBE) Mamo Mihretu ayaa tilmaamay doorka suuqa raasumaalka ee koritaanka dhaqaalaha, isaga oo sheegay inuu noqon doono isha kale ee maalgelinta iyo ka qaybgalka xasilloonida qiimaha.

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Eyob Tekalign ayaa ku sifeeyay daah-furka inuu yahay natiijada toddobo sano oo dib-u-habayn ah, isaga oo xaqiijiyay ballanqaadka dowladda ee ah in aanay jiri doonin maalgelin lacageed oo eber ah oo khasnadda ah, taas oo loo arko inay ka qayb qaadanayso kobaca dhaqaalaha ee waara.
Agaasimaha Guud ee Hay'adda Suuqa

Raasumaalka Itoobiya (ECMA) Hana Tehelku ayaa hoosta ka xariiqday in ECMA ay gacan ka geysatay dejinta aasaaska sharciga iyo xeerarka suuqa raasumaalka tan iyo markii la aasaasay 2022.
ESX, oo ah iskaashi dowladeed iyo mid gaar ah, ayaa horumarisay madal ganacsi oo casri ah oo loogu talagalay agabyada deynta iyo sinnaanta. Madaxa fulinta ee ESX Tilahun E. Kassahun ayaa sheegay in "diiwaan-gelinta ugu horreysa ee agabyada maaliyadeed ee dowladda ee ESX ay calaamad u tahay bilowga cutub cusub oo loogu talagalay suuq deyn oo aad u rajo leh Itoobiya."

Daah-furkan wuxuu matalaa horumar weyn oo lagu dhisayo nidaam maaliyadeed oo adkaysi leh kaas oo taageeri doona isbeddelka dhaqaale ee Itoobiya jiilasha soo socda.

Peace Media

Lacagta Birta Itoobiya ayaa lagu daray lacagaha bangiyada dalka RuushkaAddis Ababa, Hamle 4/2017 (AMICO):  Bangiga Dhexe...
11/07/2025

Lacagta Birta Itoobiya ayaa lagu daray lacagaha bangiyada dalka Ruushka

Addis Ababa, Hamle 4/2017 (AMICO): Bangiga Dhexe ee Ruushka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu lacagta Itoobiya ee Birta ku daray liiska lacagaha qalaad ee uu aqoonsan yahay.

Tani waxay ka dhigan tahay in hadda kadib lacagta Birta itoobiya lagu beddelo/sarifto Ruble lacagta Ruushka, ama Ruble laga beddelo Birta.

Sidoo kale, Bangigu wuxuu qiimeeyay isla markaana go'aamiyay in 100 Bir oo Itoobiya ah ay u dhiganto 57.5872 Ruble lacagta rushka taasoo ka dhigan in 1 Bir uu yahay 0.575872 Ruble.

Bangigu wuxuu siiyay lacagta Birta koodhka lambar 230, wuxuuna sidoo kale maalin kasta shaacin doonaa isbeddelka qiimaha sarrifka.

Peace Media

Deegaanka Soomaalida ayaa sanad-miisaaniyeedkan 2017-da T.I soo xareeyay dakhli dhan 18.5 bilyan oo Birr.Wasiirka Xafiis...
11/07/2025

Deegaanka Soomaalida ayaa sanad-miisaaniyeedkan 2017-da T.I soo
xareeyay dakhli dhan 18.5 bilyan oo Birr.

Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS, Mudane Mohamed Abdi ayaa sheegay in la hirgeliyay tallaabooyin ballaaran oo kor loogu qaadayo awoodda ururinta dakhliga deegaanka.

Iyadoo qorshuhu ahaa Sanad-miisaaniyeedkan 2017-da lasoo xareeyo dakhli dhan 17.6 bilyan oo Birr, ayaa waxaa lasuuro galiyay in lasoo xareeyo 18.5 bilyan oo Birr, taas oo ka dhigan in 105% la dhaafay bartilmaameedkii la dejiyay.

Sidoo kale, marka la barbardhigo dakhliga sanad-miisaaniyeedkii 2016 T.I. (2023/24 G.C.), waxaa muuqata in uu jiro koror dhan 36.5%.

Peace Media

Qabyo-qoraalka miisaaniyadda 2018 ayaa lagu ansixiyay 1.93 Trillion Birr.Golaha shacabka ayaa ansixiyay miisaaniyadda do...
03/07/2025

Qabyo-qoraalka miisaaniyadda 2018 ayaa lagu ansixiyay 1.93 Trillion Birr.

Golaha shacabka ayaa ansixiyay miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2018-ka. Golaha ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ee 42-aad, kulankaas ayaa guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Qorsheynta Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiilada Mudane Desalegn Wedaje waxa uu ku soo bandhigay hindise-sharciyeedka iyo warbixinta qabyada ah ee dawladda federaalka ah ee 2018-ka.

Golaha shacabka ayaa soo jeedinta eegay, waxayna ansixiyeen miisaaniyada dowladda federaalka ah ee 2018-ka. Warbixintu waxa ay tilmaantay in miisaaniyadda dawladda federaalka ee sannadka soo socda ay tahay 1.93 trillion oo birr.

Miisaaniyadda 2018-ka oo qabyo ah ayaa waxa ay ka kooban tahay 1.2 tiriliyan oo birr oo kharash joogto ah, 415 bilyan oo birr kharashka caasimadda 315 bilyan oo birr oo lagu taageerayo dawlad deegaanada iyo 14 bilyan oo birr oo lagu taageerayo deegaanada si loo hirgeliyo Yoolalka Horumarineed ee Waara.

Miisaaniyadda qabyada ah 1 trillion birr ama 73 boqolkiiba ayaa la qorsheeyay in laga soo uruuriyo dakhliga canshuuraha, 236 bilyan oo birr laga helo hay’adaha horumarinta inta soo hadhayna laga soo uruuriyo taageerada mashaariicda iyo dakhliyada kala duwan.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in miisaaniyadda 2018-ka oo qabyo ah loo diyaariyey hab lagu tixgalinayo dib-u-habayn ballaadhan oo dhinaca dhaqaalaha ah iyo qorshaha horumarinta guud ee 10-ka sano.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Peace Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Peace Media:

Share